9/22/2019
Today from Hiiraan Online:  _
41-tan Guurada Xasuuqii Garabcase Maarso 1978

Dirir  Cabdi Ibrahim (Goodax)
Monday, March 04, 2019


 
Hordhac

Waxaa dhab ah in ay si weyn ugu baahday dhammaan dhul-weynaha ay degto haybta Somaaliyeed dhacdada ku saabsan in maalmihii ugu dambeeyay dagaalkii 77

qaab-wadareed loo toogtay 83 Asakari loo soo xulay in la DALACSIIYO - Waa arrin qofkii maqlay rumeeystay kadibna asagoo ka xun sii baahiyay-.

Haddaba hadal-haynteedu badataye, maxaa ka run ah?

Ilaa muddo sii horeysay oo ku began 80-yadii, arrinta dilka askartii lagu laayay bishii Maarso 1978, goob aan ka fogeeyn magaalada Jigjiga, degaanka Garabcase, gaar ahaan, barxadda Xerada Tangiyada Ciidanka Itoobiya, waxaan wareeysi toos ah kala yeeshay shaqsiyaad dhawr ah.

Isla markaana waxaan dhageeystay wareeysiyo kala dambeeyay oo laga duubay Madax iyo Saraakill lagu tuhmayay in arrintaan ay xog dheeri ah ka bixin karaan, waxaana ugu dambeeyay wareeysi uu arrintaas ka duubay wariye Haaruun Macruuf, Barnaamijka ku caanbaxay  magaca “Galka Baarista”.

Runtii waa dhacdo dad badan u cuntami weeyday, hadal-haynteeduna soo noqnoqotay marka la fiiriyo: “goorta la dilay, tirada la dilay iyo qaabka loo xulay intaba”. Dadka arrintaan laga wareeystay, intooda badan, warkoodu ma sugna oo waxay gudbinayaan xog iyo fikrado isburinayaa ama is qilaafsan.

 

Xogta wareysiyada

Aan tusaale u soo qaato xogta ay bixiyeen 8-da qof ee hoos ku qoran:

1) Marxum Cabdullahi Yuusuf iyo Maxamed Nuur Galaal xogtoodu waa siyaasadeysan tahay, waxay farta ku fiiqayaan Madax ay xurguf iyo xifaaltan kala dhaxeeyo.

2) Labada Sarkaal Guuber iyo Daa’ud Cabdulle warkoodu, intiisa badan, wuxuu tilmaamayaa dhacooyin iyo dhaliilo ka jiray, guud ahaan, dhanka hawlgalinta iyo taakuleeynta aagagga dagalka. Balse arrinta ku saabsan dilka askartaas oo ahayd dulucda iyo ujeeddada wareysiga, xogtoodu waa mala-awaal iyo warkii la isla dhexmarayay oo ayagu ma joogin goobta.

3) Cabdullaahi Kashiito oo aan wareestay 80-yadii wuxuu ii sheegay in, asagoo ahaa Sarkaal Xigeen, uu ka mid ahaa koofi-castii (Polizia Militare) la socotay Wasiirka Gaashaandhigga Samantar markii uu halkaas tagay. Haddii aan soo koobo hadalkiisa waxa uu ahaa sidaan: “Waan joogay goobta ciidanka la isugu keenay, balse lama socdo sida wax loo xulay oo waxaan ka mid ahaa ciidan loo xilsaaray sugidda ammaanka goobta. Mar qura, ayaa dhageheenu maqleen shanqarta culus iyo hugunka xabbadaha ka dhacayay qoryaha fudud iyo Teknikada dagaalka.

Kadibna anigu ma damcin oo iskuma dayin in aan waxa dhacay wax ka ogaado, balse waa iska caddeyd in meesha xasuuq xun ka dhacay.

4) Cabdirisaaq Daad  waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo duulaan tagtay degaanka Waajid, kadibna asaga iyo ciidankiisu ka hawlgaleen aagga Kulmiska Jigjiga. Wareeysi uu muddo hore siiyay barnaamijka “Xusuus Reeb”, arrimaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa xasuuqii Garabcase, asagoo yiri: “Waxaa arrintaas ka dambeeyay Korneeyl Maxamuud Sh. Cismaan (Cirro) oo ku hawlanaa barnaamij Inqilaab Milateri. Ujeeddada Cirro waxay ahayd inuu ciidanka ku beero naceeybka Dawladda si uu taageero ugu helo qorshaha damaciisa”.

Hase yeeshee, aragtida Cabdirisaaq Daad waxaa ka dhalanaya weydiimo u baahan jawab lagu qanco:

a) Waxaa goobta taagnaa oo ammarka dilka bixiyay Wasiirka Gaashaandhigga.

Jen. Samantar qorshaha iyo abaabulka Inqilaabka miyuu wax ka ogaa? 

Jawaabtu waa MAYA.

b) Marka la fiiriyo aqoonta, garaadka, dhiifoonaanta iyo waaya-aragnimada mugga weyn ee Jen. Samantar, ma la dhihi karaa Korneyl Cirro ayaa si qiyaano ku jirto u adeegsaday Wasiirka Gaashaandhigga oo wantiisa ku fushaday?

Jawaabtu waa MAYA.

5)  Cilmi Maxamed Maalin (Garweyne) oo maalintaas joogay Barta Taliska Kulmiska Jigjiga oo aan ka fogeyn goobta xasuuqu ka dhacay ayaan dhawaan, London, ka wareeystay dhacdadaas. Cilmi wuxuu Xog-warankiisa u dhigay sida hoos ku qoran: “Anigu waxaan ka tirsanaa ciidankii ka dagaalgalay jiidda waqooyi- galbeed Jigjiga oo gaaray ilaa Kunbushu iyo Haramaayo. Waxaan ahaa 18 jir askari Taarwale (RT), waxaa Taliye Guuto noo ahaa G/le Sare Maxamuud Maxamed Liibaan (Aftooje). Maalinta xasuuqu dhacay, aagga Lo’wanaaje oo aan difaac uga jirnay, waxa ka socday dagal culus oo gacmaha la iskula tagay iyo baahi weyn oo dhanka War’isgaarsiinta ah.  Sidaas darteed, anigoo la socda gaari aan hawshaas ku fulito ayaa la ii soo diray Barta Taliska Kulmiska Jigjiga oo looga bahday batariyaasha Raadiyaha (fooniyaha) ciidamadu ku wada hadlaan. Intii la ii diyarinay hawshii aan u imid, ayaa aniga iyo darawalkii isla garanay in aan magalada (waa Jigjigee) u qado tagno, maadaama saacado badan aanan waxba cunin. Isla muddadii aan joognay bartamaha magaalada ayaan maqalnay cod-baadiye gaari ku rakiban oo naadinaya in dhammaan askarta joogta magaalada ay ka baxaan oo ay tagaan goob loo cayimay.

Waxaa la filayay ama loo maleeynayay in Wasiirka Gaashaandhigga Sareeye Guud Samantar oo markaas Jigjiga joogay, askarta u khudbeyn doono.

Markii aan kusoo noqday Bartii Taliska Kulmiska Jigjiga ayaa, aniga qudhayda, la igu amray in aan aado goobta la isugu tagayo, balse waxaan u sheegay in shaqadii aan u imid (batariyaasha) la ii diyaariyay oo aan safar iyo bixid diyaar u ahay, kadibna waxaa la i siiyay ammar cad oo ah in aan deg deg meesha uga tago.

Isla markiiba waa dhaqaaqnay, daqiiqado kadibna waxaan maqalnay hugunka xasaasta culus ee goobtii la isugu tagay ka dhaceysay”.

Cilmi Garweyne waxa uu shaki galiyay inuu jiray waqti ku filan in si sax ah loo kala sooco askarta oo baaritaan buuxa lagu sameeyo sababta ay u joogaan ama, markii horaba, u yimaadeen magaalada Jigjiga.

6) Cabdi Salad Cali waxa uu ahaa Abbaanduulaha Kulmiska Jigjiga, waxaa ka sareeyay oo Taliye ka ahaa Maxamud Sh. Cismaan (Cirro).

Abbaanduule Cabdi Salad Cali waa ka xog-ogaalsan yahay dhammaan inta kale ee arrintaan ka hadashay, waayoo goobta ayuu joogay, xil sarena ka hayay.

Cabdi waxa uu wareysigiisa ku caddeeyay in:

“Askarta loo safay si waafaqsan ciidankii iyo cutubyadii ay ka tirsanaayeen, mid walbana uu hor tagnaa taliyihiisi. Kadibna la sameeyay xulasho ku saleysan qaab baqtiyoow-nasiib ah, ayadoo la soo bixiyay (saaray) mid kasta oo tirada 30 (sodon) ku soo aado. Sidaas ayaa loo soo xulay tiro wax yar ka badan 70. Tiradu iima sugna oo waa qiyaas, waayoo si toos ah uma aanan tirin askarta la soo soocay.

Guud ahaan waxaa, markaas, goobta taagnaa askar qiyaastii gaareeysa 2200 (labo kun iyo laba boqol). Kadibna Wasiirka Gaashandhigga Samantar ayaa ku amray ciidankii Koofi-casta ahaa ee asaga la socday in ay xabbadda ku furaan askartii qaabkaas loo soo xulay, ayagoo adeegsanaya hubka fudud iyo Teknikada dagaalka”.

Hadalka Abbaanduule Cabdi Salaad ayaa ah mid gudbinaya xogta dhabta ah xagga tirada ciidanka goobta joogay iyo qaabka loo xulay kuwaa la laayay.

Waxaa la hubaa oo xaiiqa ah in, haddii aan xulasho iyo kala sooc jirin, oo si guud, xabbada loogu furi lahaa askarta safan, dhimashadu intaas ka badan lahayd.

 

Ujeeddaduna, sida abbanduule Cabdi Salaad tuhunsan yahay, ahayd in la dilo tiro kooban oo tusaale u noqota inta kale, si baxsiga loo yareeyo!!!!!!!!.

Aragtida iyo falanqeynta qoraaga

Si fahamka dhacdadaan xanuunka badan oo ku lamaanan sooyaalka taariikheed ee dagaalkii 77, looga bogto waxaan soo tixay fikrado iyo aragtiyo kala duwan ay gudbinayaan wareeysiyada xaqiiqa-raadinta ah. Haddaba, si qormadaani u yeelato gunaanad macquul ah (la aqbali karo), waxaa tixgalin iyo xusid mudan arrimaha iyo xaaladaha hoos ku qodobeysan: 

1) Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in askarta, maalintaas, joogtay Jigjiga ay isugu jireen labo qaybood:

a- Askar muddo hore soo dhaawacantay oo la daaweeyay (bogsatay), balse ka meermeerayay oo aan diyaar u ahayn in ay ku noqdaan aagga dagaalka.

b- Askar badan oo, sida la shegay, ammar la’aan iyo qaab habqan ah uga soo baxay, maalintaas, aagga dagaalka.

2) Abbaanduule Cabdi Salaad waxa uu si cad oo sugan u beeniyaay hadalkii Galaal oo ahaa in ciidanka la laayay uu ahaa askar tayo, mudnaan iyo aqoon milatari lagu soo xulay si loogu dalacsiiyo darajada Sarkaalnimo.

3) Horaanti bisha Maarso 1978 oo xasuuqu dhacay iyo bilihii ka horeeyay oo, sida muuqata, xaaladda dagaalku aad u soo adkaanaysay ma ahayn xilli ku habboon in askar tayo, karti iyo aqoon milatari lagu soo xulay laga soo qaado goobaha dagaalka. Waxaa suurtogal ah in ay ahayd fikrad, mar hore, la isku soo qaaday, balse socon weeyday kadibna galkeedi la xareeyay.

4) Asagoo goobta taagan, waxaa ammarka xasuuqa bixiyay Marxuum Sareeye Guud Maxamed Cali Samantar (Rabbi ha u naxariistee). Yaa la ogaa? iyo meel kale oo lala aadi karo mas’uuliyadda ammarkaas ma muuqato oo waa “Ninkii dhahay ma dhaafto”.  Inkastoo aanay isqaban karin oo yaab iyo filanwaa tahay S/Guud Samantar oo muddo dheer ahaa Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), isla markaana ku caanbaxay jaceylka iyo naxariista waalidnimo ee askarta inuu ku dhiirado qaadashada go’aanka noocaas ah “Dil wadareed ciidan isku mar ka dhacay hal goob”. Waxaa, sidoo kale, la maleeyn karaa in Jen. Samantar adeegsaday xulashada qaabka baqtiyow-nasiibkaa si uu isaga fogeeyo tuhunka imaan karay oo ahaa: “In ammarka dilka lagu fuliyay qolo, heeyb iyo cutub gaara”.

5) Cabdirisaaq Daad (fiiri kor 4 -Xogta wareysiyada-) waxa uu jawaabcelinta wareysiga ku caddeeyay:

Koow: In dagaalkii 77, dhanka hawlgalka Ciidanka, laga gaaray guulo taariikhi ah oo magac iyo karaamo u soo hooyay dalka iyo dadka. Balse, fashilku ka yimid dhanka Siyaasadda oo kasban weeyday tageero iyo hiil dibadeed.

Labo: Askarta ka soo baxday goobaha dagaalka ee qaar ka mid ah lagu laayay Garabcase, waxay ka mid ahaayeen Ciidamadii difaaca uga jiray inta u dhaxeysa degaanada “Dharwanaaje iyo Jilacsabneey” oo ah dhul bannaan, ku habboon dagalka Tangiyada. Waxaa halkaas ka abuurantay xaalad adag oo dhimasho iyo dhaawac badan sababtay, kadib markii ay ka soo hawlgaleen Tangiyadii xulufada.

6) Ruuntii lama joogin xilli lagu mashquulo sidee baxsiga loo yareeyaa, waa haddii sababtu taas tahay. Su’aasha habboon in la isweydiiyo waxay ahayd:

“Sidee Ciidanka iyo qalabka gudaha Itoobiya ku jiraa loo badbaadiyaa oo, dhaqsi, dib loogu soo celiyaa Jamhuuriyadda Soomaaliya?”.

 7) Aan kuu raaciyee, dagaalka oo socday 8 bilood  iyo maalmo “Luuliyo1977 ilaa  Maarso1978”, waxaa maalmihii ka horeeyay xasuuqa Garabcase, jiray jahwareer ka abuurmay:

a) Xaaladda iyo culeeyska dagaalka oo waji cusub yeeshay.

b) Hadal haynta dib-u-gurasho iyo ka bixidda dagaalka oo aad u baahday, askari kasta iyo cutub kastana halka uu joogo ugu tagtay.

t) Xiriirkii iyo xog-wadaagii ciidamada oo, meelaha qaarkood, hoos u dhacay.

Saddexdaan arrimood (a,b,t) ayaa keenay in cutubyo iyo askar badan ay ka walwalaan in ay ku go’dooman gudaha Itoobiya, kadibna Ruush iyo Kubaan gacanta u galaan.

8) Wax kasta oo dhacay iyo xaalad kasta oo jirtay, askartu ma gaarin heer rajo-beel ah oo ay ku fekeraan “go’aan baxsi goob dagaal” iyo inay la kulmi karaan ciqaab wadareed dil ah. Waayoo haddii ay taas amminsan yihiin, kuma soo leexdeen Jigjiga iyo Barta Taliska Kulmiska ee mid walba wuxuu toos u abbari lahaa degaanka uu kasoo jeedo iyo halka duunyadoodu daaqeeyso.

Sidaas darted, gar iyo go’aan sax ah ma ahayn in xaaladdooda lagu qiimeeyo ”Baxsi goob dagaal” iyo ka sii darane, dil wadareed loo fuliyay qaab “baqtiyow-nasiib”ah.

9) Inkastoo, xaqiiqada dhabtaa iyo sheekada ku daahan dilka askartaas ay la

god-galeen (Rabbi ha u naxariistee) Madaxweyne Siyaad iyo Wasiirkiisi Gaashaandhigga Jen. Samantar, wixii ka soo haraana yihiin, tuhun iyo qiyaas runta lagu baadi-goobayo, ayadoo xadka macquulnimada la eegayo. Haddana, waxaan la diidi karin, cidina dafiri karin, oo arrintaas gunaanadkeedu noqonayaa, in sababta qura ee la garwaaqsan karaa tahay: “Guuldaro iyo fashil Siyaasadeed, xanaaq ka dhashay qorshihii dagaalka oo socon waayay iyo awoodda shisheeye aan loo babac dhigi karin oo kusoo biirtay dagaalka awgeed, askarta la laayay lagu caro iyo ciil baxay!!!!!!!”. Wax kale oo lagu fasiri karaan jirin.

 

Kaashiga ama halqabsiga qoraalka:

1) Wareesi qoraagu la yeeshay shaqsiyaad goobjoogeyaal ahaa.

2) Wareeysi uu qaaday Wariye Haaruun Macruuf

https://www.youtube.com/watch?v=ghlaeuj2d0k

3) Wareeysi Cabdullaahi Yuusuf uu qaaday Ibrahim Hareeri

https://www.youtube.com/watch?v=tJoNnbjoEfw

3) Wareeysi laga qaaday: Cabdirisaaq Caqli Axmed (Daad)

 

Dirir  Cabdi Ibrahim (Goodax)

London, UK

Email: [email protected]



 
Click here