Khamiis, October 23, 2025 (HOL) - Ku dhaawaad 40 ruux oo ah muhaajiriin kasoo jeeda dalalka xaraha ka hooseeya ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen xeebaha dalka Tunisia, kadib markii ay qalibantay doonidii ay saarnaayeen oo u socotay dalka Talyaaniga.
newsinsideDowladda Tunisia ayaa xaqiijisay in muhaajiriintaan oo tiradoodu gaareysay 70 ruux in la soo badbaadiyay dhowr iyo ruux, islamarkaana wali la baadi goobayo tiro kale oo nolol iyo geeri lagu la'yahay.
Muhaajiriintaan doonida la gadoontay ayaa hankoodu ahaa iney gaaraan Qaaradda Yurub si ay halkaasi uga helaan nolol ka wanaagsan mida ay uga carareen dalalkooda.
Dhacdadaan ay ku geeriyoodeen dadkan tahriibayaasha ah ayaa qeyb ka noqoneysa kuwa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay Badda Mediterranean-ka, halkaasoo marar kala duwan sidaan oo kale ugu dhinteen muhaajiriin isku dayaya inay gaaraan xeebaha dalalka Talyaaniga, Spain iyo Malta.
Si kastaba ha ahaatee hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa ka digay xaaladahan qatarta ah ee sii kordhaya, iyagoona sheegay in sanadkan oo keliya Badda Mediterranean-ka iney ku dhinteen Kumanaan qof oo doonayay iney Qaaradda Afrika uga talaabaan dalalka Yurub.