advertisements

Kulanka HU ee London

fiogf49gjkf0d


By Abdirahman M. Abtidon


Kulan uu soo qaban qaabiyey guddiga Jaamacadda Hiiraan ee UK ayaa waxaa lagu martiqaaday oo warbixinno ka jeediyey Cabduqaadir Khaliif Diiriye oo ah guddomiye ku xigeenka ururka Jaamacadda Hiiraan (Hiiraan University Foundation) iyo Prof. Ibraahim Dhaqane oo ah maamulaha Jaamacadda Hiiraan isla markaana wax ka dhiga.

Prof. Ibrahim Dhaqane, Maamulaha Jaamacadda Hiiraan
Kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah jaaliyadda reer Hiiraan waxaa si habsami ah u xiriirinayey Haashim Ducaale oo ka tirsan guddiga jaamacadda ee UK waxaana ugu horeyntii ka hadlay Avv. Caasha Kiin Faarax Ducaale oo ka tirsan guddiga dhexe ee jaamacadda waxayna ka war bixisay qaabka ay isugu xiran yihiin guddiga jaamacadda Hiiraan ee UK iyo guddiga dhexe, waxay kaloo ka warbixisay wixii hawlo ah ee u qabsamay ilaa iyo hadda guddiga UK iyo weliba qaabka uu u shaqeeyo.

 

Intaa ka dib waxaa warbixintii la wareegay Cabduqaadir Khaliif Diiriye oo ka yimid dalka Canada ahna wakiilka sida joogtada ah u taga magaalada B/weyne oo ah meesha ay hawsha ka socoto. Diiriye wuxuu ka warbixiyey sidii ay ku dhalatay fikradda jaamacadda, heerarkii ay soo martay, caqabadihii ka hor yimid iyo wixii ilaa iyo hadda la qabtay. Isagoo ka hadlaaya caqabadahaas wuxuu sheegay in ay ugu weynaayeen dagaalada ka dilaacay Soomaaliya oo uu sheegay weliba in ay ciidamada Itoobiya ee jooga magaalada B/weyne ay degeen meel aad ugu dhow halka ay hawshu ka socoto taasoo hakad gelisay hawshii iyo arrinta labaad oo uu sheegay in ay tahay dhaqaalihii loogu tala galay dadkuna ay ballan qaadeen oo aan soo wada xaroon.

Cabduqaadir Kh. Diiriye wuxuu soo ban dhigay sawiro, naqshado iyo qoraalo tusmo wacan ka bixinaya mashruuca Jaamacadda Hiiraan (HU), wuxuu kaluu sawiradaa ka soo qeyb galayaashii ku baray dad fara badan oo gacan weyn ka geystay abaabulka, qabanqaabada iyo dhismaha HU isagoona uga mahad celinayey haddii ay ahaan lahaayeen madax dhaqameedyada, culimada, aqoonyahanka, haweenka, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada gobolka oo uu ku tilmaamay kuwa aan u kala harin mashruucan.

 

 

Waxaa markaa lagu soo dhaweeyey codbaahiyaha Prof. Ibraahim Dhaqane oo isna ka warbixiyey mudadii uu  ku guda jiray mashruuca. Waxa uu sheegay in isaga oo dalka dibediisa jooga markii ay la soo xiriireen guddiga dhexe ee Jaamacadda HU oo fadhigoodu yahay Waqooyiga Ameerika uu go’aansaday in uu tago B/weyne halkaana ka bilaabo abaabulka jaamacadda wuxuuna sheegay in aysan u suurtowdeen haddii uusan gacan ka helin qeybaha kala gedisan ee bulshada gobolka isagoo xusay in uu ku soo wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka si uu uga dhaadhiciyo dadka mashruucan sidaas u ballaaran.

Tusaalooyin badan oo uu soo qaatay ayaan ka xusi karnaa gabar suuqa (firshada) yaanyo ku iibisa in ay ku deeqday Sh.So.20.000 ($1)oo ay nafteeda iyo tan caruurteeda ka soo goysay, waxayna taas ku tusi kartaa buu yiri Prof. Dhaqane sida ay bulshada gobolka oo aan hanti buuran haysan diyaarka ugu yihiin hirgelinta jaamacadda HU.   

Danjire Cabduqaadir Xooshow oo isna ka tirsan guddiga HU ee UK ayaa wuxuu ku booriyey jaaliyadda in ay gacan ka geystaan hawshaas culus wuxuuna xusay in isagoo dhib jiro meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan laga hirgeliyey mashaariic wax tar leh goobaha waxbarashana ay yihiin kuwa nabadda horseeda. Danjiruhu wuxuu sheegay in gobolka Hiiraan uu weligii ahaa gobol ku caan ah aqoonta iyo isdhexgalka loona baahan yahay in taas la xoojiyo.

Abuukar Cali Geedi oo dhismooyin iyo dayactir dugsiyo badan horey u sameeyey ayaa ka war bixiyey sida ugu haboon oo hawsha loo socodsiin karo. Ugu dambeyntii mudane Ismaaciil Cilmi Xareed oo ka mid ah odayaasha ka soo jeeda gobolka Hiiraan ee ku nool magaalada London ayaa dhiiri gelin, waano iyo ducaba ku soo gunaanaday kulankii.

 

Abdirahman M. Abtidon, Hiiraan Online

E-mail: [email protected]