7/18/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Hardanka Shisheeyaha iyo Habacsanaanta Soomaalida

Qalinka: Mohamed Ahmed Elmi
Thu Apr 05 2018 

Wixii ka dambeeyay go'doomintii ay Sacuudiga iyo xulufadiisu go'doomiyeen dal-yaraha Qadar, waxaa marba marka ka dambaysa isa soo tarayey xasarado iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ay Soomaaliya cagaha la sii galaysay. Inkasta oo shacab waynaha soomaaliyeed soo dhaweeyeen mawqifkii ay xukuumaddu ka qaadatay khilaafkakan, haddana mar walba waxaa jirey dad qabay in khilaafkani uu caqabad ku noqon doono hannaanka dawladnimo ee curdanka ah. Dhanka kalana waxaa jirey dad qabay inanay xukuumaddu marnaba dhex dexaad ka ahayn murankaan ee ay dhan u janjeerto. Halka ay jireen kooxo kale oo qabay in xulufada lagu taageero mawqifka go'doominta.

Haddaba si aynu u ogaano in aynu khilaafkaan qayb ka noqonay iyo in kale, waxaa lagama maarmaana inaynu bidhaamino waxa uu khilaafkani sidiisaba salka ku hayo iyo sababta uu xasilooni darrada inoogu abuurayo.

QABKA QADAR KU JIRA IYO QOONSIGA WALAALAHEED

Wixii ka dambeeyey cinqilaabkii uu Shiikh Xamid bin khalifa uu xukunka uga tuuray aabihiis sanadkii 1995, Qadar waxa ay qaadatay manhaj iyo siyaasad ka madax banaan Sacuudiga oo u dhaqmi jirey inuu yahay walaalka wayn ee mandiqadda.
Waxay qaadatay siyaasad ku dhisan is muujin iyo madax taagid. Waxa ay xiriir dabacsan la yeelatay Iran. Waxay furtay Muuq baahiyaha Al-jaziira oo loogu magac daray codka kuwa aan cododka lahayn. Waxay ku guulaysatay inay marti galiso ciyaaraha adduunka ee 2022. Waxa ay dawladda Maraykanka siisay saldhig ciidan oo ah kan ugu wayn mandiqadda. Waxay taageero u muujisay Islaamka siyaasigaa gaar ahaan Ikhwaanu Muslimiinka. Waxay isku dayday inay xaliso khilaafyo badan oo caalamka ka jirey , sida khilaafkii Daarfuur, kii Afqaanistaan iyo kuwo kale. Siyaasadani waxay walwal iyo hinnaasaba ku abuurtay wadamada khaliijka gaar ahaan Sacuudiga oo dareemay culays amni iyo wiiqid la wiiqayo martabadiisa hoggaamineed ee uu caalamka carbeed ku lahaa.

GUGII CARBEED

Walwalkii Sacuudiga iyo xulufadiisu waxa uu run isu badalay markii horaantii sanadkii 2011kii ay duufaantii gugii carbeed dul martay waddamo badan oo ay isku dabeecad ahayeen. Xididdadana u siibtay daaxuuro in muddaa kursiga dul fadhiyay.
Inkasta oo nidaam siyaasadeedka Qadar ka jiraa uu yahay xukun qoyseed reer ka arimiyo, sida inta kale ee khaliij kaba. Haddana Qadar waxay taageero nooc walbaa u fidinaysay kacdoonkii shacabku xoriyadiisa ku doonayeen. Al-jazeera, ayaana noqotay meesha ugu wayn ee kacdoonkaas laga hagayey.
Cidda ugu wayn ee kacdoonkaan hurmuudka ka ahayd waxay ahaayeen Islamka siyaasigaa gaar ahaan ururka Ikhaawanu Muslimiinka oo Qadar saaxiib dhaw la'ahaa.

Waxay ku guulaysteen doorashooyinkii Masar, Tunisiya iyo Marooko. Waxayna hogaaminayeen haddii doorasho ka dhici lahaydana ku guulaysan lahaayeen kacdoomadii ka jiray waddamada Urdun,Yaman, Suriya iyo liibiya. Tani waxay sii kordhisay cadaw tinimadii Sacuudiga iyo xulufadiisu ay uqabeen dal-yaraha Qadar iyo saaxiibkood Turkiga oo ay xagga fikirka jaal ku yihiin. Waxayna u hawl galeen sidii ay ula diriri lahaayeen kacdoomadii isbadal doonka ahaa, taas oo aakhirkii ay ku guulaysteen qaybo kamidana fashiliyaan. Sida afgambigii Masar ka dhacay ee xilka looga tuuray Madaxwayne Mursi.

IMAARADKU MA FAA'IIDO DOON BAA MISE WAA FIDMO HURIS?

Dawladda Imaaraadka oo ka kooban todobo gobol oo raas-wadaaga ayaa tobankii sano ee u dambaysay waxa ay ku dhaqmaysay, siyaasad ku suntan isbalaarin iyo ismuujin. Siyaasaddaan ayaa waxa ay ku qotontaa laba qodob oo kala ah mid ammaan iyo mid dhaqaale.
Imaaradda Dubia oo ah tan labaad oo ugu tunka wayn raas-wadaagta ayaa dhaqaalaheedu waxa uu ku tiirsanyahay dakadda Jabal Cali, suuqa xortaa iyo dalxiiska. Waxaa jira walaac wayn oo uu in muddaaba imaaraadku ka qabay tartan ka dhana oo ku saabsan adeegyadaas.
Wax walibase waxay isbadaleen markii ay dawladda Pakistaan ay ku dhawaaqday inay ka kiraysay dakadeeda stratega ah ee Gawadir dalka China muddo 40 sanaa. Gawadir ayaa waxa ay noqon doontaa suuq xora oo laga wasici doono badeecadaha ka imaan doona gobolada warshadaha qaniga ku ah ee galbeedka China. Gawadir oo u samaysan qaab jaziiradeed ayaa kamida sadexda dakadood ee ugu gunta dheer caalamka, waxa ayna dhacdaa badda carbeed. Gawadir waxay Dubai uga dhawdahay dalal badan oo gobolka ku yaal. Dakaddaan ayaa la rajaynayaa inay noqoto sanadka 2020ka midda ugu wayn uguna dhaqdhaqaaqa badan koonfurta Asia.
Tani waxa ay sababtay in Imaaraadku uu boos celis u qabsado dakado badan oo gobalka ku yaala inta aysan noqon Gwadiro kale. Waxa ay qabsadeen, Jabuuti, Cadan,Mukala, Barbara, iyo Bosaso. Waxa ay 99 sano iyana kiraysteen jaziiradda Suqaddara.
Barnaamijka ku habsiga dakadaha waxaa dhinac socda saldhigyo milateri oo uu Imaaraadku ku teedayo xeebaha gobalka, sida Barbara, Cadan, iyo Casab. Inkasta oo aan si quman loo aqoon ujeedooyinka saldhigyadaan haddana waxay u egtahay arin aan Imaaradka un ku koobnayn.

SAAMAYNTA HARDANKA IYO SOOMAALIYA

Nasiib wanaag iyo nasiib daro tay doontaba ha ahaatee waxaa isku soo beegmay gurmashadii walaalaheena Turkiga iyo kacdoonkii gugii carbeed. Halkaas oo ay ka dhalatay in Soomaaliya lagu soo daro mashruucii Ikhwaanaynta. Qadar oo xiriir guuna la soo lahayd madaxdii muqaawimada, ayaana mashruucaan hurmood ka ahayd. Doorashadii Xassan Shiikh ayaana ahayd tii ugu horaysay ee si waadaxa cod loogu iibiyo musharax dal shiyeeye uu wato. Waxa kaliya ee lagu xushayna ay ahayd inuu ka tirsanaa xarakadii Al-islaax. Waxaa jiray qorshe la doonayey in dalka lagu xasiliyo oo ahaa in heshiis la dhex dhigo madaxdii muqaawimada iyo dawladdii la dhisay. Waxaase mashruucaas dib looga noqday kolkii dawladda Maraykanka oo arintaas ka jawaabaysaayi ay malaayin doolar dul saartay madaxyada hoggaamiyayaashii muqaawimada.


Inkasta oo gugii carbeed iyo saamayntiisii soomaaliyaba ay miradhal noqon waayeen, haddana galaangalka Qadariyiintu intaas kuma harin ee waxa ay qaabaysay hanti badanna ku bixisay sidii nidaamka maanta jiraayi u imaan lahaa. Turkiya oo ah saaxiib xili fiican soo gurmaday wax wayna dadka Soomaaliyeed utaray ayaa waxay xirrir saaxiibtinimo iyo mid fikirba uu kala dhaxeeyaa dalka Qadar. Taas ayaana sababaysa inaysan Turkidu dhib u arag galaangalka Qadariyiinta. Xukuumadda Soomaaliya iyada oo qadarinaysa Turkiga una abaal gudaysa Qadar ayay khilaafka khaliijka qaadatay go'aan loogu yeeray dhexdhexaad laakiin u hiilinaya Qadariyiinta.

GUNNAANAD

Waxaa la yiraahdaa hal wax oo aadanuhu taariikhda ka bartay ayaa ah inaysan waxba ka baran. 40 sano ka hor ayay Soomaaliya ku dhacday shirqool ay abaabuleen waddamo aynu saaxiib moodnay oo carab u badnaa. Kadib markii aynu si qumaatiya u akhriyi waynay biyadhaca dagaalkii qaboobaa iyo xasaradihii siyaasadeed ee caalamka ka taagnaa, aakhirkiina sababay in layna galiyo dagaalkii guuldarada reebay ee qarannimadeeniina godka gunta dheer ku riday. Halka ujeeddo ee laga lahaa dagaalkaas ayaa ahaa in Soofiyeedkii Soomaaliya iyo marinkeeda Strategica ah laga saaro. Nasiib darro, qorshahaan waxaa reer galbeedka ku weheliyay dalalka Sucuudiga, Masar iyo Iran.

Iminka waxa aynu ku sugannahay xaalad bilowa oo ina xasuusinaysa waaya aragnimo hore. Waxaa jira loollan ka dhaxeeya Masar iyo Itoobiya oo ku saabsan biyaha webiga niil, kaas oo la doonayo goor ay noqotaba in layna soo geliyo khilaafka ka taagan. Waxaynu xasuusanaa xilligii Mursi in shirkii ugu horreeyey ee amniga qaranka Masar, looga dooday sidii soomaalida loogu adeegsan lahaa khalkhal gelinta Itoobiya.

Waxaa jira shaki iyo cabsi wayn oo ay wadamada carbeed iyo saaxiibadooda reer galbeedkuba ka qabaan saamaynata Turkiga ee mandiqada, taas oo laga yaabo mustaqbalka inay abuurto khilaaf wayn. Waxaa abuurmaya isbahaysiyo iyo saldhigyo militari oo iska soo jorjeeda oo mandiqada laga hir galinayo. Masar, Sacuudiga, iyo Imaaraadka oo dhinaca iyo Turkiya,Qadar, Iyo Sudan oo dhinaca. Haddaba haddii aynaan siyaasaddahaan si dhaba u fahmin. Danta iyo maslaxadda dalkeenana aynaan ka hor marin masaalixda ummadaha. Amase aynu caado ka dhigano qaadashada go'aamo aan laga fakarin oo inta badan caadifad ku dhisan. Waxa aynu ku dhici doonaa hog ka gun-dheer kii aynu kal hore ku dhacnay.


Mohamed Ahmed Elmi
Email: [email protected]



 
Click here