4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Shirkado Gobolka Minnesota ee Waddanka Mareykanka kusoo bandhigay hab cusub oo lacagaha loogu xawilayo Soomaaliya

Axad, Ogoosto 05, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ka jira ee  Golis iyo Telesom iyo xawaalada Tawakal ayaa si wadajir ah u bilaabay adeegyo loogu magac-daray Zaad iyo Sahal, kuwaasoo ah hab teleefoonka gacanta oo lacagta la isugu gudbinayo.

Munaasibad ka dhacday magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa xawaaladda Tawakal ay kusoo bandhigtay habka ay u shaqeyn doonaan adeegyadan, iyadoona ay munaasibadaasina kasoo qeyb-galeen dad badan ka mid ahaa macaamiisha xawaaladaan iyo qaar kale oo daneynayey adeegyadaan cusub ee la hirgalinayo.

“Waxaan xariir la leenahay shirkadaha isgaarsiinta sida, Telesom iyo Golis, waxaana muhiim ah in la is waafajiyo habka isgaarsinta iyo habka xawaaladaha,” ayuu yiri Cali Maxamed oo horumarinta ganacsiga u qaabilsan xawaalada Tawakal.

Qofka jooga Soomaaliya ee adeegyadaan isticmaalaya waxaa laga baahan yahay inuu taleefoon gacanta ah oo uu leeyahay ka haysto shirkadaha Telesom iyo Golis oo dhammaantood ka shaqeeya gudaha Soomaaliya, kadibna waa in uu ku leeyahay koonto lacagta la dhigto oo ku shaqeysa nidaamka Zaad iyo Sahal.


Cabdi-Casiis Xassan Dhoore, oo dhinaca sharciyada u qaabilsan Tawakal oo ka hadlay madashii adeegyadaan lagu soo bandhigayey, ayaa ku tilmaamay hirgalinta adeegyadaan in ay ka turjumayso sida ay Soomaalidu ula jaanqaadayso horumarka dhinaca tiknoojiyadda ee dunida ka hanaqaaday.

“Ujeedkeennu waa inaan dadka u fududayno helitaanka lacagtooda iyo in ay ku daynaystaan oo ay wax ku qabsadeen, dadkuna aad ayey ula qabsanayaan isticmaalka adeegyadaan oo ma ahan wax dhib badan lagala kulmayo, sababtoo ah waxaan meesha ka saarnay in qofku uu tago xarunta xawaalada. Taleefoonkiisa ayey ugu soo dhacaysaa isaga oo gurigiisa jooga lacagtii loo soo diray, kana maamulankaraa,” ayuu yiri Cabdi-casiis Dhoore, oo Tawakal ka tirsan.

Qofka lacagta looga soo diray dibada waxaa ay si too ah ugu soo dhacaysaa mobile-kiisa, haddii uu leeyahay hababka Zaad iyo Sahal, kadibna halkaasi ayuu ka maamuli karaa, sida in uu wax kaga iibsado dukaamada isticmaala adeegyadaan ee deegaankiisa ku yaala iyo in qof kale u xawilo intaba.


Adeegyadaan ay soo bandhigtay Tawakal, waxaa sidoo kale qeyb ka ah adeeg dhinaca internetka ah [E-Tawakal], kaasi oo dadka ku sugan wadamada dibada loogu fududaynayo in ay si sahlan u xawilaan lacagaha ay u diraan ehelka iyo qaraabadooda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, iyagoo jooga gurigooda ama goobahooda ganacsiga.

“Adeegaan kale waxaa loogu talo-galay in qof waliba isaga oo jooga gurigiisa ama goobtiisa shaqada uu diro lacag, kuna diro mobile-ka qof jooga Soomaaliya, taasina waxaa ay meesha ka saareysaa in qofku tago xarunta xawaalada, waqtina kaga dhumo,” ayuu yiri Dhoore.

Inkastoo xili dhow ay adeegyadaan gudaha wadanka ka hirgaliyaan shirkadaha isgaarsiintu, hadana waa mid ku cusub guud ahaan Soomaaliya, horumarkiisuna si xowliya ku sii baahayo.


“Anigu waxaan u arkaa iyadaa ay wadankeena mudo dheer dhibaato ka jirtay in hadana tilaabo ceynkan oo kale ah lagu tilaabsado mid ay Soomaali ku faani-karto, oo aan wadamo badan oo dunida ku yaala ka jirin, gaar ahaanna Afrika,” ayuu yiri Cusmaan Calool-geel oo ka mid ahaa dadkii ka soo qeybgalay munaasibadii lagu soo bandhigayey adeegyadaan.

Wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya dalka kama aysan jirin nidaam bangi dhexe oo shaqeeya, waxaana taasi badalkeeda ay Soomaalidu isticmaalaan xawaaladaha oo si aad ah uga shaqeeya wadanka gudihiisa iyo dibadaba.





Maxamed Faarax Talyaani
[email protected]
Minneapolis, Minnesota