Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Macdanta

 

Arbaco, October 29, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maalintii labaad ka qeyb galaya Shirka 10-aad ee Caalamiga ah ee Macdanta oo ka socda magaalada Fujairah ee Isutagga Imaaraadka Carabta.

Shirkan heerka Caalami ah ayaa Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya waxuu ka jeediyay khudbad uu ku faahfaahinaayay istiraatiijiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan horumarinta iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. 

newsinsideWasiir Daahir Shire ayaa sidoo kale Shirka ka jeediyay talooyin muhiim ah oo lagu dhiirigelinayo maalgashiga gudaha iyo dibadda, laguna xoojinaayo shuruucda iyo hanaanka hufan ee lagu maamulo kheyraadka Macdanta iyo Batroolka.

"Waxaan fursad u helay inaan ka hadlo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah iyo inaan dhiirigeliyo maalgashadayasha caalamiga ah inay tixgeliyaan fursadaha macdanta ee dalkeenna" ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Daahir Shire Maxamed. 

Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha caalamiga ah ee ka qeyb galaya shirkan in ay tixgeliyaan fursadaha maalgashi ee balaaran ee ka jira Soomaaliya, isagoona  tilmaamay in dalka uu leeyahay macdano kala duwan oo ay ka mid yihiin Gold Tin, Iron, Copper, Cobalt, Gold, Platinum iyo Yuraaniyam, kuwaas oo dhamaantood door weyn ka qaadan kara kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Mustaqbalka dalka.

Ugu dambeyntii Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa booqday bandhigga shirkadaha iyo jaamacadaha ee ka socda dhinaca madasha shirka, halkaas oo lagu soo bandhigay tiknoolajiyo casri ah, qalab cilmi baaris iyo hal abuur cusub oo la xiriira sahminta iyo soo saarista macdanta.