11/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 3 , 2012
Xisbiga UDUB oo madaxweynaha Somaliland usoo jeediyey inuu ka qaybgalo shirka London (DAAWO SAWIRRO)


Jimce, February 03,2012 (HOL)- Xisbiga  mucaaradka ah ee UDUB oo la kulmay safiir ku xigeenka Ingiriiska ee fadhigiisu yahay magaaladda Addis-ababa ayaa xukuumadda Somaliland usoo jeediyey inay ka qabgasho shirka London ee arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo.

Xisbigan UDUB oo shirjaraa’id ku qabtay hotel Safaari ee magaaladda Hargeysa ayaa sheegay inay kulankaasi safiirka la yeesheen ay wax badan iska waydiiyeen, isla markaana ay dani ugu jirto ka qaybgalka Somaliland xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba.

“ Waxa Maalmahan Magaalada Hargeisa safar ku joogey ku xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska ujooga Wadanka Ethiopia ahna u qaabilsanaha arrimaha Somaliland dawladda Ingiriiska Ambassador Chris Allen  iyo Matt Woods oo ah u qaabilsanaha Xafiiska Siyaasada Safaaradda” ayey ku sheegeen war-saxaafadeedka ka soo baxay Xisbigaasi.

Xisbiga oo ka hadlay Ujeedooyinka shirka London waxa uu yidhi “ Dawladda Ingiriisku waxay aragtay fursad lagu heshiisiin karo Somalia oo aanay Somaliland ka mid ahayn, In shirkani khaas u yahay Gobolada dhexe iyo Koonfurta Somalia. Ma aha ujeedadayadu inaanu isu keeno Somalia iyo Somaliland. Waxa lagaga wada hadlayaa arrimaha nabad gelyada ee gobolka, oo ay ka mid yihiin; Argagixisada, Budhcad badeeda iyo nabad gelyada gobolka geeska Afrika.Waxa kale oo lagaga hadlayaa arrimaha bani’aadanimada, horumarka iyo ka hor taga abaaraha”.


Waxay intaas ku dareen “ Waxanu danaynaynaa in Somaliland ka hesho taagero horumarineed, la dagaalanka argixisada, dhismaha dawlad wanaaga iyo sidii nabad galyada iyo deganaanshaha salka loogu adkayn lahaa. In laga barto habkii ay u martay nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo dhismaha dawladnimada. Waxay fursad u tahay madaxweynaha Somaliland inuu la kulmo 50 dawladood madaxweynayaashooda, kalana hadlo qadiyada Somaliland.”

Waxay sheegeen in Wasiirka arrimaha Dibada ee Dawladda Ingiriisku kula soo xidhiidhay Telefoon madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamud Maxamed “Siilaanyo” si uu ugu faahfaahiyo agendaha shirka.

Sidaa darteed, waxay si cad u cadeeyeen inay Somaliland ka qaybgasho shirkaasi ay muhiim tahay, isla markaana ay fursad u tahay Somaliland.

Waxaana safiirka kulankaasi la yeeshay Mr: Cumar Jaamac Faarax, guddoomiyaha xafiiska SIyaasadda ee xisiga UDUB iyo Dr. Mohamed Aw Dahir Ibrahim, Guddoomiyaha Xafiiska Arrimaha Gudaha  ee xisbigaasi.

Waa markii ugu horaysay oo si cad xisbi ka mid ah xisbiyadda siyaasadeed ee Somaliland aragtidoodda ku aadan shirkaasi ka hadlo, kuna baaqo inay somaliland ka qaybgasho.


Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland