4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2012
Madaxweyne Shariif Sheekh oo la kulmay Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee xidhibaannada soo xulay, kuwaasoo ku eedeeya guddiga farsamada inay iska tuureen xubnihii ay soo xuleen ayna qorteen kuwo ay iyagu doonayaan.

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Fara-cadde oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee madaxweynaha la kulmay shalay oo Khamiis ahayd ayaa sheegay in caqado ay kala kulmayaan guddiga farsmada ee xulista baarlamaanka.

“Nimankaan (TSC) innaga culeys ayay nagu haayaan, xildhibaanno aanan innagu qorin ayay iska qorteen, meel ay ka keeneen ma garanayno, kuwo dadka iyo dalka aan dambi ka galin oo karateeriyada aan ka hor imaanna waa la iska soo celiyay, arrimahaas wax badan ayaan kala hadalnay dowladda oo aan sheegnay wax jawaab ahna wali nagama aysan siinin,” ayuu yiri Ugaas Faracadde.

Sidoo kale, Ugaasku wuxuu yiri: “Kulammo badan oo waxba ayan ka jirin ayay mar walba noo qabtaan, halkii ay ku xaroodeenna way kasoo bixi waayeen, arrintaas waxaan leenahay in la fududeeyo, beesha caalamkana waxaan u sheegeynaa nimanaakaas masuuliyadda ay qaadeen inaysan kaliya ahayn ee mid kasii sarreysa ay ku darsadeen”.

Madaxweyne Shariif oo isaguna hadal u jeediyay odayaasha ayaa sheegay inaan la aqbali karin in la carqaladeeyo hannaanka nabadda, isla markaana awood aan sharci ahayn la isticmaalo taasoo lagu hor-istaagayo qorshaha dowladnimo.

“Waxaa nasiib-darro ah in dad aqoonyahanno ah oo loo xulay inay ka qayb-qaataan dib u shiska Soomaaliya ay awooddii la siiyay isticmaalaan awood ka badan, inay ka shaqeeyaan waxyaabo dalka dhibaateynaya, inay ka shaqeeyaan waxyaabo dadka Soomaaliyeed shaki iyo mugdi kala gelinaya aad ayaan uga xun nahay, nabaddaan dadna waa u dhintay dadna waa dhaawacmay, dadna habeen iyo maalin ayuu u soo jeeday, rag waqti kooban jooga inay fowdo abuuraan waa wax nasiib darro ah, dambi ka weynna ma jiro hannaanka dowladnimo in la carqaladeeyo,” ayuu Shariif Sheekh ku yiri odayaasha.

Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa madaxweynaha u sheegay in lagu wargaliyay inay ka guuraan hoteelladii ay degganaayeen, taasoo uu sheegay in odayaasha ay ku adag-tahay maadaama uusan wali dhammaan qorshihii loo keenay ee ahayd in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo dhammeystiran.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in kaalintii odayaasha dhaqanku aysan wali dhammaan, lana doonayo in odayaashu ay horumuud u noqdaan barnaamijka dib u heshiisiineed ee dowladda cusub.

“In sidaa u joogtaan la idiin yimaado ee la idin yiraahdo guryaha ka baxa, oo la idin yiraahdo maqaayaddu waa idinka xiran tahay, arrintaasi arrin dhaqan ah ma ahan, arrin la isku ogyahayna maaha, arrin aan aqbaleynona oo na qabatana maaha, cidii sameysana waa lagula xisaabtamayaa hadduu Alle idmo” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya