4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Qatar soo muuqata: Ka hortagga fawdo ka dhalata Bixitaanka Ciidanka Itoobiya
fiogf49gjkf0d

A R A G T I D A
Hiiraan Online
Friday, January 02, 2009


Iscasilaadii deg-dega ahayd ee Cabdullahi yusuf, iyo hadalkii Soomaali badani ku diirsatay ee ka soo yeeray Meles Zenawi oo ahaa inuu Ciimadiisa kala bixi doono Soomaaliya dhamaadka 2008, iyadoo uusan jirin Ciidan kale oo kala-dhexgali kara maleshiyooinika qabaa’il-diimeed ee aadka u hubaysan. Waxaad moodaa in Soomaaliya gali karto marxalad khatar ah, haddi aan la helin tilaabooyin waxter leh oo lagu xaqiijinayo heshiiskii Jabuuti ay ku soo galeen Dowlad KMLG ah iyo Jabhada Dib-uxoraytu (ARS).

 

19 sano ka hor, Janaayo 1991, ayay ahayd makrii kooxo qiraysani ay ku gaardiyeen magaalada Muqdishu oo ay magaaladii ka saareeen madaxwaynihii (Maxamed Siyaad Barre) iyo dowladiisiiba, iyogoo aan wadanin haba yaraatee aragti ka saraysay/ka fog inay magaalda Xamar qabsadaan. Faa’iidada kaliya ee ay gaareen waxay noqotay burburinta Ilihii iyo kaabiyaashii dhaqaale ee  wadanka, abuurida qalalaase iyo dagaal sokeeye oo faraha looga gubtay ayna ku nafwaayeen boqolaal kun oo qof, sababna wali u ah soo noqod la’aanta qaranimadii Soomaaliyeed iyo inay nabad kula noolaato shucuubta ay deriska yihiin.

 

Maxay ka midaysanaan karaan Janaayo 2009 iyo Janaayadii 1991kii?

 

Waxaa jira baqdin ay qabaam dad badan oo Soomaali ah iyo beesha caalamkuba oo ku saabsan waxa dhici kara haddi Itoobia Ciidankeed deg-deg ula baxdo, iyadoo uu san wali muuqanin ciidan wadani ah oo abaabulan ama midaysan. Waxaa laga baqayaa in taariikhdu dib ula soo guryo-noqoto waxeedii 1991kii. Waxaa la filikaraa in qaybaha Soomaaliyeed ee hubaysani  ee aan wali lahayn aqoon iyo farsamo ciidan, is-afgarad wanaagsan iyo barnaamij ay ku midaysanyihiin toona, ayan ka fursan doonin inay fooda isdaraan oo ay midiba tan kale kkaarijinteed shaqo ka dhigato. Si haddaba khatartaas looga hortago, waxaa lagama-maarmaan ah in beesha caalamku ay af iyo adinba isugu gayso abuurida ciidamo wada jir ah oo lagu wada kulmiyo dhamaan kooxa hubaysan, shaqooyina looggu abuuro, islamarkaasna loo howlgalo soo celinta hay’adihii dowliga ahaa iyo kabiyaashii dhaqaalaha dalka.

 

Waayo markii Ciidanka Itoobia baxaanba, baqdintu waxay tahay in faraxada dadku ay soo gaabato sidii tii 1991kii, dib na loogu noqdo, qas,fowdo, dagaal-oognimo ismaquunin, iyo colaad sokeeye

 

Waan in laga taxadaraa suuragalnimada in Ra’isulwasaare Meles uu hoos ka rajaynayo in beesha caalamku ay ammaan iyo ducaba ka soo daba tuuri doonaan, markii la arko Muqdisho oo isku dhexyaacday, oo diryaanka iyo holaca xabada sokeeyana dib uga qiiday, bililiqadiina ay ka bilaabato meelihii dowlada ee ay ka baxeen ciidamada Itooobia, sida Madaxtooyada, Barlamaanka, saldhigyada booliiska, iwm.

 

Dhinaca kale, inta gudiyada nabadaynta iyo yagleelida dowladnimo ee Nur Cadde iyo Shikh Sharif ay ku sii jeedaan awood qaybsiga iyo xulashada xubnaha sahanta boqol (500) ee barlamaanka cusub oo ah barlamaan uun uu yeelan karo wadan “India” (Wadanka aduunka ugu dad badan marka laga reebo Shiinaha dadka) oo kale ahi, ayaan arkaynaa inayan wali muuqanin barnaamij iyo qorshe siyaasadeed, ama nabadgalyo oo ay wadaan ama daka u sheegayaanba. Ilaa hadda dadku masaadaalin karaan waxa dhici doona markii ciidanka Itoobiya baxo. Yaa mas’uul ka noqon doona ammaanka meelha muhiimka ah sida, Gigooyinka diyaaradaha, dekadaha, Madaxtooyada, fariisinka Barlamaanka ee Bydhabo, iyo dhismayaasha kale ee dadwayne, waayahaanse loo yaqaan waxa dowladeed uun.

 

Waxaad moodaa  inay soo ifbaxayso fursadii kuwa markasta walaaqi jiray hanaanka iyo socodka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo ay markaas qaarba meel dhigtaan isbaarooyin in gaar ahi ku danaysanayso qabiilna dalad u yahay.

 

 Qorshaha isbedal wanaagsan keeni kara:

 

Waxgardaka, culumada, iyo shacabka Soomaaliyeed, ayay taahay inay aqoonsadaan xilka ka saran hagaajinta gurigooda. Sidoo kale beesha caalamku waa inay arrintaas Soomaalida ku taageertaa waqtigan xasaasiga ah. Taaasna waa arin laga rabo in hoggaanka Soomaaliyeed ee hadda ahi uu si fiican u garto.

 

Danjira, Ahmed Ould Abdalla oo sifiican u qaabeeyay heshiiskii Jabuuti waa inuu sii wadaa ilaa dhaqan-galintiisa, uuna hubiyaa in beesha caalmka oo ay ku jirto Itoobia ay ka qaataan kaalintooda lagama-maar-maanimo, kana taxadaraa kuwa fadqalayn kara heshiiska oo ay ka mid noqon kara xubnaha dowlada, mucaradka iyo meelo kalaba

 

Kusimayaasha xilalka Madaxwayne iyo Ra’iisulwasaare (Aden Modoobe iyo Nur Cadde) waa inay dadka u xaqiijiyaan, si toos ahna ugu qeexaan waxay doonayaan inay qabtaan. Madaxdaasi waa inay hoosta ka xariiqaan qiimaha ay leedahay magaal-joognimada iyo macnaha dowladnimoba, waana inay dadaal xoog leh ugalaan siday ku kasban lahaayeen xurmada shacbka ay tahay inay u adegaan. Madaxdaasi waa inay garawsadaan dhibaatadii xoogga lahayd iyo xaaladihii baniaadanimada ka baxsanaa  ee 20kii sano ee ugu dambeeyay dadka Soomaaliyeed ku sugnaa.

 

Madxada Jabhada dib-u-xoraynta (ARS), waxaa iygana si gaar ah ula gudboon inay u xuubsiibtaan shakhsiyad qaranimo oo la soo baxda awood iyo xirfad dowlad lagu maamuli karo, kuna mintidi karta hirgalinta iyo fulinta heshiiskii lagu gaaray Jabuuti. Waa inay waydiistaan Danjire Ould Abdalla iyo beesha caalamkaba in Ciidanka Itoobia ku baxaan hannaan iyo qaab agaasiman oo leh shax qorshaysan, kaasoo dowlada iyo Jahada xorayntaba u ogolaankara inay isku duwaan nidaam iyo ciidan la wareega meelaha ay ciidanka Itoobiya baneeyaan. Waa inay ka digtoonaadaan wax kastoo imaan kara Marka ay Itoobiaanku baxaan, isla markaasna farxada dadku arrintaas uqabaan ayan noqonin mid dhicisowda oo isu bedasha qas iyo fowdo gondahaaga ka unkanta, deetana sideenii eedaanka dumarka iyo caruurteena uu adduunka ka seexan waayo

 

Wixii aragti ah, fadlan noogu soo hagaajiya: [email protected]



 





Click here