Axad, November 9, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa hortagay Guddiga Horumarinta Adeegyada Bulshada ee Golaha Shacabka, si uu uga jawaabo su’aalo la xiriira haweeney ku dhashay afaafka hore ee Isbitaalka Banaadir, kadib markii la sheegay in loo diiday in la geliyo xilli ay ku jirtay xanuunka foosha.
Kulanka oo si gaar ah diiradda loogu saaray kiiskan muranka dhaliyay, ayaa xubnaha guddigu weydiiyeen wasiirka waxa uu kusoo arkay kormeerka uu ku tagay isbitaalka iyo muuqaalada kaamirooyinka ammaanka ee isbitaalka, tallaabooyinka uu qaaday kadib dhacdadaas, iyo su’aalo kale oo ku saabsan hab-dhaqanka maamulka isbitaalka Banaadir.
Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa qirtay in qalad dhacay oo la xiriira sida aan habboonayn ee loo maareeyay xaaladda haweeneydaas, Wuxuu sheegay in bukaan-socodka la qiimeeyay iyadoo aan loo diyaarin gaadiid gurmad degdeg ah, isla markaana aan loo qaadin xaruntii caafimaad ee ugu habboonayd xaaladdeeda.
newsinside“Kiiskan waxaa ku jiray khaladaad aan aqoonsannahay, Haweeneyda waxaa la keenay isbitaalka xilli habeen ah, waxaana shaqada ku jiray laba umuliso, Kaamirooyinka waxaan ku aragnay in ragga keenay ay u sheegeen haweeneyda in lageeyo isbitaal kale,” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirku wuxuu intaa ku daray in habka gudbinta (referral process) uu ahaa mid khaldan oo aan la marin nidaamka isbitaalka, islamarkaana loo sameenin gargaar degdeg ah oo uu maamulo dhakhtar, halkii umuliso go’aan ka gaari lahayd.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dhacdadu dhacday 26-kii Oktoobar, balse isbitaalka uusan la soo xiriirin Wasaaradda Caafimaadka, islamarkaana aan la helin warbixin rasmi ah oo ku saabsan dhacdadaas.
“Dhacdadan waxay muujineysaa dayac maamulka iyo habka isgaarsiinta ee u dhexeeya isbitaalka iyo wasaaradda, Ma aanan ogeyn xaaladdaan ilaa ay arrintu baraha bulshada ku faaftay,” ayuu yiri Wasiirka.
Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ballanqaaday in uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u gudbin doono warbixin dhameystiran, oo ka kooban faahfaahinta kiiskan, tallaabooyinka la qaaday, iyo qorshaha lagu hagaajinayo adeegyada Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, kaas oo hoos taga Wasaaradda Caafimaadka.