4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Dawlada Kanada oo hagratay Bashiir Makhtal, rajadiisana waa xisbiyada mucaaraka
fiogf49gjkf0d

ARAGTIDA
HIIRAAN ONLINE
Monday, June 09, 2008


Bashir Makhtal
Bashir Makhtal
Bashiir Makhtal oo ah muwaadin reer Kanada ah ayaa ilaa sanadkii hore bishii kowaaad (Jan.2007) si xaq daro ah ugu xidhnaa xabsi ku yaal wadanka Ethiopia. Xisbiga muxaafidka ah ee talada wadankan haya ayaa ku guul daraystay in ay wax u qabtaan muwaadinka ku dhiban xabsiga, xataa safaarada Kanada ee kutaal Ethiopia ayaan haba yaraatee waxba u qaban. Waxaa la yaab ah in Dawlada Kanada oo siisa gargaar ka badan 100 million oo dollar oo ah lacagta cashhurta laga qaado shacabka Kanada oo uu Bashiir  Makhtal ka mid yahay in ay Dawlada Ethiopia sidaa ula dhaqanto muwaadiniiinta wadankan.

Dhibka ku dhacay Bashiir waxay bilaabatey taariikhdu markay ahayd Desember 31,2006, markaas oo uu Bashiir ka qaxay Soomaaliya ka dib markii ay wadanka Soomaaliya soo galeen ciidamada Itoobiya, wuxuuna kasoo gudbey xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Hadaba nasiib daro, waxaa dhacday in Dawlada Kenya halkii ay ka caawin lahayd muwaadinkan Kanadian-ka ah ee dhibaateysan in ay si sharci daro ah ugu dhiibto Dawlada Itoobiya. Lagasoo bilaabo waqtigaas Bashiir la xiray ilaa maanta wax war ah looga hayo ma jiro oo aan ka ahayn in uu gacanta ugu jiro Dawlada Itoobiya. Mudadaas 16-ka bilood ah ma jirin haba yaraatee wax war ah oo laga helay Bashiir Makhtal iyo xaalada uu ku sugan yahay, xataa qareenkiisa Lorne Waldman, Dawlada Canada iyo qoyskiisa toona wax war ah oo ay ka heleen ma jirto. Inkasoo uu qareenkiisu yahay nin aad looga yaqaan wadankan Kanada oo ah ninkii ku guuleystay dacwadii Mahar Arar uu dacweeyey Dawlada Kanada maadaama six un xuquuqdiisa loogu tuntay.

Waxay ahaayeen oo keliya warbaahinta wadankan Kanada gaar ahaan Toronto Star iyo idaacada CBC-da kuwa ka hadlay arinta Bashiir, iyaga ayeyna ahaayeen kuwa dhiidhiiyey xaqdarada, xariga iyo dulmiga lagu sameeyey mawaadinkaas. Nasiib daro weli Dawlada wadankan Kanada arintaas kama hadlin. Hase yeeshee arintani waxay sii xoogeysaaty ka dib markii barnaamijka (The current) ee idaacada CBC-da ay ka sameeysay arinkan barnaamij dheer oo sadex qaybood ah oo loogu magic daray "mugdiga dhexdiisa" kaas oo si faahfaahsan uga hadlaya dhibaatada ku dhacday Bashiir Makhtal. Madaxda wasaarada arrimaha dibeda ee loo xilsaarey arinta Bashiir way diideen in wax war ka bixiyaan halka wax marayaan in kastoo uu soo saaraha barnaamijku Mr. John Chipman uu dhowr goor isku dayey in uu waraysi ka qaado. Hadaba markii uu weriyuhu ka hari waayey oo su'aalo badan weydiiyey ayey markaas qaar ka mid ahi shaqaalaha wasaarada arrimaha dibedu ka jawaabeen su'aalha qaar iyagoo sheegay in ay "dawlada Itoobiya u xaqiijisay in Bashiir Makhtal xaalkiisu fiican yahay". Nasiib daro, shaqaalahan wasaaradu waxay awoodi kari waayeen in ay mudo ka badan sanad ka helaan Dawlada Itoobiya fasax ay kusoo booqdaan Bashiir Makhtal. Sida uu dhigayo qodobka 36-aad ee heshiikii lagu gaaray magaalada Geneva (Geneva Convention) ayaa siinaya Dawlada Kanada xuquuqda ay ku booqan karto muwaadiniinteeda ku xiran wadamada kale.

Hadaba Jimcihii lasoo dhaafay ayaa barnaamij soo saaraha idaacada CBC-da barnaamijkeeda (The Current) Mr. John Chipman uu soo weriyey in nin diblomaasi ah oo ka tirsan shaqaalaha safaarada Itoobiya ee Kanada uu sheegay in Bashiir Makhtal lagu xukumey falal ku lug leh "argagaxisinimo" oo dhici karto in lagu xukumo dil. Sidaad wada ogsoonahayna Itoobiya ma aha wadan ilaaliya xuquuqda bini'aadanka, mana aha wadan si cadaalad ah qofka u xukuma.

Iyadoo ay arintaas xuquuqda biniaadanka ee Itoobiya ka hadlaysa ayaa wasaarada arrimaha dibeda ee Maraykanku soo saartey warbixin odhanaysa in wadaka Itoobiya ay jiraan "xayiraad lagu hayo dadka shacabka ah in ay dawladooda ku bedeli karaan doorashooyinka sidii gu danbeeysey ee hada wadankan ka dhacdey, sidoo kale dadka six un ayaa loogu dilaa  oo loo garaacaa ama loola dhaqmaa marka ay xabsiga la geeyo weliba kuwa mucaaridka ah oo ciidamada dawladu iska xirxiraan oo weliba dad kumanaan ah xabsiga la geeyo laguna hayo in mudo iyagoo aan wax dacwad ah lagusoo oogin, ciidamada dawladu waxay kale oo si xoog leh awoodooda ugu isticmaalaan dadka kacdoonka wada, waxayna xakameeyaan saxaafada, waxay iska xirxiraan dadka saxaafada, dawladuna waxay faraha la gashaa hawlaha ururada shaqaalaha iyagoo weliba madaxda ururadaas u geysta dil iyo dhibaatooyin kale."

Hadaba iyadoo lagu tuntay xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta wadankan Kanada iyo weliba iyagoo aan xil iska saarin madaxda wadankani xuquuqda shicibka ayey waxay sababtey in Maahir Araar uu in mudo ah kusii jiro xabsi oo weliba jir dil loogu geysto xabsiga. Hadaba waxqabadla'aanta dawladan Ra'iisal Wasaare Harper iyadoo muwaadin ka mid muwaadiniinta wadankan ay Dawlada Itoobiya sidaa ugu tomato xuquuqdiisa aasaasiga ah ay xusuusinayso shacabka dareen la mid ah arintii ku dhacdey Maahir Arar.

Bashiir Makhtal waa dhibane ay ku dhacdey dhib qayral caadi ahi oo weliba wadan kale si sharci daro ah looga soo xiray, ayaa hadana waxaa loo diiday in ay safaarada Kanada ee Itoobiya booqasho ugu tagto ama loo qabto qareen u dooda xuquuqdiisa. Qoyskiisu wax war ah kamay maqal Bashiir iyo waxa uu xaalkiisu ku sugan yahay lix iyo tobankii bilood ee lasoo dhaafay. Dawlada talada haysa ee wadankan Kanada-na waa ku guuldaraysatey in ay caawiso muwaadinkan ku xiran Itoobiya inkastoo ay Dawlada Kanada ku caawiso Itoobiya boqolaal miliyan oo doolar.

Iyadoo  ay hadaba Dawlada Itoobiya sheegtay in ay Bashiir ku qaadayso maxkamad qarsoodi ah ayaa rajada keliya ee leeyahay ay tahay in ay wax u qabtaan xisbiyada mucaaridka ah ee wadankan Kanada. Hogaamiyayaasha xisbiyadan sida Mr. Gilles Duceppe, Mr. Stephan Dion, Mr. Jack Layton iyo Mr. Michael Ignatieff oo isagu ah aqoonayaha ku takhsusay arimaha xuquuqda bini'aadamka, ayaa waxa laga doonayaa in ay sharciga ilaaliyaan oo u kacaan Bashiir Makhtal: Waa hadii muwaadinimada wadankani ay tahay mid sax ah.


Wixii tusaala ah noogu soo dira: [email protected] ama  [email protected]