4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Madaxweyne Xasan Shiikh – Maxay Dadku Uga Niyad Jabeen Dowladiisa?

Luqmaan-Xakiim Xuseen
Sunday April 23, 2023

Madaxweynaha JFS Xasan Sh. Maxamuud markaa si wacan ugu fiirsato fariimhiisa oo dhan oo ay ugu danbeeyeen kuwii Ciidul-Fitriga, waxaa ka muuqda dadaal fara badan uu isleeyahay Soomaalida ku qanci dowladnimada, hadalo wanaagsan oo uu doonayo inuu quluubta dadka ku gaaro. Dhinaca ficilka, wuxuu dagaal aan qorshihiisa iyo dhamaadkiisa la saadaalin, kula jiraa argagaxiso arxan-daran, wuxuu muujinayaa in uu musuq la dagaalamayo. Sidaas oo ay tahay, marka aad si barax-tiran ugu kuura-gasho farriimaha iyo wada sheekaysiga dadka Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda jooga, waxaa si xaqiiqa kuugu baxaya, in aysan la dhacsaneyn oo  rajjo kaqabin dowladiisa, warkiisa iyo ficiladiisuna aysan dhaafi karin dhagahooda iyo indhahooda! Waa yaabe sababtu maxay tahay? Madaxweynaha kuma yara dadaal, aftahanimo, daal iyo xuurteyn ka-muuqda, soojeed badan, khudbado waano-bixin ah iyo cag-dhigid la’aan.

Shakhsiyadda Nuureysa iyo midda Mugdiga aheyd ee Madaxweyne Nixon

Fajaca ay arrintan leedahay, waxay ku xasuusineysaa qisadii Madaxweynihii Richard Nixon ee xukunka USA ku guuleystay 1968, caankana ku noqday fadeexadii Watergate. Dadku dhacdadaa ayay yaqaanaan, waxaase taas ka muhiimsan akhrinta shakhsiyadda Nixon oo saldhig u aheyd fashilkiisa. Ray Price oo ahaa qoraha khudbooyinkiisa, wuxuu yiri; Nixon wuxuu lahaa labo shakhsiyadood oo is-diidan. Nixon-nuuraya; wuxuu ahaa aabe oo kale, muujinaya raxmad, daryeel, hadal wacan, waxqabad-doona iyo inuu taariikh katago. Nixon-mugdi ah: wuxuu ahaa qof carreysan, u ooman aar-gudasho, niyad-xun, gocasho-miiran, shakki-badan, waxna inuu dhaawaco doonaya. Waxaa hadalkaa waafaqaya Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Henry Kissinger ee la yiraahdo waa qofkii ugu fiirsashada wacnaa shakhsiyadda Madaxweynaha, oo yiri Nixon wuxuu lahaa labo-shakhsiyadood oo uu kala yimid caruurnimadiisi iyo dhaawacyadii kasoo gaaray halgankiisi siyaasadeed ee uu kursiga ku yimid.

Sida uu Robert Greene qoray, Madaxweyne Nixon caruurnimadiisi wuxuu ahaa ilmo si qeyrul-caadiya u oohin-badnaa, hiqleyn-badan, sasabidiisuna qaadaneysay tamar-&-daal-badan. Waalidkiisuna way ku dhibsadeen, gaar ahaan aabihii oo doonayay inuu noqdo wiil-adag oo isku filan iyo hooyadiis oo ka qaadi jirtay murugo-&-madax xanuun badan oohintiisa. Taas oo sababtay inbadan in ay dayaceen oo uusan helin jacelka ay ilmo-yari ubaahan yihiin. Dayacaadaas iyo daciifnimadaas uu Nixon kusoo koray iyo isagoo doonayay inuu yeesho shakhsiyad-adag, saameyn leh, wiil-waal ah, go’aan-adag, ayaa waxaa sameysmay labadaas shakhsiyadood ee isku-qasan, isna-diidan,, aduunkana wuxuu ugu necbaa in loo arko daciifa, sida uu Henry Kissinger yiri. Waagii uu Nixon xilka ku guuleystay dowrkiisi labaad, wuxuu jeedin jiray khudbado fiican, wuxuu meelmariyay sharciyo badan, laakin waxaa mar walba kusoo kacayay dhaawacyadii siyaasadeed ee soo gaaray iyo dadkii bahdilay. Wuxuuna guda-galay sidii uu uga aar-gudan lahaa, Alger Hiss oo kuyiri hadalo-quursi leh, Bobby Kennedy oo u geystay dhaawacyo siyaasado-nijaas ah (political dirty tricks), wariyayaasha Danial Schorr iyo Katharine Graham, oo laheyd Washington Post oo si shakhsi ah ula soo dagaalamay. Si taas lamid ah, Larry O’Brien oo sabab u ahaa hadda kahor in Nixon lagu sameeyo baaris. Yuhuudda oo uu cuqdad shakhsi ah ka qabay in aysan daacad noqon karin. Ciil-qabkaas iyo dhaawacyadaas xanuunka badnaa, iyo ka aargudashadooda, ayaa sababay in shakhsiyadiisi mugdiga aheyd ka tanbadato, quluubtii dadkuna usoo jeedsan waayeen xagiisa, illaa markii danbe ay ku kaliftay fadeexadii Watergate ee xukunkiisi udirtay Aakhiro, in ay ka dhigtay jiir shirqool loogu dhigay qol-mugdiya.

Labada Shakhsiyadood Ee Madaxweyne Xasan Sh.

Fahmidda qisada Nixon 1973, waa mid aan la nool nahay 2023, gurigeena Soomaaliyeedna kajirta. Madaxweyne Xasan Sh. waxaa soo maray dhaawacyo siyaasadeed iyo bahdil noocyo badan, sida xukunkiisi hore bahdiladii fooshaxumaa ee Faroole iyo jabkii dhisidda Jubbaland. Tartankii 2017 iyo habeenkii SYL ee xildhibaanadu ka cuneen lacagtii ugu badneyd abid, kadibna khiyaameen oo saameyn darran ku yeelatay. Kadibna, bahdillo isdaba-yaalay, aan ka xusi karno iska-indho-tirid inuu ahaa nin Madaxweyne soo ahaa oo maamus-&-talo weydiin mudnaa, diyaaradiisa hawo kasoo celin, mushahaar ka goosasho, cayayaan-ku kicin, waddo-kaxirasho, ku weerarid hoteelkiisa - khalkhal gelisay naftiisa iyo siyaasado-nijaasa ah oo xanuun badan oo aysan dadku lawada socon. Arrimahaas waxay sedex noocba u geysteen dhaawacyo siyaasadeed oo aad iyo aad u qotto-dheer (deep wounds): 1) In Madaxweyne ahaan loo bahdilay, markuu xilka ka dageyna loo maamuusin 2) In aqoonyahan (academic) ahaan loo bahdilay. 3) In magaaladiisi iyo xaafadiisi lagu bahdilay. Dhacdooyinkan isku darkooda waxay soo saareen shakhsiyadiisa-mugdiga aheyd ee sababtay inuu hub-qaato, kuhadlo hadalo aanan laga fileyn, kana soo muuqdo goobo aanan ku habooneyn nin dal soo xukumay, doonayana inuu sii xukumo, waxayna galeen xusuus iyo taariikh aan la tirtiri karin.

MW. Xasan, markuu xukunka kusoo noqday 15 Maajo 2022, waxaa kusii xoogeystay dhaawacyadii xanuunka-badnaa iyo sidii Nixon inuu ka aargutto rajiimkii ka horeeyay iyo wixii la halmaala ee dhiiqooyinka lugaha usoo geliyay. Wuxuu qaaday tallaabooyin badan oo caasho-magarato ah. Waxaan kaxusi karnaa inuu kuraas kahor istaagay, shuruucdoodi baaba’shay, dadkii ay jagooyinka karifeen, dib ugu rakibay, kuwii iyagu magacaabeen xilalka ka qaaday, taageerayaashoodi cagta mariyay. Cid walba oo uu kaga shakiyana iska fogeeyo, albaabada xirto, lana yimaado habdhaqan lamid ah midkii ay rajiimkii hore ku haysay dadka iyo dalka oo ah waxba uma joojino, wiil-waallo ciil-qaba oo aargudanaya ayaanu nahay! Madaxweynuhu waa ka aftahansan yahay madaxweynihii hore, haddana hadaladiisa iyo ficiladiisa ka tarjumayaan ciil iyo caro aan xad laheyn. Waxayna caddeyn u yihiin in sidii Nixon, Xasanka-mugdiga ah ka tanbatay Xasanka-nuuraya. Sidaa awgeedna, uusan Ilaahay tawfiiqda waafajin, dowladiisana looga niyad jabay oo aysan jirin cid rajjo ka qabta, waayo niyadda-xumi waxay qofka ka tuurtaa bohol fog sidii wiilkii Nabi Nuux cs ( إِنَّهُ عَمَلٌ غَيْرُ صَالِحٍ ). Wuxuu MW Xasan u muuqdaa sidii Nixon inuu xukunkiisa la aadayo Aakhiro, guriga Soomaaliyeedna gubi doono.

Ciilka Iyo Aarsgudashadu Wuu Wada Haystaa Madaxda

Cilladan haysata MW Xasan Sh. waxay haysatay Madaxweynihii hore M. Farmaajo iyo kaaliyihiisi siyaasadeed oo lahaayeen 2-shakhsiyadood oo is-diidan mid nuuraysa oo banaanka la keeni jiray iyo mid mugdi ah oo ay labadooduba ka keeneen korriinkii caruurnimadooda iyo jababkii iyo bahdiladii siyaasadeed ee kasoo maray Ra’iisul Wasaarnimadii 2010-kii iyo dhisidii MW Xasan Sh. 2012. Waxay arrimahn ku reebeen cuqdad ay ka mideysnaayeen, sababna u aheyd in ay udhaqmaan sidii ay udhaqmayeen mudadii udhaxaysay 2017-2022, taas oo xukunka iyo xildhibaanimada dhaafisay. Dadka aanan aqoon ayaa u-ooya, laakin waxaa hubaala, haddii xukunka ay kusoo noqdaan, in ay u dhaqmi doonaan sidii ay u dhaqmayeen si ka foolxun {وَلَوْ رُدُّوا لَعادُوا لِما نُهُوا عَنْهُ}, waayo shakhsiyadda mugdiga ee ku abuuran ayaa ka tan badan, haddana lama aamusna kheyr ee dowladii ay ilaalin jireen masaalixdeeda ayaa siisay hooy iyo hugaal iyaga iyo caruurtooda. Sidaas waxaa la mid ah RW hore Xasan Kheyre, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland (Dani iyo Madoobe) oo dagaalkii ay NN la gashay doorashooyinkoodi, iyo 7-dii daqiiqo, sababay dagaal joogta ah illaa ay u tafaxeeteen aargudasho kusoo afjarmtay 15 May 2022. Waxaa lamid ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ciilka iyo carrada uu uqabo ragga xukunka ku haysta, gelisay dhiiqada dagaalka Laascaanood. Isku soo duuboo, madaxdaan oo dhan, shakhsiyadahooda mugdigaa ayaa ka tanbadan, waana midda xukunka wada dhaafin doonta. Waxaa xaqiiqa kuwo kale oo aan xukunka wali nasiib u yeelan ee gocda in guryahoodi loogu dhacay, in ay ciil faruuryaha is-jarayaan, hadday kursiga gaari lahaayeena, wiil-waallo aar-gutta noqon lahaayeen. Dhamaantood qoraallo gooni-gooni ah oo aan laheyn caadifad iyo nin jeclaysi ayaan kasoo wadaa.

Dantaada iyo Danta Caruurtaada Mise Dad Fashil Loogu Dhigay Looxul-Maxfuudka?

Haddaba, waa su’aalo malaayiin doollar joogee, ma aargudashada iyo ciil-qabka ayaa dadka qaarkii indho-tira markii ay xukunka helaan? Insaan walba waa leeyahay dhinac mugdi ah, laakin markii aad gacan sarreyso, waxa lagaa filayo oo quluubta dadka ku jeclaysiinaya waa cafis-iyo-saamix. Nabi Muxamed scw, markii uu Qureysh ka adkaaday wuxuu kuyiri; cafis ayaad tihiin, balse raggii dagaalada usoo abaabulayay sida Abuu Sufyaan rc ayaa la sharfay oo qofkii gurigiisa gala waa aamin layiri. Haduu Nabiga scw maalinta uu Qureysh ka aar-gudan lahaa waxay u geysteen 20 sano, ma isleedahay dowlad ayaa u cago dhigan laheyd ama diin ayaa sidan ufaafi laheyd? Madaxweyne Nelson Mandella, markii xabsiga laga soo daayay, haduu aargudan lahaa, ma isleedahay South Afrikada ugu horreysa qaaraddan, ayay dadkaa madow ku gacan sarreyn lahaayeen, isaguna dunida ka noqon lahaa shakhsi laga xuso, lagana ixtiraamo qowmiyad iyo diin walba? Haddii Paul Kagama, uu huf kadhigi lahaa dadka Hutu-ga, maanta Rwanda mala oran lahaa dal horumarsan oo kuyaala qaarad khaldan, isaguse, ma heli lahaa xushmadda iyo magaca uu dunida ku haysto? Waan tixi karnaa madaxda dunida uga tagey ama kujooga xushmad iyo taariikh oo sabab u tahay in ay xakameeyeen shakhsiyadooda-mugdiga aheyd iyo inta aanan la xusin ama la xusay oo bilcaksi sabab u tahay.  Sidaa awgeed, Farmaajo dowladiisu faashil ayay aheyd, Xasanna xukunkiisu fashil ayuu ku dhamaan, kuwa gobolada haystana waa la mid, ama jeclow ama necbow ama ehelnimo haku xanuujiso, laakiin taariikhdu ehel ma taqaan, mana xusuusan doonto, cirka iyo dhulkana loogama ooyi doono, wanaagna loogama xusi doono, waa sunno-kowni iyo Rabbaani ah, waayo waxaa ka tan badan shakhsiyaadkooda madow ee gundhigga u ah fashilkooda.

Waxaan kusoo afjarayaa, su’aalo aan uga tageyo qof walba oo Soomaali ah, ka weyn 16 jir, caqlina leh, oo aysan caadifadi ka tan badan: Waayo madax noogu noqdaan mar walba dad ay ka tan badan tahay shakhsiyadooda mugdigaa?  Waayo’se u kala taageeraynaa dad isku mid ah oo aan xakameyn karin shakhsiyaadkooda mugdiga ah? Mase u maleynasaa Soomaaliyada aan u wada ooyeeynu in ay dhisi karaan oo dib u nooleen karaan dad isku wada carreysan oo kala aarsanaya? Maxayse maslaxad ugu jirtaa adiga, ubad kaaga, jiil kaaga iyo qarnigan aad nooshahay, adigoo isku mashquulin odey-qabiileed, kuu ahaa awoow hore oo aan adna ku aqoon, qabrigiisana kaasoo xuseyn ama jiilal danbe oo la noolaan doona mushkilaad aan maanta adiga ku haysan, dunideenana kajirin? Ma waxay kula tahay, inaad raacato danahaaga, mise dan shakhsi-mugdi uu Ilaahay fashil ugu qoray Looxul-Maxfuudka? Jawaabahaaga, iigu soo dir emailka hoose.


Luqmaan-Xakiim Xuseen
[email protected]



 





Click here