6/25/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Hoggaanka Farmaajo: Hanka Loo qabo Ma Hanan doonaa?

“Cadli  baa wax doojee, Wax kaloo rag deeqoo, Dadka lagaga eed baxo, Nin u doonay heliwaa’   -  Gaariye, Mxamed Hashi Dhamac (AUN) - Maansadii Daba-Taxan

Cumar Ugaas
Sunday, March 12, 2017

Waxaan ognahay in dadkii Soomaaliyeed ay doorshadii sanadkaan u hadleen si ayan waayahaan u hadlin. Waxay meelkasta ha joogeene muujiyeen inay rabaan dowlad, midnimo, nabad iyo nolol.  Waxaa ayana markii ugu horaysay waayahaan  muuqatay in Baarlammaankii Soomaaliya aqbalo doonista dadkooda. Waxaa muuqatay Rajo soo fool leh.

Heesihii hore waxaa ka mid ahaa:

“Axmed Guray Ma’ uu dhiman, Ma gablamin Darwiishkii, Geenyadu ma Daalana,

Ma afbeelin Gamaskii, Waxaan uga goleeyahay,  Haddii Geesi Ii Kaco Gayaankayga Waan Heli” – Abwaan Hadraawi.

Doorashdii 8dii Faberaayo, waxay diraysaa fariimo badan oo ay ka mid noqonkaraan:

1-      In maanta dadku rabaan madaxwayne nafti hure ah oo ummadda samatabixiya oo aan dheef ka doonaynin.

2-      Inaan la soo dhawaysan danayste dambe, dagaal wax ku raadshe iyo doqon qabyaalad kama- maarmaan ah iyo

3-      In wixii maanta ka dambeeya karti, hufnaan, is-xisaabin iyo qiimayn wax lagu miisaamo.

Dad badan baa waxay qabaan, haddaan dareenka dadku uusan run noqon, markaas  dadka inkaartoodu waa soo bixidoontaa.

Buugga: Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay: Soomaaliya dib ma u dhallan doontaa? ( 2002) ee Maxamed Daahir Afrax, wuxuu waagaas dhibaatada Soomaaliya dusha uga riday, sidaan anigu u fahamay, saddex qof oo kala ah: Qabiil-ku-burur, Qori-caabud, iyo Kursi-u-qooq. Saddexdaas qof sida doorashadii ka muuqatay dadwayne waa diiday oo Soomaalinimo ayey ka doorteen.

Waxay ila tahay haddii dowlada dhawr arrimood laga helo, oo ay daacad ka noqoto, in dadwaynuhu inta kale dhamaystiri karo.  Arrimahaas waxa ka mid noqon kara:

1-      Soo celinta amaanka

2-      Muujinta in dowlada lawada leeyahay, iyadoo shaqada iyo wax soo-saarka  aan dad gaar ahi is-xijin, iyo

3-      Qawaaniin iyo hay’ado fulineed oo dhawraya wadadaas Dowladu jeexday.

Waxaan ku kalsoonahay inaan maanta garan karno in aduunku xog ku dhisan yahay.  Maxaa yeelay xogta oo aan markaas haynaa, waxay saamaynaysaa sida aanu u fakareyno, sida aan wax u dareeno, sida aan u dhaqano iyo go’aan qaadashadaba.

Dadka qaarkii waxay yiraahdaan “si aadamigu u jiro ama u noolaado, wuxuu u baahanyahay fikrado (ideas), fiiro ama aragti dheer (Vision), iyo ku dhiiranaansho isbadalo joogta ah".

Marka haddii shaqada howl-maalmeedka kaliyihi aad ku hafato, waxaad ka ilduufi kartaa waqti aad fakerto oo aad is-xisaabiso.

 Waxay kaloo yiraahdaan, “haddi aad rabtid in qofku guulaysto, bar inuu u bareero isbedlka iyo raadinta wax cusub (risk taking)".

Waxay ila tahay inaan joogno waqtigii aan iscafin lahayn. Haddii aynu iscafino waa is aaminaynaa, haddii aan is aaminana, waynu wada foofaynaa, haddaan wada foofnana waa midoobaynaa,  haddaan midownana, sharaf iyo haybad baynu ku noolaaneynaa. 

Waxaan qabaa anigu markastana aan ku celceliyaa,  in maamulkastaa uu si gaar ah isha ugu hayo carruurta iyo dhallinyarada oo ah dhaxalkii, xoogii, maskaxdii, iyo madaxdii berito. Kan labaad waa warshada iyaga soo saarta oo ah hooyooyika ama guud ahaanba Haweenka.

Maamulku waa in uu intii suuragal ah uu dadka joogto u wargaliyaa, kana qaybgaliyaa go’aamada iyo fulintoodaba sida, ammaanka, dhismaha iyo waxsoosaarkaba, si markaasi uu joogto u noqdo isfahamka iyo wada socodku.

Waxaa ila habboon in dowladu dadka dareensiiso isku-kalsoonaan inay wax qabsan karaan oo ay iyagu  masuul ka yihiin horumarkooda, oo aan markasta wax laga sugin beesha caalamka,  ayna dadku gartaan in dowladu ay u taagan tahay, ilaalinta dastuurka, xeerarka, jihaynta, iskuduwida, iyo xiriirinta awooda shacabka

Dawladu waa inay muujisaa, in dadka xurmada iyo  dhiiragalinba mudani ay yihiin, kuwa beeraha fala, kuwa kallunka soo jilaaba, kuwa xoolaha dhaqa, kuwa adeegyada kala duwan ku howlan, imw.

Waxyaabaha waayahaan dadku ka walwalo waxaa ka mid ah, ka qawadsanaan xagga xiriirka caalamig ah oo inta badan la ogyahay inuu ku dhisan yahay,  “saxan saxan ku gud, saan saan ku gud”.  Xataa ardada deeq waxbarasho laguu siiyo, waxaa ka dambeysa “saxan saxan ku gud” oo ah in ardaygu, siyaaso ahaan, dhaqaale ahaan, iyo  dhaqan ahaanba ku soo xirmi doono wadankaas uu wax ka bartay. Marka arrimahaas farsamayntoodu waa ku adkaan karaan maamulka cusub ee daacadnimadu ka muuqato. Hayeeshee Soomaalidu waxay dhahdaa:  “WAX RAG ISKU OGYAHAY CEEB MA KEENAAN, HADDAY CEEB KEENAANA CANAAN MA KEENAAN”.

Waxaan filayaan inaynu hadda ku baraarugsanahay  kala horumarinta sida howluhu u kala mudanyihiin. Masalan,  xagga hoggaanka in mudnaan la siiyo dad daacad ah, oo aqoon meheradeed iyo mid waaya-aragnimoba u leh arrimaha ay ka mid yihiin:

-Dhaqanka, dhismaha iyo taariikhda bulshada Soomaaliyeed

-Aqoonta laxiriirta dabeecadaha dadka iyo isbedeladooda

-Dhexdhexaadinta iyo maaraynta isafgaranwaaga

-Iyo guud ahaanba farsamada iyo aqoonta la xiriirta dib-u-heshiisiinta, dhaqan-celinta iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo dagaalada sokeeye, abbaraha iyo macaluusha.

Xagga waxbarashada, si dhaaliyaradu shaqo u hesho, waxaa ila fiicnaan lahayd in culays la saaro dugsiyada farsamada (vocational schools ama trade schools) sida:

1-       Daryeelka xanaannada xoolaha (Animal husbandry care)

2-       Maamulka cuntada iyo sharaabka (Food and beverage management)

3-      Caawinta caafimaadka iyo qalabka loo isticmaalo (Medical assisting)

4-      Xirfadaha xaamulka xaafiisyada (Office management skills)

5-      Korontada iyo habdhismeedkeeda  (Electrical systems training)

6-      Hawo qaboojiyaasha (Air conditioning)

7-      Dayactirka baabuurta , iyo arrimha la xiriira garoomada iyo duulista (Auto repair and aviation mechanic trainings)

8-        Tababarada la xiriira tuubooyinka iyo biyomareenada (Plumbing)

9-       Najaarnimada  (Carpentry), iwm.

Tababaradaan ku saabsan dugsiyada farsamada, waxay ka mid yihiin waxyaabaha waqtigaan hay’adaha caalamiga ahi ee iimaanka waayahaan inakala tagay ay u soo jeedaan. UNESCO Institute of Statistics, waxay shaqooyinka ay abuuraan dugsiyada farsamadu ku qiimaysay inay saamayn (correlation) la leeyihiin kobaca dhaqaalaha guud ee wadanka iyo qof ahaanba sanadkii (GDP and per capita). 

Waxaa jira aragtiyo qaba haddii qof wanaagsani madax noqdo,  xataa markuu wax qaldo dadwaynaha ayaa saxa/hagaajiya qaladkii, oo marna wax xun lagama fisho. Haseyeeshee markuu madax noqdo qof aan wanaag looga baran, isagu xataa haddii uu wanaag wado ama wanaag samee isleeyahay, dadwaynaha fariintiisu ma gasho.  Maanata waxaad mooda, in Soomali diyaar u tahay, haddii natiijo fiican ama wax wanaagsan la rabo in markaas loo maro wado wanaagsan.

Wali waxaa dad badani sugayaan, in dadka loo abuuro jawi quluubtooda isku soo celiya,  ay helaan fursado lagu wada hadlo, lagu kala eed sheegto, laysku haawado, laysugu garaabo, markaasna lagu heshiiyo. Sidoo kale in la sameeyo, cilmi baaris dhexdhexaad ah oo lagu baaro, soona bandhigta sidii wax u dhaceen, wixii u sabab ahaa, waxa xal noqon kara iyo sidii looga gaashaaman lahaa in mar kale ay soo noqoto.

Ugu dambayntii Madaxwayne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Kheyre, waxaan u rajaynaynaa guul iyo inay soo xushaan dad  la saanqaadi kara, daacad u ah dadka iyo dalka oo sarriigasho iyo xishoodba leh; Ilaah ka baqaya oo aan xoola doon ahayn, dadkana tusaale wanaagsan u noqda. Taasina waa mid suuragalin karta hanashada hanka dadka iyo rajada ay hadda qabaan.


Cumar Ugaas, MSW/RSW
Ottawa, Canada
Email: [email protected]


 


Post your comments