4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2012
Abaar ka taagan Deegaano Muddo Sannado ah aan roob helin oo ka tirsan Gobollada Bari iyo Karaar ee Puntland
Isniin, Oktoobar 15, 2012 (HOL) — Iyadoo ay dhawaan roobabkii dayrtu ka curteen meelo badan oo kamid ah deegaanada Puntland ayaa haddana waxaa dhul ballaaran oo ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar ka taagan yihiin abaaro ba'an.


Waxaana kamid ah dhulka miyiga ah ee hoos taga degmada Rako oo ka tirsan gobolka Karkaar iyo deegaanada xeebta ah ee ku hareeraysan degmooyinka Xaafuun iyo Caluula.

Duqa degmada Rako oo HOL khadka telefoonka kula hadlay, ayaa sheegay in xaaladda abaartu ay tahay mid daran, islamarkaana ay si isku mid ah u saamaysay dadka iyo duunyada labadaba.

Wuxuuna intaas raaciyey in ceelasha  intoodii badneyn ay gureen, qiimaha biyuhuna uu aad kor ugu kacay, isagoo xusay in qiimaha halkii Fuusto oo biyaha ahi uu marayo in ka badan 4$.

Dhinaca kale qaylo dhaan la xiriirta xaaladaha abaarta ayaa mudooyinkii u danbeysey kasoo yeereysey duqeyda iyo waxgaradka deegaanada xeebaha ah ee u ku yaal bariga fog.

Waxayna dowladda iyo hay’adaha samafalka ee caalamiga ah ugu baaqeen in ay gargaar lasoo gaaraan, iyagoo ka digey in hadii ay arintu sidan kusii socoto uu dhib weyni ka dhalan doono.

Mas’uuliyiin badan oo dowladda Puntland ka tirsan oo qaarkood ay soo kormeereen deegaanada ay abaaruhu saameeyeen, ayaa  sheegay in dowladu intii tabarteeda ah aysan dadaalka yareysan doonin.

Inkasta oo ay duunyo badani biyo iyo baad la’aan dartood u le’deen, ma jiraan hadana wax dad ah oo gaajo iyo haraad u geeriyoodey, waxaana xusid mudan in meelaha abaartu ay  hayso ay ku jiraan qaar aysan wax roobab ahi ka di’in 5tii sano ee  lasoo dhaafay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya