Arbaco, October 22, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dudumaaye oo hoos yimaada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in saddex nin oo walaalo ah ay dileen maleeshiyaad hubeysan xilli ay ku sugnaayeen beertooda.
newsinsideDadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dilka uu dhacay iyadoo ragga la beegsaday aysan waxba galabsan, waxayna ahaayeen beeraley ku hawlanaa howlahooda nololeed, Sida ay sheegeen ilo wareedyo maxalli ah, dableyda ayaa si bareer ah u toogtay walaalaha, iyadoo arintaan loogu aaneenayo inay tahay mid salka ku haysa aano qabiil.
Dadweynaha deegaanka ayaa muujiyay cabsi iyo murugo weyn, waxayna codsadeen in dowladda ama hay’adaha ammaanku ay wax ka qabtaan xaaladda amni darro ee deegaanka ka jirta.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Wanlaweyn ama laamaha ammaanka oo ku saabsan falkan foosha xun, mana jirto cid loo soo qabtay dilkaasi.
Dhacdadan ayaa qeyb ka ah rabshado isa soo taraya oo ka dhaca qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo beeraleydu marar badan la kulmaan hanjabaado iyo dhibaatooyin uga yimaada kooxo hubeysan.