4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Baabuur Mayd siday oo Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay dad Isugu jiray kuwo waaweyn iyo Caruur
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiray cunug yar ayaa ku dhintay shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo shilkan uu imaanayo maalin kaddib markii gaari fariinka goostay uu afar cunug ku dilay degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Waaberi, Axmed Mayre Makaraan (Axmed Faal) ayaa koox warfidiyeen ah ugu sheegay halkii uu shilku ka dhacay in gaariga shilka geystay uu waday mayd la doonayay in lasoo aaso qubuuro ku dhow dugsiga tababarka booliiska ee gobolka Banaadir.

"Baabuurka shilka geystay wuxuu ahaa gaari weyn oo mayd siday, waxaana laga waayay fariinka taasoo keentay inuu dadkan badan dilo, kuwo kalena dhaawacyo u geysto," ayuu yiri Axmed Faal oo la hadlayay saxaafadda.

Goobjooge ku sugan halka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in gaarigu uu dusha ka maray dadkii dhintay, sidoo kalena ay jiraan dad badan oo dhaawacyadooda loo qaaday isbitaallada Muqdisho kuwaasoo tiradooda lagu sheegay shan qof.

Dadweyne badan oo ay ehel iyo asxaab ahaayeen dadkii ku dhintay shilka gaari ayaa goobta soo buuxiyay, waxayna halkaas ka qaadeen maydadkii, iyadoo sidoo kale la qaaday maydkii uu gaarigu waday.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii gaariga kuwa raaxada ah oo bareek ama fariinka laga waayay uu jiiray caruur kubad ku ciyaaraysay barxad degmadaas ku taalla, waxaana halkaas ku dhintay afar ka mid ah caruurtii ciyaaraysay iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya