advertisements

Tacsida Marxuum Adan Xersi Warsame

General Adan Xersi WarsameWaxaa bishan September 14keedii, 2007ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo, General Aadan Xersi Wasame oo muddo dheer madax ka ahaa dugsiga caanka ee tababarka Booliska Soomaaliyeed ee loo yiqiinay "Scuola Polizia " degmada Xamar Jab-Jab. Marxuumka wuxuu ku dhashay Magalada Gaalkacayo sannadkii1920kii..  Wuxuu ku barbaaray  waxabarashadiisna ku dhamaystay magaalada Galkacyo. Waxaa uu kamid noqday ciidankii Somaaliyeed ee Ingriisku qoray. Wuxuu tababarkiisii ugu horeyey ku dhameystay magaalada Iskushuban ee gobolka Bari 1942dii. Wuxuu gaaray darajadda saddex allifle 1947 dii, oo aheyd darajadii ugu sarasay ee wakhtigaas  Ingriisku bixiyo.

 

1950kii Wuxuu marxuumku ku wareegay ciidamaddii Booliska soomaaliyeed ee talyanigu sameeyey, wuxuuna ka qabtay jagada kormeera sadaxaad. 1954, wuxuu noqday sarkaalkii ugu horeeyey ee Somaaliyeed ee Talyaanigu ku wareejiyeen saldhiga Booliska ee Degmada Afgooyo. 1960, wuxuu marxuumku noqday taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Mudug. 1961, wuxuu noqday taliyaha dugsigii tabarka ciidanka Darawiishta ee gobolka Hiiraan. Wxuuna  ahaa  aas aasahii  ciidanka Darawiishta lagu sameeyey gobalka Hiiraan oo tiradoodu ahayad 2000 oo askari . 1962 wuxuu noqday taliyaha Booliska ee gobolka Bari. 1963 wuxuu aqoon kororsi u tagay dalka Talyaniga 1964, wuxuu ka qeybqaatay dagaalkii lalagalay Axmaarada  isag oo markaas ahaa Taliyihii Cidanka ee gobolka Jubada Sare. 1965, waxaa loo magacaabay taliya Booliska ee gobolka Banaadir. 1968 waxuu waxbarsho u tagay Police Academy Washington DC ee Dalka Maraykanka .1970 kii wuxuu ahaa taliya Dugsiga sare ee Booliska ee loo yaqaan  Scuola Polizia”. Murxuuka oo aan la soo koobi Karin wuxuu dadkiisa iyo dalkiisaba u qabtay, ayaa waxaa ka mid aheyd isago ka qeybqaatay dadaalkii xornimo doonka ee SYL.

 

Marxuunku wuxuu ifka kaga tagay  xaaskiisii   Xadiyo Booos Cali iyo sagaal qofood oo uu dhalay iyo sodon iyo lix ilmood oo ay dhaleen awlaadiisa. Waxaan ilaaheey uga baryeeyna marxuunka  in uu  Janadii  fardawso ka waraabiyo, ilhehadii oo ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin…Aamiin… Aamiin.

 

Fadlan halkaan ugu tacsiyadee Marxuumka