4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 7 , 2012
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dowladda Britain oo soo dhaweeyay Magacaabidda Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Beesha caalamka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), kaasoo madaxweynaha Soomaaliya uu u doortay inuu noqdo ra'iisul wasaaraha xukuumadda lasoo dhisayo ee Soomaaliya.

Ergayga xoghayaha guud ee Soomaaliya, danjire Augustine Phillip Mahiga, ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Abuubakar Diarra iyo wasiirka arrimaha Afrika ee Britain, Mark Simmond ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan magaaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

"Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud waxaan uga mahadcelinaynaa sida wadatashiga leh ee uu u soo magacaabay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, weliba isagoo aan ka bixin xiligii uu haystay," ayaa lagu yiri warbixinno si kala gooni-gooni ah ay mas'uuliyiintan u soo saareen.

Danjireyaasha iyo wasiirka Britain ayaa waxay dhammaantood u rajeeyeen ra'iisul wasaaraha cusub inuu howshiisa uu u guto si sharciga waafaqsan, iyagoo shacabka Soomaaliyeed iyo qaybaha dowladda ugu baaqay in gacan lagu siiyo gudaha waajibkiisa shaqo.

"Waxaan ballanqaadaynaa inaan si dhow ula shaqeyno ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya," ayay mas'uuliyiintan ku sheegeen warbixinnada ay soo saareen, sidoo kale waxaa magacaabista ra'iisul wasaaraha cusub soo dhaweeyay ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Ra'iisul wasaaraha cusub oo noqonaya kii ugu horreeyay oo rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato oo ka hadlayay xafladdii lagu magacaabay oo maqribnimadii xalay ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay inuu soo dhisi doono dowlad lala xisaabtami karo oo ka hufan musuqmaasuq iyo eex.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isaguna isla xafladdaas ka hadlay ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay gacan lagu siiyo ra'iisul wasaaraha cusub sidii uu u gudan lahaa howshiisa cusub, isagoo Alle uga baryay inuu howshiisa u fududeeyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya