Kulan ay ka qeyb galeen Marwada Ra'iisul Wasaaraha, Xildhibaano, Haween iyo Fanaaniinta Qeyla Dhaan oo Muqdisho ka dhacay
Jimco, July 13, 2012 (HOL) Kulan
ballaaran oo ay ka qeyb galeen Marwada Ra'iisul Wasaaraha Drs. Hodan Saciid
Ciise, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Ururada Haweenka degmooyinka Gobolka
Banaadir, Fanaaniin ay ka mid ahaayeen Seynab Xaaji Cali Baxsan, Binti Cumar
Gacal iyo haween ka socday 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka
dhacay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho,
Kulankan
oo halku dhigiisa ahaa "Muqdisho Maxay dooneysaa, Dalka iyo dadka maxay
doonayaan", waxaana intii uu socday Kulanka lagu soo bandhigay Suugaan ka
hadlaysay Muhiimada Muqdisho ay leedahay iyo dalka waxaa uu doonayo.
Hey'adda
Wada hadalka bulshada oo kulankan soo qaban qaabisay ayaa muhiimad gaar ah
siisay dadka waxay doonayaan, dalka wuxuu doonayo iyo Kaalinta Haweenka ka
qaadan karaan horumarinta bulshada, Midnimada iyo ammaanka.
Ugu
horeyn waxaa kulanka furay Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka bulshada ee CCD
Ciise Axmed Cumar oo sheegay in Muqdisho ay dooneyso nabad, dalkana u baahan
yahay hogaan cadaalad ah oo ka samata bixiya dhibaatooyinka heysta shacabka.
"Muqdisho
waxay dooneysa nabad, dalku wuxuu doonayaa hogaan cadaalad ah, dadka waxay
doonayaan Midnimo"ayuu yiri Gudoomiyaha Hey'adda Wada hadalka Bulshada
Ciise Axmed Cumar oo u mahadceliyay Fanaaniinta Kooxda Qeyla Dhaan iyo ka qeyb
galayaasha kulankan.
Marwada
Ra'iisul Wasaaraha Marwo Drs. Hodan Saciid Ciise oo iyana ka hadashay kulanka
ayaa uga mahadcelisay Hey'adda Wada hadalka bulshada kulamada ay bulshada u
qabato, iyadoo tilmaamtay in wada hadalka bulshada uu qeyb ka yahay dib u
heshiisiinta.
"Aan
wada hadalno waa aan wada heshiino, waa la socdaa Hey'addan kaalinta bulshada
ay ugu jirto, inay wada hadalsiiso, oo guryaha ka soo saarto, waa u
mahadcelineynaa"ayay tiri Marwada Ra'iisul Wasaaraha Drs. Hodan Saciid
Ciise.
Drs.
Hodan Saciid ayaa sheegtay in Muqdisho ay u baahan tahay nabadgalyo, isla
markaana ay tahay Caasimada dalka.
"Muqdisho
waxay u baahan tahay nabad, waxay u baahan tahay, bilic, ardayda waxay u baahan
yihiin in Iskuulada aadaan, bulshada waxay doonayaan dib u heshiisiin, Muqdisho
waa caasimadii dalka"ayay tiri Marwo Drs Hodan Saciid Ciise.
Fanaanka
Jooqle Shire Jaamac iyo C/xakiin Ciise Guuleed Farayare oo labaduba ka mid ah
fanaaniinta qurbaha ka yimid ee Kooxda Qeyla Dhaan ayaa sheegay in dalka is
bedel ka jiro, isla markaana ay dadka marna ka cabsan kooxo fara ku tiris ah
inay cabsi geliyaan kuwo wajiyada qarsada, iyagoo xusay in Muqdisho u baahan
tahay nabad, dalkana uu u baahan yahay hogaan daacad ah.
Intii
Kulankan socday ayaa hees ka hadlaysay Muqdisho Maxay dooneysay waxaa ku
luuqeeyay Fanaaniinta Jooqle Shire Jaamac, C/xakiin Farayare, Sahra Ileeye iyo
Fanaanada Surqa, kuwaasoo suugaantooda xambaarsaneyd dareenka dadka iyo dalka,
waxaana aad uga maqsuudeen ka qeyb galayaasha, waxaana heestan ahaa mid
muujineysay Muqdisho waxay dooneyso, dalka iyo dadka waxay doonayaan ayaa waxaa
soo saaristeeda lahaa Hey'adda wada hadalka bulshada ee CCD.
Sidoo
kale Kulanka waxaa khudbad ka jeedisay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka
Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab oo xustay in Muqdisho ay dooneyso maqaamkii
aduunka ku laheyd, in Muqdisho tahay Caasimada dalka in lagu cadeeyo, iyadoo
tilmaamtay in Caasimada aan la dumaali karin.
Gudoomiyaha
Haweenka Hey'adda CCD Sahra Maxamed Amiin ayaa iyana sheegtay in kaalinta
haweenka ay udub dhexaad u tahay nabadgelyada, waxaana ay ugu baaqday in
Muqdisho u baahan yahay Dastuur dalka oo dhan lagu dhaqo, maqaamkii ay laheydna
lagu cadeeyo.
Qaar
ka mid ah Gudoomiyeyaasha Ururada haweenka degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa
soo dhoweeyay midnimada haweenka iyo in muhiim tahay in Caasimada Muqdisho la
xaq dhowro, iyagoo ku ammaanay Hey'adda CCD kulamada, siminaarada iyo doodaha
ay bulshada u qabaneyso.
Gudoomiye
kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay
in Muqdisho ay nabad u baahan tahay, dadka degan ay ku naaloodaan walaalnimo,
nabadgelyo iyo is dhex gal, waxaana ay ku ammaantay Hey'adda CCD isu keenka
bulshada oo ay tibaaxday in dal iyo dibad ay isugu keentay.
Ugu
dambeyn kulankan oo ahaa mid xilligii loogu tala galay ku soo aaday ayaa ku soo
beegmay, iyadoo la sugayo inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo lagu soo
doorto dowlad cusub iyo hogaan cadaalad oo umada Soomaaliyed midnimo iyo nabad
u horseeda.
Maxamed Xaaji Xuseen
Muqdisho , Soomaaliya