Rabshado ka dhashay dil loo gaystay nin wadaad ah oo ka soconaya magaalada Mombasa ee dalka Kenya
Isniin, August 27, 2012 (HOL) - Rabshado uu dhiig ku daatay ayaa ka soconaya magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee Kenya.
Dagaal gacmaha la isula tagay ayaa dhex maraya
ciidamada ammaanka iyo dhalinyaro muslimiin ah, kuwaasoo ka caraysan
dilkii maanta loo gaystay sheekh Cabuud Rogo oo kamid ahaa
calumaa'udiinka magaalada Mombasa oo lala xiriiriyay inuu taageero siiyo
kooxda Alshabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.
Dhalinyarada ayaa dab qabadsiiyay kaniisad ku
taallay magaalada Mombaasa, waxayna ku gooyeen jidadka taayiro olalaya,
iyagoo sidoo kalana laga hor istaagay markii ay weerareen kaniisado kale
oo ku yaalla magaaladaasi.
Waxaana ay dibad
baxayaashu ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah kiristaanka oo ku tiroyar
magaaladas oo ay ku xoogbadanyihiin muslimiintu.
Waxaa
wararku ay sheegayaan in hal qof uu ku dhintay iska horimaadyada
soconaya, halka tobonaan kale oo ay dhaawacyo soo gaareen loo qaaday
isbitaallada.
Dilka Sheekh Cabuud Roogo ayaan la
xaqiijin cida ka dambaysay, booliska Kenyana waa ay ka gaabsadeen inay
beeniyeen ama rumeeyaan dilkiisa oo lagu eedeeyay ciidamada ammaanka.
Balse
ciidamada booliska ayaa xaqiijiyay in rag hubaysani ay soo dabagaleen
gaarigiisa, isagoo ayla socdeen xubno kamid qoyskiisa ayna ku toogteen
deegaanka Bambuuri oo ka tirsan magaalada Mombasa.
Wadaadkan ayaa Maraykanku ay ku dareen liiska
shakhsiyaadka gacanta siiya argagixisada, waxaana uu khudbooyinkiisa ku
taageeri jiray ururka Alshabaab ee ka dagaallama Soomaaliya, isagoo
Maraykankana ku eedayn jiray inuu faragalin qaawan ku hayo arrimaha
gobolka.
Kenya ayaa wadaadkan dhowr goor oo hore maxkamad soo taagtay, balse waxaa lagu sii daayay damaanad.
Rabshada
ka dhalatay dilkiisa ayaa laga baqayaa inay wax u dhinto xasiloonada
magaalada Mombaasa oo kamid ah goobaha ugu ammaanka badan dalka Kenya.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya