Jimco, October 17, 2025 (HOL) - Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay qorshaha iyo jadwalka howlaha Xajka ee sanadka 1447 Hijri/2026 Miladi, ka dib wada-xaajooyin ay la yeelatay dowladda Boqortooyada Sacuudiga.
War-saxaafadeedka oo la soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay gutaan waajibaadka Xajka looga baahan yahay in ay isdiiwaan geliyaan, islamarkaana ay maraan nidaam cusub oo lagu xaqiijinayo hufnaanta iyo badbaadada adeegyada Xajka.
newsinsideQodobbada ugu muhiimsan ee lagu xusay waxaa qeyb ka ah in Xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya in ay aadaan Xajka in ay si rasmi ah isu diiwaan geliyaan si loogu oggolaado, Lacagta Xajka ee sanadkan waa $4,543.5 (afar kun shan boqol afartan iyo saddex doollar iyo nus), waxaana la bixinayaa bisha November 2025.
War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Shirkadaha bixiya adeegyada Xajka lagu wargeliyay in la marsiin doono nidaam rasmi ah oo Wasaaraddu u adeegsatay si looga hortago wax isdabamarin ah iyo sidoo kale in mamnuuc ay tahay in xujey Soomaaliyeed laga dhoofiyo garoomada aan ahayn kuwa si gaar ah loogu asteeyay sida midka Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Boosaaso.
Wasaaradda ayaa sheegtay in la diyaariyay liis rasmi ah oo ah oo 71 shirkadood oo keliya loo oggol yahay in ay ka qeyb qaataan howlaha Xajka.
HALKAAN HOOSE KA AKHRI WARKA KASOO BAXAY WASAARADDA:-