Talaado, October 21, 2025 (HOL) - Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Amb. Ilyas Ali Hassan, ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DRC), Marwo Thérèse Kayikwamba Wagner, xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday magaalada Kinshasa.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, ballaarinta wada-shaqeynta dhexdeeda Urur-goboleedka EAC, iyo diyaar-garowga iskaashi mustaqbalka ka dhex bilaaban doona labada dal ee Soomaaliya iyo DRC marka ay wada joogaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), Soomaaliya ayaa haatan kursi ku leh Golaha Ammaanka, halka DRC la filayo inay ku biirto sanadka 2026.
newsinsideAmbassador Ilyas ayaa uga mahadceliyay dowladda DRC sida ay u martigelisay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaas, isagoo xusay in Soomaalida si wanaagsan ugu milantay bulshada deegaanka isla markaana ka qaybqaadaneysa horumarinta ganacsiga.
Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay fursadaha dhaqaale ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada maalgeshiga, fududeynta ganacsiga, iyo wada-hadalka ku saabsan dal-ku-galka iyo deganaanshaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee DRC.
Dhankeeda, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DRC, Marwo Wagner, ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay dowladeeda in la xoojiyo xiriirka dalalka Afrika, iyadoo si gaar ah u ammaantay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ka ciyaarayso gudaha Ururka EAC iyo dadaalladeeda nabadeynta gobolka.
Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika sannadkii 2023, taasoo ka dhigtay xubintii siddeedaad ee ururka, Tani ayaa fursad u furtay Soomaaliya si ay xiriiro cusub ula yeelato waddamada ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Afrika, iyadoo kobcineysa ganacsiga iyo iskaashiga siyaasadeed ee gobolka.