Madaxweynaha Somaliland oo booqday Xaruntii SNM Ee Magaalada Baligubadle
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo11%20-%20Copy.jpg)
Sabti, October 01, 2011 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay taalo lagu xasuusanayo halgankiii Dheeraa ururkii wadaniga dhaqdhaqaaqa Somaaliyeed ee SNM.
Madaxweyne Siillaanyo ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Balligubadle ee gobolka Hawd, halkaas oo ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed xarun u ahayd, isla markaana ah xaruntii uu xilka guddoomiyenimo ee SNM ku wareejiyey wakhtigii gobolada Somaliland uu dagaalka adag ka socday ee dawladihii Maxamed Siyaad Bare iyo SNM dagaalka fool ka foolka ah iskaga hor yimaadeen.
Shirweynihii u dambeeyey ee SNM yeelato ayaa lagu qabtay Magaalada Baligubadle, halkaas oo guddoomiye uu ku noqday madaxweynihii hore ee Somaliland Md: Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur), xilkana ku wareejiyey madaxweynaha imika ee Axmed Siilaanyo.
Magaalada Balligubadle ayaa muddo laba sanno ah xarun u ahayd jabhadii SNM, halkaas oo markii dambe ay xoog ku muquuniyeen nidaamkii Maxamed Siyaad Bare ee dagaalka adagi ka dhexeeyey.
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo.jpg)
Magaalada Balligubadle ayaa waxa madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo dhoweeyey boqolaal kamid ah dadka ku nool gobolkaasi, kuwaas oo caleemo qoyan u lulaayey.
Weftiga madaxweynaha ayaa ka koobnaa Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Cadaallada Md. Xuseen Axmed Caydiid iyo Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.
Madaxweynuhu ayaa wakhtigii uu ololaha madaxtinimo ku jiray balanqaaday inuu Taalo ka dhisi doono magaalada Balligubadle, kaas oo uu maanta kaga dhabeeyey balanqaadkiisii, waxaanu madaxweynuhu si weyn ugu mahadnaqay dadweynihii sida weyn usoo dhoweeyey..
Waa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur), isago dadweynihii ku soo dhoweeyey gobolku ugu mahadnaqay, isago ka waramay taariikhda ay magaalada leedahay iy doorkii ay ka qaadatay dib usoo galkii dalka.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay madax kale kuwaas oo dhamaantood u mahadnaqay dadka ku dhaqan gobolkan Hawd oo ay ku tilmaameen inay yihiin dad muwaadiniin ah, wakhtigii adkaa ee dagaaladu socdeena u dhabar adagay.
Madaweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayey aya makhribkiii manta Hargeysa dib dib ugu soo noqday.
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo15%20-%20Copy.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo9%20-%20Copy.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo10%20-%20Copy.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo3.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo5.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo7.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo1.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo8.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo12%20-%20Copy.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo13%20-%20Copy.jpg)
![](/news/2011/oct/images/siilaanyo14%20-%20Copy.jpg)
Barkhad-Ladiif M. Cumar,. Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland