Sabti, August, 11, 2018W.Q. Liibaan
Axmad
Isbeddellada
siyaasadeed oo hadda ka socda Itoobiya way ka duwan yihiin kuwii dhacay
1974kii, markii boqortooyadii Xayle Salaase ciidammadu ay afgambiyeen,
iyo 1991kii, markii Ehadeg ( EPRDF) ay ridday taliskii
Mengistu Xayle Maryaam. Isbeddellada socda waa kuwo ay ka dambeeyaan
Amxaarada iyo Oromada – labada qowmiyadood oo ugu tirada-badan Itoobiya.
Oromadu waa
qowmiyadda dhaqan ahaan, af ahaan iyo deegaan ahaan soo xigta
Soomaalida, waana qowmiyadda ay Soomaali badan oo Itoobiya ku nool ay hadda ka
cabanayaan. Ma Soomaalida ayuu taliska TPLF( Jabahadda Xoreynta Dadka
Tigre), oo ka mid ah isbahaysiga EPRDF, u adeegsaday
wiiqista kacdoonka Oromada mise Oromada ayaa barakicin siyaasadeed ku
wadda Soomaalida?
Jawaabta
su'aashani may ka maarmayso dib-u-milicsi taariikheed oo kooban. Christopher
Clapham, oo bare-sare ka ahaa Jaamacadda Cambridge, wuxuu isbeddelkii ka dhacay
Itoobiya 1991kii ku tilmaamay soo afjaristii taladii siyaasadeed oo ka soo
jeedday Shewa qarnigii 19aad kaddib markii Menelik uu noqday
embaradoorkii Itoobiya sanadkii 1889kii. Dhaqdhaqaaqa ururka isbeddelkii dhacay
1991kii udub-dhexaadka u ahaa waxaa loo yaqaannaa Wayaane; wuxuu
ka soo jeedaa gobolka Tigray. Tigray iyo Shewa may aha oo keliya magacyo
goboleed: sida magaca Finfine qofka u xusuusiyo qowmiyadda Oromada
, Shewa iyo Tigray waxay qofka kala xusuusiyaan
qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigre.
Ra'iisal Wasaare Abiy Axmed: Summadda awoodda siyaasadeed ee Oromada
Oromadu
kaalin mug leh bay ku lahayd ridistii taliskii Dergiga. Jabahadda Xoreynta
Oromo ( Oromo Liberation Front) wuxuu ka mid ahaa isbahaysiga EPRDF hase
ahaatee cudud siyaasadeed bay EPRDF adeegsatay si ay OLF uga reebto in ururka
Oromadu uu kaalin ka qaato kalaguurkii siyaasided ee 1991kii. Labaatan
sanad gudahood bay Oromadu la kulantay niyadjab saamayn ba'an ku yeeshay
haybtooda siyaasadeed Itoobiyaan ahaan. 1977kii Mengistu wuxuu shirqool ku
dilay Jeneraal Tefere Benti oo noqday hoggaamiyihii Dergiga markii la dilay Aman
Andom Eritreeyaan ahaa.
Leenco
Lata , oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii OLF, ayaa sanadkii hore ( 2017kii) waraysi
dheer siiyay bare-sare Ezekiel Gebissa. Wuxuu xusay in ururka
OLF uu soo jeediyay
in ay tahay in askarta TPLF aysan keligood noqonin ciidammada qaranka iyo in
loo baahan yahay in la dhiso ciidammo ay qowmiyadaha Itoobiya oo dhami u
dhan yihiin. Isias Afwerki, oo markaas ahaa hoggaamiyaha uirurkii EPLF,
ayaa ku gacan-sayray soo jeedintii OLF. Waxaa xigtay in ciidammadii OLF xero
lagu xereeyay si askarta ururka TPLF u nqodaan ciidammada qaranka ee Itoobiya
inkastoo ciidammada ururku ka soo jeedaan hal qowmiyad. Lata
wuxuu intaas ku daray in xilligaas OLF ay miiska soo saartay laba hindise
oo ururku doonayay inay qayb ka noqdaan siyaasadda xilliga
kala-guurka: gobannimadoon ( decolonisation) iyo dimuqraadiyadayn (
democratisation). "Kelitalis cusub baa kelitaliskii hore beddelay. Waannu
guuldarraysannay militari ahaan hase ahaatee waannu guulaysannay urur ahaan.
Waan in dulmiga lagu hayo Oromada uu joogsado ama Itoobiya may sii
jireyso." buu yiri Lata. Isku sargo'naan la'aanta tirada Tigreega iyo
awooddooda siyaasadeed iyo dhaqaale ayaa u cuntami weysay Oromada. Ka qaybqaadashada
geeddi-socodka siyaasadda may u keenin Oromada horumar muuqda oo dhanka
siyaasadda ama dhaqaalaha ah. Waan
dhibaato siyaasadeed oo Soomaalida Itoobiyaba la degtay.
Lata wuxuu
rumeysan yahay inay jiraan xoogag badan oo aan ku faraxsanayn awoodda
siyaasadeed ee Oromada. Tusaale ayuu u soo qaatay in dowladaha reer
Galbeedku 1991kii u arkayeen Oromada dad Muslimiin ah sidaas darteedna ay dan u
arkeen in arrimaha kalaguurka siyaasadda Itoobiya ay kala hadlaan TPLF
iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Eritreeya ( Eritrean People's Liberation
Front) oo waqooyiga Itoobiya ka soo jeeda, Masiixiyiin ah
kala-sarrayn hay'adeedna leh ( hierarchy ).
Leenco Lata:
Hoggaamiye hore ee OLF; cilmi-baare nabadeed hadda
Herman
Cohen, oo ahaa diblomaasigii Maraykanka u qaabbilsanaa siyaasaddii kalaguurka
Itoobiya, ayaa OLF ku soo xerogaliyay, sida Lata sheegay,
halkudhigga: Dimuqraadiyad haddii aysan jirin, iskaashi muu jiro.
"Reer Galbeedka, Suudaan iyo EPLF waxay dantooda u arkayneen
in OLF ay ka qaybqaadato dowladda cusub ee Itoobiya. Shir London ka
dhacay 1991kii, oo jabhadihii hubaysnaa ee Itoobiya ay ku kulmeen, ayuu
Lata ku tilmaamay mid EPRDF loogu fududaynayay inay awoodda siyaasadeed hanato.
"Ballanqaadyo iyo hanjabaadyo wada socday bay OLF la kulantay"
buu yiri Lata.
Casharka
Soomaalida Itoobiya ka
baran karo ( mar labaad ama mar seddexaad ) xogta Lata la wadaagay bare-sare
Gebissa waa: bulsho kala qabysani ama qorshe siyaasadeed aan lahayn waxay
u nugushahay fulinta go'aammada shisheeyaha. Waqtiga uu Lata ka hadlayay –
1991kii – Soomaalida Itoobiya may lahayn urur kaalin ku
lahaa ridistii taliskii Dergiga.
Dhibaatooyinka Soomaalida Itoobiya haysta qaarkood
Dhibta
kowaad waxay la xiriirtaa awood-yarida siyaasadeed ee Soomaalida. Oromadu waxay
qayb ka tahay isbahaysiga dalka hadda u taliya. Xisbiga Dowlad Deegaanka
Soomaaliya Itoobiya muu dhaafsiisna aalad TPLF ku adeegato. Tusaale xasuuqa
ba'an oo Soomaalida loo geystay muu aha mid laga hadlayo ama keenay baaqyo ku
saabsan baaris. Herman Cohen, oo ka halwgabay Wasaaradda
Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, wuxuu qoray in dowladda Itoobiya ay
aloostay colaadda Soomaalida iyo Oromada dhex taalla hadda. Waa dood ay qabaan
dadka u kuurgala arrimaha Itoobiya. Soomaalida Itoobiya looma arko dad xaqooda
raadsanaya; waxaa loo arkaa aalad ka mid aaladaha TPLF ay ku
seeta-dheeraysanayso. Fashilkan mas'uuliyaddeeda waxaa leh hoggaanka iyo xisbiga
DDSI. In xubno ka tirsam DDSI ay isku howlayaan la jaanqaadista isbeddelka
Addis Ababa ka dhacay waxay muujinaysaa in weli hoggaamiyeyaasha Soomaalida
Itoobiya ay diyaar u yihiin inay aalad cusub u noqdaan Ururka Dimuqraadiga
Dadka Oromada (Oromo People's Democratic
Organisation), oo uu Ra'iisal Wasaare Abiy Axmed guddoomiye u
yahay. Saamayn-badnida siyaasadeed ee OPDO waxay soo muuqatay markii
Lemma Megersa, madaxweynaha maamulka Oromiya ahna guddoomiye
ku xigeenka OPDO, uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ciidammo federaal
gobolka u soo dirtay inkastoo
Oromiya aysan codsi u dirin dowladda dhexe. Opride, oo u dooratay Lemma Megersa qofka
sanadkii 2017kii, ayaa xustay in Abiy Axmed ka mid yahay kooxda ugu dhow
madaxweynaha dowlad deegaanka Oromada iyo inuu Abiy Axmed lafdhabar u ahaa
dadaalladii lagaga dhigayay idaacadda Oromiya mid barnaamijyadeedu aysan ku
koobnayn baahinta waraka ku saabsan horumarinta balse noqotay idaacad u
guntatay soo bandhigista musuqmaasuqa madaxda dowladda dhexe.
Cabdi
Maxamuud Cumar , madaxweynihii hore ee DDSI, wuxuu xoogga saaray
kasbashada kalsoonida kaadiriinta sarsare ee TPLF .Wuxuu gaaray heer uu illoobo
gaboodfalka milishiiyada
Oromada, Qeerroo, kula kaceen Soomaali badan. Wuxuu doorbiday inuu
u doodo dadka Tigreega
oo gobolka Amxaarada lagu dhibaateeyay.
Wuxuu u qareemiddaas danaysiga siyaasadeed ku salaysan ku mutaystay in Tigrai
Online ay Cabdi Iley u dooratay Qofkii Sanadkii 2016kii. Markii Abiy Axmed noqday
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya TPLF way ka badaabdin waysay Cabdi
Maxamuud Cumar in lagu qabso qirasho gaboodfal iyo, markii dambe,
iscasilaad.
Dhibaatada labaad oo Soomaalida Itoobiya haysata waa mid
hoggaamineed; waa arrinta uu Dhoodaan ku lafaguray
gabaygiisa Galaal-xoor:
kac gardaadi
wiil lama yidhaa, xaaduq gaamuraye
inuu gumaradiisii dhaxlaa, looga gudayaaye
kama yara hoggaan gobannimaa, gaasa-bixintoode
adigoon ujeeddada gaddiyin, taa haddaad garato
soco waa galaal-xooristii, gaafaguursiga e
Dhoodaan
oo iftiiminayay tuducyada kor ku xusan wuxuu sheegay in karti-laawe
uu dadka la soo hor istaagi karo "Anigoo reer hebel ah baa talada leh"!
"Haddii qoys uu ka fiirsado qofka wiil u gardaadin doona (
bannaan-bixinaya) maxay bulsho uga fiirsan la'dahay qofka hoggaamin doona
?" bay doodda Dhoodaan ahayd welina tahay.
Cabdi Iley oo la fadhiya
hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael
Itoobiya
waxay gashay waji siyaasadeed oo hor leh. Waxaa Soomaalida Itoobiya la
gudboon inay kuwa weli talada u haya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ku
qanciyaan inay talada dadka la wadaagaan. DDSI waa gobolka keliya
oo sida, dowladda Itoobiya, lagu eedeeyay in dowladdiisu ku gaboodfashay
Soomaalida ka fikrad-duwan siyaasad ahaan. Waa sababta keenaysa in DDSI ku
suntanaato maamul budhlayaal ah ( paramilitary administration). Guuldarrada
siyaasadeed ee DDSI ka dhacday maamulka ayaa geystay waase mid Soomaalida oo
dhan la huwiyay. Arrimuhu sidaas kuma sii socon karaan. Waa in Soomaalida
Itoobiya ay abaabusho shir wadatashi iyagoo xoogga saaraya maamulka suubban, wax ka kororsiga gefefkii
maamulka DDSI iyo la xisaabtanka dowladda federaalka itoobiya.
Halista ugu
weyn oo hadda jirta, sida Faysal Rooble oo gorfeeya arrimaha Kililka
Soomaalida, uu ku dooday dhowaan, waa gobolka Soomaalida
oo ay dowladda federaalku ka dhigi karto meel ciidammo federaal oo badan la
keeno waayo ciidammada jooga
soohdita Itoobiya ay la leedahay Eritreeya may sii joogayaan halkaas. Taas
macnaheedu waa: Soomaalida waxaa loo ekeysiin karaa cadawga qowmiyadaha kale ee
Itoobiya u/ku midoobi karaan. Dhowaan dowladda Itoobiya
waxay u dhaqaaqaysaa soo saarista gaaska ku jira gobolka Soomaalida inkastoo
siyaasadda dowladda dhexe ay xasillooni-darraysiisay gobolka iyadoo ku
adeeganaysa maamul aan xilkas ahayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay hoggaan u
raadiya xaqa kaga maqan dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo in awoodda dowladda
dhexe aan loo adeegsanin la dagaallanka soo bixista hoggaan ka shaqeeya danta Soomaalida
Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay u arrimmiso.
Liibaan Axmad
[email protected]