advertisements

Shirweynihii Eurosom 2007 Helsinki oo doortay maamul cusub

Helisinki, Finland -  Shirweynihii Ururka Sportiga Soomaaliyeed ee Yurub loona yaqaan "Eurosom" ayaa doortay maamul cusub labada sano ee soo socota. Shirweynahaan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Kanava oo martiglineysa ciyaaraha la filayo in ay (SUMMER)ka in ay ka dhacaan dalka Finland.

Maamulka cusub ee shirkaas lagu magacaabay ayaa kala ah 
Gudoomiye:  Mohamed Diini,
Guddoomiye ku-xigeen:  Hassan Musse
Xisaabiye/Qasnaji: Mohamud Nur
Xoghayaha Guud: Mohamed Hussen Lolow
Xoghayaha xiriirka calaamigana: Shujaac
Waxaa sidoo kale dib loo soo dooran doonaa  3 jago maalmaha soo socda.


Goobta lagu soo doortay maamulka cususb ee Eurosom  waxaa  goob joog ka ahaa Muriidi Nur Zeyno, Sabriye, Bashiir Cabdi Dahir, Omar Ahmed Jama, Ibraahim buruko iyo dabcan gudoomiyaha Kanava  Cabdulqadir Hadafow & dhamaan xubnaha ururka kanava oo dhan. Waxaa kaloo shirka goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga Olympikada Soomaaliyeed islmarkaasna ah madaxa xiriirka dibadda Mr. Duraan Axmed Faarax.

Waxaa halkaas lagu go'aansaday in xubin buuxda ay ka noqdaan laba kooxood ee kala ah Birmingham, UK iyo Kooxda Sukoa ee Norway.  

Ciyaaruhu waxay dhici doonaan 20.07.2007 - 01.08.2007

Isku aadka kooxaha

A
Leicter UK
Oslo NO
Al/hijra UK
Kiklub DK
Hirda NL


B
Birmingham UK
Waaberi UK
Sokao NO
Kanava FIN
Gothenburg SW

Shirweynihii Eursom ayaa wuxuu ku dhammaad guud iyo is afgarad. Waxaana lagu ballansanyahay oo ciyaaraha summerka ka furmidoonaan magaalada Helsinki ee waddanka Finland. Wixii warbixin ah ee soo kordhana dib ayaan idiinku soo sheegidoonaa. 

Waxaa warbixintaan noo soo diray :
Abdi aziz Godah & Abdifatah
Helsink, Finland