4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa keeney in Madaxweynaha Gambia uu ka laabto inuu aqbaley doorashadii looga Adkaadey

Abdulkadir Mohamed Mursal​
Monday December 12, 2016
/images/2016/Dec/
Sawirka : Madaxweynaha Gambia Yahya Jammah.


Yahya Jammah oo marey dhabihii Hogaamiyeyasha Afrika caanka u nqodey 

Yahya Jamma Wuxuu ka noqdey inuu aqbaley doorashadii #Madaxweyne ee looga adkaadey Dalka #Gambia maalmo kadib markii uu horey u sheegey inuu xilka ka dagi doono isagoo xitaa farriin hambalyo oo cod iyo qoraal isugu jirta u direy madaxweynaha la doortey ee Adam Barrow.        

Dadka si dhow ula socda siyaasadda Gambia ayaa waxay tilmaameen in  madaxweyne Yahya uu dareemey cabsi mustaqbalka ah ah kadib marka uu xilka wareejiyo waxaana uu ka baqaya in Dacwooyin maxkamadeed ay kusoo baxaan hadii uu meel cidlo ah isa soo dhigo xilli uusan heysanin awood uu isaga caabiyo in waxyaabo la rumeysan yahay ay kusoo baxi karaan.

Madaxda Afrrika kuwooda Afgambiga talada dalalkooda kula wareega islamarkaana muddo dheer kursiga kusii fadhiya ayaa ka meer meera iney qabtaan doorashooyin dadweyne iyo in si xor ah loola tartamo taasoo sababta in marba marka dambeysa uu sii kordho dadka mucaaradka ku ah oo ay ugu horreeyaan siyaasiyiinta.

Sidoo kale Madaxda Afrikaanka ah intooda badan ayaa siyaasiyiinta iyo shacabkooda waxay saaraan cadaadiis siyaasadeed iyo iney iskood u dhaqdhaqaaqi waayaan iyadoo ay dhacdo iney galaan ku tagrafal awoodda Dowladda, Hanadaad ama Cagajugleyn, xabsi dad aan helin xukun maxkamadeed oo caddaalad ah, jabin sharci iyo musuqmaasuq inta ay xafiiska joogaan.

Tani waxay ka dhigeysaa in Madaxda Afrikaanka ay walwal iyo cabsi la'aan ku noolaan karaan kaliya inta ay xafiiska joogaan iyadoo hadii talada dalka ay wareejiyaan islamarkaana ay qabtaan doorasho xor ah ay ka cabsi qabaan in dacwooyin maxkamadeed iyo tacaddiyo sharciyadeed oo ay geysteen dib loogu raacdo xilli aysan heysanin awood xoog leh oo ay ku gabbadaan.

Kusii fadhinta Kursiga madaxda Afrika ee dalalkooda waa badbaadada kaliya ee si dagan ay ugu noolaan inta uu cimrigooda jiro hadii aysan helin ballan qaadyo iyo damaanad u muujineysa inaan waxba dib loogu raacan doonin waana sababta dad badan ay aamisanyihiin in Yahya Jammah uu ka noqdo codeyntii doorasho ee uu aqbaley horraantii December 2016 kadib markii hadallo uusan ku qancin uu kasoo yeerey Madaxweynaha la doortey ee Adam Barrow

Adam Barrow ayaa ku tilmaamey go'aanka madaxweyne Yahya mid lagu dilayo Dimqoraasiyadda daciifka ah ee dalka Gambia iyo rajadii laga lahaa in Gambia ay kusoo noqoto dhabbaha dimoqoraadiyadda islamarkaana awoodda dalka ay kusoo noqoto gacanta shacabka. 

Madaxda Afrika ayaa caan ku noqdey kursi jaceylka iyo ineysan si fudud ku aqbalin guul darrooyinka doorashada sidii waqtiyo badan horey loo arkey waxaana hadda walaac laga muujinayaa xaaladda Dalka Gambia kadib markii Madaxweynaha dalkaasi uu sheegey in loo dareeri doono doorasho cusub xilli uu waxba kama jiraan ku tilmaamey doorashadii isaga looga adkaadey. 


Abdulkadir Mohamed Mursal​
[email protected]




 





Click here