4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Talo iyo Taageero

Gen. Mohamed Osman Qaadi
Monday, June 19, 2017

Waxaan doonayaa inaan si kooban ula wadaago aragtidayda ummadda Soomaaliyeed ee jecel dalkooda iyo dadkooda oo ku taamaya inay bal mar helaan dowlad wanaagsan oo shacbigeedu la duubanyahay, sidaana aannu ugu soo noqono xayndaabka dowladnimo e aannu ka maqnahay 27dii sano ee na soo dhaaftay.

Ujeedkaa wanaagsan ifafaalihiisu waa socdaa, waxaa nalaga doonayaa shacab ahaan inaannu ku dhabar adeegno go’aankii taariikhiga ahaa ee aannu ku dooranay Madaxwayne Mohamed Abdullahi Farmajo deedna aannu ku taageernay Mudane Hassan Khayre iyo dowladii uu inoo dhisay ayagoo ay nooga wakiil ahaayeen labada Gole ee xeer deginta.

Waxaan qabaa inay meel eber ka hoosaysa ay wax ka bilaabeen, naftoodana ay khatar galiyeen, sida wax yihiin waa isla ognahay, cadow badan oo xoog leh ayaa ka jira gudaha, agagaarka iyo dibadda dalkeena oo aan ogolayn dib u soo noqoshada qaran Soomaaliyeed .

Kooxda hogaaminta: Madaxwaynaha, Ri’isalwasaraha, Taliyaasha Ciidamada Amaanka waa koox isku duuban ayna ka go’antahay xaqiijinta istaratiijiyada fog ee nabadaynta Somalia. Waxayna ka muuqataa ku dhiiranaansha dib u dhiska CXDS,  hub ka dhigista Gobolka Benadir, la dagaalanka musuqa, dib u hishiisiinta qaba’ilada Soomaaliyeed iyo sharciyeenta xiriirka D/Federalka kala dhexeeya Dawlado Goboleedyada.

Howlahaa is feer socda oo ka mid ah khataraha ku hareersanaa Dawladnimada Somalia ma jirin cid horey u hawaysatay ama geesinnimo u yeelatay talaabo ka qaadisteeda. Waa guul u soo hoyatay Ummadda soomaaliyeed.

Shabaab waa koox jiha wareersan oo hadda naf la caari ah, una  malayn maayo in wax qorshe istraatiijiya ah ay leeyihiin, madaxdoodu waa dad ajaanib u adeega oo la iibsaday, ciidankooduna waa dhallin yaradeenii oo looga faa’idaystay dowlad la’anta dalka ka jirta, waxaana arrintaa cadaynaya fal xumadii ugu danbaysay ee qarixii ay la beegsadeen Makhaayadda Pizza House oo ay ku laayeen gabdho yar yar iyo dad shacab ah oo masaakiin ah.

Waxaan oran lahaa qaabka loola dagaalamayo, ha laga qaybgaliyo Hay’adda Culima ul diinka  Somaliyeed ee Muqdisho jooga, canbaarayntooda ayga ha loo xilsaaro, waa inay u daliilshadaan Qur’aankakariimka ah iyo Xadiithyada ficiladooda riddada ah. Waana inay kadaba hadlaan markasta oo ay qarax ama fal xun ay meel kasta ee Somalia ku taala ka sameeyaan.

Sidoo kale ha lala kaashado Culimada Somaliyeed ee caanka ka ah Dunida sida  Sh. Umal, Sh.Shibli iyo kuwa la midka ah.

Dhammaad

Waxaa Qoray:  Gen. Mohamed Osman Qaadi
Khabiir Istaratijiyada  arrimaha Ciidamada iyo Siyaasadda.
Email: [email protected]



 





Click here