Axad, October 26, 2025 (HOL) - Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa maanta si aqlabiyad buuxda u ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka dalka, taas oo meesha ka saartay xayiraaddii da’da ee horay u jirtay, taasoo qof ka weyn 75 sano ka hor istaageysay inuu u tartamo xilka madaxweynenimada.
Isbeddelkan ayaa u sahlaya Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo haatan 77 jir ah, inuu mar kale isu soo taago doorashada madaxtinimo ee dalkaasi, taas oo la qorsheeyay in ay qabsoonto bisha Abriil ee sanadka 2026.
newsinsideWararka ay faafisay wakaaladda AFP ee Faransiiska ayaa sheegaya in isbeddelka dastuurka uu qayb ka yahay qorshe siyaasadeed oo ballaaran oo ay xukuumadda Jabuuti ku doonayso in ay “cusboonaysiiso” nidaamka doorashooyinka, inkastoo mucaaradka iyo ururrada xuquuqda aadanaha ay ku tilmaameen tallaabadan mid lagu sii adkaynayo xukunka Geelle oo talada haya tan iyo 1999.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhowaan sheegay in isbeddelka dastuurka uu muhiim u yahay “xasilloonida iyo horumarka qaranka,” balse dhaleeceyn xooggan ayaa kasoo yeertay dhinacyada mucaaradka oo ku doodaya in arrintani ay meesha ka saarayso tartan siyaasadeed oo xor ah.
Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay dhabbaha u xaareyso muddo xileed lixaad oo uu Madaxweyne Geelle u tartamo, taasoo sii xoojineysa doodda ku saabsan sii jiritaanka hoggaankiisa muddada dheer ee dalka yar ee istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.