2/19/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Ads By Google
BELEDWEYNE: Saameeynta fatahaadda dhanka dhaqaalaha

Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
Tuesday, January 21, 2020

 

Hordhac

Waxaa maalmahaan aad loo hadal yahaa xal-u-helidda fatahaadda magaalada Beledweyne. Runtii, fatahaaddu ma aha arrin ugub ah oo waxaa dhacdooyinka taariikheed u diwaangashan in 60-kii sano ugu dambeeyay kuwii darnaa dhaceen:

1961 – 1981 – 2006 – 2009 – 2012 – 2015 – 2017 – 2019 

Inkastoo dadka qaar xog-ogaalka ah ama u soo joogay ay tirada intaan ka  badinayaan.

Waxaan isleeyahay sababta, hadda, keentay in si weyn oo baahsan loo dareemay looguna baraarugay cukeeyska fatahaadda Beledweyne, waxa abaalkeeda iyo ammaanteeda iska leh Baraha Bulshada iyo Mareegaha Warbaahinta oo si firfircoon aan kala go’ lahayn u tabinayay (gudbinayay) xaaladda iyo muuqaalada dhiilada leh ee fatahaaddii Beledweyne 2019.

Kadibna si weyn looga dareemay loogana damqaday dhammaan degaanada ummadda Soomaaliyeed.

Qeexid kooban aan dhaho, fatahaadda magaalada Beledweyne:

- Waa dhibaato facweyn oo intii muddo iyo sanooyin ah soo noqnoqoneysey.

- Waa arrin culeyskeeda iyo walwalkeeda leh oo magaaladu mudo dheer la

  dhiban tahay.

- Waa burbur iyo barakac sanadba sanadka ka dambeeya ka mug iyo baaxad

   Weyn kii ka horeeyay.

- Waa masiibo dhan walba ka saameeysay bulshada magaadaas, haddii ay tahay: Qasaare nafeed, mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid maskaxeed intaba.

Fatahaadda iyo Saameeynta dhaqaale

Waa arrin la wada dareensan yahay in, guud ahaan, dalku marayo marxalad heerka shaqo-la’aanta iyo fursadda dakhli-abuurka bulshadu aad u liito, taasina ay culeeys dhaqaale iyo maciishadeed ku tahay qooysas badan. 

Balse, reer Beledweyne ayagoo taas bulshaweynta Soomaaliyeed la qaba ayaa waxaa u sii dheer dhibaatooyinka dhaqaale oo Fatahaaddu sabab u tahay. 

Qasaaraha nafeed ka sokooow, haddii aan si kooban oo qodobeysan u soo gudbiyo qaybo ka mid ah culeyska dhaqaale ee fatahaadda la xiriira, waxaa ka mid ah:

1) Kharajka qaxa (Evacuation cost) oo isugu jira qiimaha gaadiidka iyo kuwo kale oo aan horay loogu talagalin, balse xaaladda fatahaaddu sababtay, sida:

 Saadka iyo sahayda dheerigaa ee la sii qaadanayo.

2) Kharajka daawada iyo baaritaanka caafimaad ee cudurada la xiriira fatahaadda oo labo marxaladood ah:

Midda hore: Cudurada ka dhalanaya inta la jiro duurka iyo daleesha aan lahayn guri iyo gabaad laga galo dabeeysha, roobka iyo qoraxda.
Midda dambe: Marka lagu soo noqdo magaalada cudurada halkaas ka dhalan kara sida: malaariyada, shubanka iyo wixii soo raaca.

3) Qasaaraha ka dhasha badeecadaha ganacsi iyo agabka guryaha ee ku baaba’a biyaha fatahaadda.

4) Qarashka dib-u-dhiska iyo dayactirka guryaha iyo musqulaha.

5) Kharajka nadiifinta guryaha iyo agagaarkooda si loo soo celiyo muuqaalkii jiray fatahaadda kahor.

6) Shaqo la’aanta iyo dhibaatada nololeed ee la soo gudboonaata xoogsatada

muruq-maalka ah oo noloshooda iyo midda qooyskaba ku maareeya wixii ay maalintaas soo shaqeystaan.

7) Qasaaraha fatahaaddu ka geeysato dhanka wax-soo-saarka beeraha, haddii ay ahaan lahayd:

a- Beeraha waaweeyn ee geed-miroodka iyo qalabkooda.

b- Beeraha ay ku yaalaan nooca loo yaqaan dalag xilliyeedka (seasonal harvest).

t- Kuwa soo saara dalagga ku baxa muddada gaaban oo loo yaqaan “Cash flow crops”.

8) Xilliyada fatahaadda wabigu buux-dhaaf yahay, biyaha waadiyadu soo rogaan ayagoo wata ciid, xaano iyo qaruurax ayey dul-degaan oo ku faafaan dhulkii

carra-sanka ahaa ee la beeran jiray, gaar ahaan, goobihii ku fiicnaa soo saaridda

badarka ee nolosha danyartu ku tiirsanayd.

9- Waxaa jira guryo ku dhaw in ay duugmaan, sababtuna tahay ciiddii fatahaaddu keentay oo sanad walba isi soo tareeysay ayaa jooggii dhulka goobta guryahaasi ku yaalaan sare u qaaday. Guryihii ayaa noqday god hoos loo galayo, taasina waxay kalifeysaa in dib-u-habeyn iyo dib-u-dhis lagu sameeyo.

10- Fatahaaddu waxa burbur u gaysataa waddooyinkii magaalada oo markii horaba iska liitay. Isla markaana, waxay caqabad ku tahay dayactirka waddooyinkii jiray iyo dhismaha kuwa cusub inta cabsida fatahaaddu jirto, waayoo ma sii waarayaan.

11) Waxaan sina xissab iyo xaddi lacageed lagu sheegi karin saameeynta fatahaadda ee dhanka caafimaadka maskaxda, sida: walwalka, cabsida iyo

hadal-haynta joogtada ah ee fatahaadda marka sasaankeedu soo muuqdo.

Tusaale: Magaalada Beledweyne marka wabigu biyo-ken yahay ee la dareemo cabsida fatahaadda, waxaa dadku mashquul ku noqdaan in taleefoonka lagula xiriiro magaalada Mustaxiil oo qaab degaan ahaan ay isku egyihiin.

Su’aaluhuna dhamman waa isku mid oo waxay daaran yihiin xaaladda biyaha wabiga Mustaxiil: koror ama nusqaan midda uu yahay markaas.

Taasi waxay tusaale cad u tahay culeeyska, kurbada iyo istareeska fatahaaddu ku beerto dareenka dadka inta aanay wali soo gaarin magaalada.

Guntii iyo gabagabadii:

Qof walbow, waxaad qiyaastaa ama maleeysaa culeeyska dhaqaale ay leedahay in qooyska dagan magaalada Beledweyne kasoo kabto qasaarihii iyo burburkii ka soo gaaray fatahaaddii tagtay, isla markaana u tabaabusheeysto sidii uu ula tacaali lahaa midda soo socota.

Haddaba, aan qormadaan ku soo xiro su’aasha ah:

“Ummadda reer Beledwyne miyaa lala yaabayaa haddii, ayagoo u baahan, haddana ay ka naxaan barwaaqada iyo roobka?


Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)

[email protected]

Teleefoon: 00447960956384



advertisements
 
Click here