4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2012
Dad fara badan oo ku dhaawacmay Rasaas ay Milateriga Kenya ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Bartamaha Gaarisa
Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhaawacmay rasaas ay milateriga Kenya ku fureen maanta dad shacab ah oo isugu soo ururay bartamaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari-Kenya, halkaasoo tan iyo shalay ay ka socdeen rabshado ka dhashay saddex askari oo la dilay.

Goobjoogayaal ku sugan degmadaas ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay rasaas ku fureen dadka shacabka ah oo isugu soo ururay suuq lagu magacaabo Suuq Mugdi oo xalay gubtay, iyadoo dadkii ku dhaawacmay la dhigay isbitaalka degamdaasi.

Xidhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto degmadaas ayaa sheegay inay dowladda Kenya ka jeesatay dhibaatada ay ciidamada milaterigu ka wadaan Gaarisa, isagoo ka dalbaday wasiirka gaashaandhigga Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji inuu ciidamada milateriga ah ka saaro degmadaas.

"Haddii saddex askari oo la dilay oo keliya magaalada loo gubayo, haweenka loo kufsanayo dadkana loo dhibaateynayo waa mid aan innagu ka tashanayno, balse waxaan u sheegaynaa wasiirka gaashaandhigga inay ciidamadooda la baxaan, haddii kale waxaan ogeysiinaynaa inaan iyaga iyo innagu wada deggenaan doonin magaalada," ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre.

Waxgarad iyo culummo ka hadlay rabshadaha ka taagan Gaarisa ayaa sheegay inay wax lala yaabo tahay in askar la dilay oo keliya loo baabi'iyo magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari. Haddii wasiirka gaashaandhigga uusan waxba ka qaban karin arrintan waxaan ka dalbanaynaa inuu iscasilo.

Madaxa isbitaalka Gaarisa Dr. Muuse ayaa VOA-da u sheegay in 15 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan lasoo gaarsiiyay isbitaalka. Iyadoo dadka dhaawacyadu ay soo gaareen ay ka mid yihiin arday ay ciidamadu ugu galeen iskuulladii ay wax ku baranayeen.

"Innagoo iskuulka joogna kuna jirna imtixaan ayay ciidamadu soo galeen iskuulka, rasaas ayay nagu fureen, aniga gacanta ayay iiga dhacday, arday kale oo fara badanna dhaawacyo kala duwan ayaa gaaray," ayuu yiri arday magaciisa ku sheegay Aadan Dhaqane oo ka mid ahaa dadkii dhaawacooda la geeyay isbitaalka.

Haween ka mid ah kuwii waxyeelladu kasoo gaartay howgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan magaalada Gaarisa iyo kuwo ganacsigooda uu ku gubtay suuqii weynaa ee magaaladaas ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Kenya inuu isagu mas'uul ka yahay dhibaatada lagu hayo shacabka magaalada Gaarisa ayna isaga guuri doonaan haddii aan dhaqanka wax laga bedelin.

Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-Kenya ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay falal ammaan-darro ah oo kala duwan, kuwaasoo u badnaa dilal kala duwan oo loo geystay ciidamada dalka Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya