advertisements

ONTARIO KALA DOORAO

Waxaa Oktoobar 10 keeda Gobolkaan Ontario ka dhacaaya codbixintii ugu muhiimsaneyd ee taariikhda Gobolkan!!!!!

 

Soomaalida ku nool Gobolkan Ontario waxaan ku wargalineynaa in si buuxda uga wada soo qaybgalaan doorashada dhicidoonta bishan Octoobar 10keeda. Codbixinta Sannadkaan waxaa la socda wax loo yaqaan "REFRENDUM"  amaba "KALA DOORASHO" oo dadka lagu weydiinayo isbedel lagu sameynayo habka loo qabto doorasha Gobolkan Ontario. Oktoobar 10 keeda  marka aad  tagto  meelaha codbixinta laga dhiibanayo waxaa lagu siin doonaa warqad kale oo aad ku dooranaysid isbedelka habka codbixinta Ontario: Warqadaasi waxaa ku qoran su’aasha ah:

 

Waa habkii qaabka loo soo dooranyo xubnaha baarlamaanka Gobolka Ontrario?

 

 


  • Midka hadda lagu dhaqmo oo ah (qofka hela codka ugu badan ayaa guuleystay)
  • Habka kale ee codbixinta ee kii hore ka duwan oo ay soo jeediyeen golaha bulshada ee looxilsaaray (Mixed Member Proportional) ==>>> U CODEEY HABKA CUSUB

Habka doorashada hadda lagu dhaqmo

Habka cusub ee la soo jeediyey waa mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka

 

Gobolkan Ontario wax uu ka kuuban yahay 107 doorashada degmooyinka. Degmo kasta waxay xaq u leedahay hal cod oo ay ku doorato musharaxa uga qaygalayo golaha baarlamaanka. Hal Cod. Hal xubin.

 

Marka ay doorashada dammaato, xisbiga hela codadka ugu badan ee doorashada degmooyinka ayaa la weydiisanayaa in uu soo dhiso dowladda.

 

Nidaamka cusub ee dadka la weydiindoona codbixinta sannadkan ee lagu magacaabo  "Mixed Member Proportional". Waa hab isku keenaya kii horay u jiray iyo mid ku dheehan saamiga xubnaha matalaya.

 

Sideebuu u shaqeeyaa nidaamka "Mixed Member Proportional"? Qaybta 1aad

 

Haddii nidaamkan la ogolaado, gobolkan Ontario wuxuu yeelandoonaa laba qaybood oo la soo doorto. Mid  deegaanka iyo mid xisbiga ah.

 

Xubnaha baarlamaanka wuxuu lahaandoonaa 129 kursi. Xubnaha deegaanka waxay buuxindoonaa 90 kursi inta soo hartay oo ah 39 waxaa buuxindoona xubnaha xisbiga "List members".

 

Xisbiga hela kuraasta ugu badan ayaa markaas soo dhisidoona dowladda gobolka Ontario

 

Sidee lagu soo dooran doonaa "Local Members" iyo " List Members" Qaybta 2aad

 

Xaafad kasto, hal cod ayeey u isticmaaleystaa in ay ku soo doorato "Local Member" sidii markii horeba loo soo dooran jiray. Musharaxa ugu codbata ayaa ku guuleysanaya xaafadaas.

 

Codbixinta kale waa xisbiga . Dadka waxaa la weydiinayaa xisbiga uu dooranayo. Xisbiga ugu cod bata xaafadaas ayaana ku guuleysanya "List Member"ka.

Markaa ku darista xildhibaano ku soo baxay codka la siiyey xisbiga wuxuu habkaan cusub ee doorashada siinayaa xukun ka tarjumaaya rabitaanka dadka wax soo doortay.

Oktoobar 10 keeda u codeey dimoqoraadiyada. U codeey MMP oo ah habka cusub ee doorashada.

 


                                         Dooro MMP