1/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Coofle: Cirbixiyeen caan ahaa


Wednesday January 11, 2023

 

Bidix Captain Jaamac Cabdillaahi Coofle, midig qoraagga, Nayroobi 2016

Allah ha u naxariistee waxa maalintii Jimcaha 06/01/2023 magaalada Kampala ee dalka Uganda ku geeriyooday duuliye sare Jaamac Cabdillaahi Coofle. Duuliye Coofle waxa uu ka mid ahaa duuliyeyaashii diyaaradihii rayidka ee Soomaaliya. Dufcaddii u horreysay ee loo soo tababaro shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines ayuu ka tirsanaaa. Sida aan mar hore isaga laftiisa ka guntay, markii uu ka baxay dugsigii sare ee Sheekh, isaga oo Boorama fasax ku jooga ayaa loo soo sheegay inuu Xamar si degdeg ah u soo galo. Iskusocodku ma wacnayn oo Xamar si fudud laguma gaadhi karayn. Habeeno in la sii dhaxaa qasab bay ahayd. Tacab iyo hawl badan ka dib, sidii ayuu ku tagay Muqdisho oo imtixaankii ku galay. Nasiib wanaag, tiradii guulaysatay ayuu ku soo baxay, waxaana loo qaaday dalkii Jarmalka Galbeed, halkaas oo uu tababar duuliyenimo ku soo qaatay kulliyadda Lufthansa Flight Academy. 
 
Sannadkii 1964-kii ayuu dalka ku soo noqday, waxana uu noqday duuliyeyaashii ugu horreeyey ee lagu aaasaaso shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines. Sida uu Jaamac ii sheegay xukuumaddii markaa jirtay ayaa dalka Maraykan ka codsatay in laga saacido yagleelida shirkadda diyaaradaha ee Soomaaliya. Codsigaas oo Maraykan aqbalay, isla markaana siiyey Soomaaliya diyaaraddii u horeysay ee shirkaddu ku hawlgasho, halka dawladdii Jarmalka Galbeed na, tababarka iyo farsamada xirfadlayaasha loo baahan yahay dusha u ridatay. 
 
Duuliye Coofle, sida ay ugu yeedhi jireen saaxiibadiisa shaqadu, waxa kale oo uu iiga warramay sida uu duulimaadkii u danbeeyey uga ga baxay Muqdisho, sannadkii 1991-kii. Diyaarad Airbus A310-304 ayuu markan duulinayey. Ta kaliya ee nooceeda ah ee Somali Airlines oo lagu naanaysi jiray Xiddigta Cad lahayd bay ahayd. Dad badan oo maato u badan isaga oo sida ayuu diyaaraddaas ka duuliyey Jaamac garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Wuxuu u jihaystay dalka Imaaraatka Carabta. Kabtan Coofle wuxuu ii sheegay in soo noqodkii Imaaraatku damceen inuu qaado dad rakaab ah oo dumar dahablayaal ah u badnaa. Waar dadkani meel ay ku noqdaan ma jirto, haddii u ku garnaqsadayna, jawaabtii waxay noqotay, adeer hawada ku daadi haddii aad doonto.

Sidaas ayuu Kabtan Coofle diyaaradda ugu jihaynayaa magaaladda Frankfurt ee dalka Jarmalka, halkaasi oo xarun u ah shirkadda Luftansa oo isla diyaaradda ay Somali Airlines wada lahaayeen. Sidaas ayaa dadkii qaxootiga ahaana Jarmalku magangalyo ku siinayaa, diyaaraddiina shirkadda Luftansa dib ugula wareegaysaa. Duuliye sare Coofle waxa lagu amaanay oo taariikhda u gashay sida geesinimada iyo xirfadda leh ee uu duulimaadkan u maamulay. 

Ambassador Cabdisalam Hadliye Cumar, ergeyga gaarka ah ee Somaaliya u qaabilsan Bulshada Bariga Afrika oo BBC laanta af-Soomaaliga ah uga warramay taariikhda captain Coofle ayaa soo xigtay, mar uu Air Bus-tii Soomaaliya ka soo raacay Frankfurt, Germany isaga oo Muqdisho ku soo socda sannadkii 1989-kii. Ambassador Sharmarke Geelle oo warbixintan aan ka wada sheekaysannay ayaa ka falceliyey qiimaha ay leedahay marka aad dalkaagii ku soo socoto, ku duulayso diyaarad dalkaaga laga leeyahay, duuliyuhuna yahay ehel iyo xigaal. Waa qanaaco nafsi ah, qab iyo waayoaragnimo muddo dheer dad badani aanay arag. 


Waa kuma Jaamac Coofle

Jaamac Cabdillaahi Coofle wuxuu ku dhashay magaalada Borama sannadkii 1940-kii. Waxbarashadiisa aasaasiga ah ilaa dugsi sare waxa uu ku qaatay dugsiyada Cammuud iyo Sheekh. Waxa ay isku lod ahaayeen dad aan ka xusi karno Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed, Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Cammuud, Maxamed Nuur Faahiye, Guddoomiyaha Shirkada Biyaha ee SHABA iyo marxuum Dr. Saxardiid Faahiye Geelle. Captain Coofle intii danbe wuxuu si rasmi ah u deganaa dalka Canada, halkaas oo ay ku nool yihiin xubnaha qoyskiisu.

La taliye sare

Muddo uu Canada ku noolaa ka dib, waxaa uu duuliye Coofle la taliye sare u noqday Hay’adda Duulimaadyada Dunida ee Qaramada Midoobay ka tirsan (ICAO). Waxa uu u qaabilsanaa bedqabka duulimaadyada diyaaradaha Soomaaliya. 17 sanno oo uu shaqadaas hayay, ka hor intaanu hawlgab ka galin, dadkii ay soo wada shaqeeyeeni oo aan qaarkood la hadlay, xirfad, aqoon iyo xilgudasho ayay ku amaaneen. 

Aniga iyo Coofle

Aniga ka qof ahaan, duuliye sare Jaamac waxa aragiisa iigu horreysay sannadkii 1996-kii. Subax hore ayaan Borama ka soo baxnay oo Hargeysa ayaan u soconay. Gaadhi Landcruiser 3B ah ayaan wadanaa. Adeerkay Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse (Cabdi Quraab) Allah ha u naxariistee ayaa wada. Waxa dhinacayda iga xiga marxuum Axmed Maxamuud Jaamac (Cadduur) Allah ha u naxariistee iyo Cabdiraxmaan Cige Faarax. Kursiga hore waxa loo sii banneeyey Captain Jaamac. Guri uu magaaladda ka deganaa ayaan ku sii marnay. Waxaan la yaabay maalintaas sida marxuumka loo wada ixtiraamayay. Sida isaguna uu dadka u ixtiraamayey, u dhegaysanayey ayaa markiiba i soo jiidatay. Sheekada wacan ee odayada aniga oo aad u la dhacsan ayaan markiiba Hargeysa tagnay.

Maxaad ii soo raadin wayday?

Waxa ii xigtay, bishii 10aad ee sannadkii 2008, anniga oo safar shaqo oo gaaban ku imid magaalada Nayroobi ayaan goob shaqo si kadis ah iskugu aragnay marxuum Coofle. Waan salaamay oo isku sheegay. Markii uu i aqoonsaday, wuxuu igu canaantay in aniga oo magaaladda joogay aan hadda goob shaqo ku kulmayno. Sababta aan hore ugu soo wargelin waayey ama u soo raadin waayey ayuu saluugay. Markan waxa kale oo uu ka tirsanaa baarlamaankii 8aad ee Soomaaliya. Dun wanaagiisa iyo dad jacaylkiisii ayay tani tusaale cad u tahay. Aqbalay gaabiskaygii, maalintaa wixii ka danbeeyeyna cagta ku badiyey.Waa beryahaa marka aan si fiican isku baranayno ee aan isku xidhmayno. Sheeko wadaag, markii danbena saaxiibo dhaw ah noqonay. Beryahaas mar kasta oo aan Nayroobi shaqo u tago, dhaqan bay noo ahayd maalmaha toddobaad-dhammaadka inaan kulanno. Waa marka aan baranayo dhaqanwanaagisii, dad jacaylkiisii iyo dadnimadiisii. Waan ka faa’iideysan jiray la fadhigiisa, wax badan baa na iiga kordhay.

Ruux dunwanaagsan

Waxaan ku bartay oo aan kala kulmay dunwanaag, naxariis iyo deeqsinimo. Waxaan ku bartay xog-ogaalnimo, dhaqan aqoon iyo aqoon baaxad leh oo dal iyo dibad ba ah. Xusuus la yaable buu lahaa oo waxa uu ilaawaa ay yar tahay. Dhacdooyinkii soo maray ee uu goobjoogga u ahaa, tani iyo markii dugsiga la qoray, oo dabcan aad u tiro badan, ayuu si xiise leh u soo warin ogaa. Shicirkii Carabiga ahaa ee dugsiga hoose uu ku soo dhigtay ayuu sidiisii u marinayey.

Qof taariikhyahan ah oo madxaf ah ayuu ahaa. Aragtiyo, fikrado iyo falsafado badan ayuu maanta oo dhan kuu marin karayey. Sidii uu dadka u jeclaa ee uu u xidhiidhin jiray, wax la la simaa ma jiraan ama way yar yihiin. Bilawgaba marka uu ku arko, wuu kugu soo boodayay, hab ku siinayey; boga beerka kuu saarayey, ku dhunkanayey oo ku marxabaysiinayay. Martiqaad baa markaaba xigay. Kharashka aan kula bixiyo haddii aad tidhaa, marka adiga marti aan kuugu imaado, ha inoo ahaato ayuu ku jawaabi jiray. Qof gacal iyo xigaalba loo siman yahay ayuu ahaa. Qof saaxiibtinimo leh oo dadka taasi ku xidhiidhiya ayuu ahaa. Qof qalbi wanaagsan, dun fiican oo la sheekaysigiisa aan duruus ka baran jiray ayuu ahaa.

Laxey xanjada wax iga sii

2009 ayaan gabadh yar oo aan dhalay dhakhtar Nayroobi ah geeyey. Markan si wacan baan isku baranay duuliye Jaamac oo waan la hadlay. Galab walba marka uu shaqada ka soo baxo, isbitaalka ayuu nagu soo mari jiray. Yartayda oo aad u yarayd, markay naxariistiisa iyo deeqsinimaddiisa aragtay, waxay odhan jirtay awoowihii lacagta ayaa yimi. Waxay aragtay isaga oo galab walba sharaab, cunto iyo hadyado u sida.

Maalin baa gabadhayda yar oo 2.5 sanno jirta markaasi, caruur kale oo laakiin ka waaweyn damacday inay la sheekaysato. Yartu af Soomaali wax aan ahayn garan mayso markaas. Yaryarka kalena Ingiriisi iyo Sawaaxili bay ku hadlayaan. Markii ay yartaydii iska daldalantay, carruurtii kalena ilayn fahmi maayaane ay madaxa uun ruxaan, ayay yartaydu odhanaysaa, carruurtan baas ee imtixaanka ahi maxay ahaayeen! Iyada oo sidii loo qosqoslayo ayuu Captain Jama soo galayaa. Sheekadii markii aan uga sheekaynay, wuxuu nala wadaagay mid ku dhaw dhaw ama aan ka fogayn.

Waa ruux tolka ah oo isaga oo yar Saylac laga keenay. Borama inta la keeno ayaa waliba baadiye loo dhaafinayaa. Dababuur ayaa la gaynayaa. Wuxuu arkayaa lax calyoceshanaysa. Intuu ku dhawaado ayuu odhanayaa, “Macaacey xanjada wax iga sii? Inay xanjo cunayso ayuu u haystaa! Markii ay u bixi wayday ilayn waa lax oo u jawaabi maysee, ayuu odhanayaa, haddii aad i diiday, bal dhareerka uun iska du’! Yartu halkii ragii hore ayay marisay buu ku kaftamayaa!

Maxaa lagu yiqiin

Dahir Cilmi Warsame oo ay saaxiib dhaw ahaayeen ayaan isna Nayroobi isku baranay. Daahir 40 sanno ka badan ayuu ka hawlgalayey Baanka Dunida. Hawlgab ayuu mar dhaxdii ahayd ka galay shaqada, laakiin wali la taliye madaxbanaan ayuu kula sii shaqeeyaa. Duuliye Coofle ayay isku dabci yihiin, gaar ahaan dhinaca furfurnaanta, kaftanka, dad jacaylka iyo xidhiidhinta ummada. Daahir Cilmi oo iiga warramaya goorta uu Jaamac bartay ayaa sidan ku bilaabaya:

“Waxbarashada Jaamac wuu naga horreeyey oo iskuma aanu soo gaadhin, laakiin markii aan ku jirnay Dugsiga Sare ee Sheekh ayuu macallin Ingiriis ah oo wax noo dhigi jiray, Richard Darlington oo Soomaalidu Gacmodheere ku naanyasi jirtay na dhiirigalin jiray. Marka ay diyaaradi Sheekh soo dul marto ayuu na odhan jiray, ardaydii aan halkan wax ku baray ayaa diyaaradaas duulinaya. Coofle iyo Rodol ayuu markaa noo magacaabi jiray. Waa 1968-kii. Horta Jaamac nin aan sidaa u higsano ayuu ahaa.

Wuu sii wadayaa oo dunidu waa galabba cayne, wixii danbe ee ay kala muteen ayuu ku darayaa.

“Markii aan dugsiga sare ka soo baxnay 1971-kii ayaan Xamar tagnay. Rag aan isku arday ahayn oo aan isku fasal ahayn iyagu markiiba guriga Jaamac bay ku dageen. Ma hawl yarayn inaad markaa Xamar xigto la martiyi karto aad ku hesho. Ka dib fursad waxbarasho ayaan u baxay oo Rome baan tagay. Holiday Inn Hotel oo shaqaalaha diyaaradda Somali Airlines ku soo degi jireen ayaan marmar tegi jirnay. Jaamac oo labisan oo madax ah baan sheeda ka arki jirnay. Uma aanu dhawaan karayn oo captain buu ahaa, annaguna arday waxbarasho ku jirta, laakiin shaqaalaha kale ayaan qaar is naqaanay. Horta nin aan sidaa waligayo u higsano ayuu ahaa. Ilaahay aakhirkii wuxuu qadaray inaan Nayroobi ku wada danbayno annaga oo qax ah, isla markaana halkan ka shaqayna. Nayroobi weeyi meesha aan si fiican iskugu sii baranaynaa ee aan asxaabta dhaw ku noqonaynaa.

Daahir Cilmi isaga oo qofnimadii Jaamac wax inooga iftiiminaya, wuxuu leeyahay;

“Nin aad u wanaagsan, qalbi fiican oo dadku ay agtiisa ku soo ururaan buu ahaa. Nin yar iyo wayn si isku mid ah oo wanaagsan u qaabilla oo aan agtiisa lagu qaloon ayuu ahaa. Caruurtaydu ruux bani aadam ah oo ay ka jeclaayeen ma jirin. Ilaa maanta oo ay waawaynaadeen, way muraarrodilaacsan yihiin, markay maqleen geeridiisa. Waa naxariis iyo wanaag ay ka arkeen.”

Dadka dunwanaagga Jaamac iska daba maray ma soo koobi karno. waa tiro beel. Ka gungaadhi maynee bal aynu mar kale doc kale ka eegno.

Idris Muxumed Sacad, mulkiilaha Rays Hotel oo ah ganacsade naajax ah oo la wada yaqaan, ayaa mar isaga oo ka falcelinaya geerida marxuum Jaamac sidan faallo ku dhiibtay:

“Allah ha u naxariisto Jaamac. Wuxuu ii ahaa adeer iyo walaal qaali igu ah. Waxaan la kulmay markii iigu horreysay aniga oo 13 jir ah. Waxaan tegay Muqdisho oo aan ku degay gurigiisa. Ma ilaawi karo sidii uu iila dhaqmay. Wuxuu iila sheekaysan jiray sidii aan saaxiib nahay ama aan ahay walaalkiis ka yar. Muqdisho wuxuu i geyn jiray meelaha ugu fiican. Wuxuu ahaa marxuumku qof aad u naxariis badan. Qof dadka aad u caawiya. Qof bashaash ah.

Mar dhexdii ahayd ayaan aniga iyo qoyskaygu dalxiis ku tagnay magaalada Nayroobi oo marxuumku markaa deganaa. In kasta oo la waynaaday waqtiguna isbeddelay, waxa cajiib ahayd inaan mar kale soo dhawayn diiran aan kala kulannay aniga iyo qoysku. Jaamacii aan aniga oo yar aqaanay ee dadka jeclaa ee soo dhawaynta badnaa ayaan dib ula kulmay. Waqtiga iyo waayuhu midna waxba kama beddelin dadnimadiisii wacnayd. Kuma soo koobi karo halkan sifooyinkiisa. Allah ha u naxariisto”

Cabdiraxmaan Muxumed Maygaag, madaxa WFP ee dalka Uganda oo marxuumka ay aad isku yaqaaneen ayaa isna sidan ku sifeeyey:

“Maanta oo ay bishu tahay 10/01/2023 ayaan marxuum Jaamac ku soo aasnay deegaanka Wakiso, duleedka Kampala, halkaas oo aan nasiib u yeeshay inaan ka qaybgalo aaska marxuum Captain Coofle. Marxuumku yaraantayadii wuxuu ahaa shakhsi aad loo higsado, shakhsi qiimo leh, shakhsi bulshada dhexdeeda laga yaqaan. Wuxuu ahaa halbeegga qof kasta oo dhallinyar ahi u uku hamiyi jiray inuu heerkiisa gaadho. Isma aanu soo gaadhin da’ ahaan, laakiin waxaan nasiib u yeeshay sannadkii 2012, mar aan La taliye sare ka ahaa xafiis-goboleedka WFP ee Nairobi ku yaal inaan guri wada degno, maalin walba wada sheekaysano, toddobaad-dhammaadka aan is raacno.

Jaamac wuxuu ahaa qof aad u naxariis badan, qof xusuustiisu la yaab lahayd oo wixii soo maray sida uu uga sheekaynayo aanad marnaba ka xiiso dhacayn. Jaamac wuxuu ahaa qof wadani ah, ku faraxsan heerka uu gaadhay, waxbarashada uu helay, sheekooyinkii dhexmari jiray madaxdii qaranka ee uu mar walba qaadi jiray. Wuxuu ahaa ruux dadku ay u siman yihiin yar iyo wayn, qof dadka aad u taageera, qabyaalad aan aqoon oo dad badan ku xidhnaa. Nin dad jecel, dal jecel oo bini aadanimadu ku wayn tahay ayuu ahaa. Ilaahay ha u naxariisto”

Inta dad uu Jaamac saaciday mar noloshooda ka mid ah waa tirobool oo ka gayoon mayno. Rabbi wanaagaas uu dadka gashaday samaan ha ugu beddelo, danbigiisa ha dhaafo oo jannooyinkiisa ha ku arsaaqo. Aamiin.


WQ: Abdirahman Adan Mohamoud
E-mail: [email protected]



 





Click here