4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2012
Tartan Qur’aan aqris ah oo lagu soo gabgabeeyay magaalada Baladweyne


Axad, Agoosto, 05, 2012 (HOL) --  Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan tartan Qur’aan aqrsi ah oo ay ku tartamayeen arday laga soo kala xulay dugsiyada quraanka ku kala yaala xaafaddaha magaalada kuwaasoo ka koobnaa ilaa 80 arday.

Tartanka oo ahaa mid marka dhinaca laga eego ay siweyn uga faa’ideysteen ardeydii ka qeyb-gashay ayeey sheegeen guddiga in ay gacan weyn ka geysteen qabashadiisa dhalinyarro ku kala sugan dalalka Norway, Holland, Britain, Swedan, Franca iyo Garmalka, kuwaasoo ku bahoobay sida uu guddigu sheegay (’Dalada Dhalinta Gargaar)’

Ardeydii kaalmaha kuwaad, labaad iyo sadaxaad gashay ayaa loo qeybiyay abaal barino isugu jiray lacag, Kitaabo Qur’aan, iyo waliba wax yaabo kale oo ay siweyn ugu farxeen ardeyda.

Inta badan marka la gaaro bisha Ramadaan waxaa lagu qabtaa qeybo kala duwan ee dalka tartamo noocan oo kale ah oo lagu dhiirigaliyo dhalinta in ay ku dadaalaan barashada Qur’aanka, dhinaca kalana lagu muujinayo qiimaha ay leedahay bisha Radamaan, waxaana xusid mudan in gobollka Hiiraan uu ka mid yahay gobollada dalka ee inta badan ay ka dhacaan tartamada noocan oo kale ah.


Guddiga oo ka koobnaa rag culimo ah ayaa ku booriyay dhalinta barta Qur’aanka in ay ku dadaalaan barashadiisa, iyaga oo sheegay in tartamada noocan oo kale ah yihiin kuwo sare u qaadi kara niyada ardeyda si ay ugu dhiiradaan Qur’aanka barashadiisa.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya.