Khamiis, November 6, 2025 (HOL) - Waxaa galabta lagu ciyaari doona garoonka ciyaaraha Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ciyaarta xiisaha badan ee Finalka ah ee dhexmari doonta degmooyinka Warshiikh iyo Howlwadaag oo kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir.
Ciyaartan ayaa ah kulanka kama dambeysta ah Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo mudooyinkii dambe si habsami leh uga soo socday Muqdisho.
newsinsideKulankan Finalaha ah ayaa la filayaa iney u soo daawasho tagaan boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo kala taageeraya labada degmo ee galabta dhexmari doonto ciyaarta sida weyn loo wada sugaayay maalmahan.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in kulankaani galabta dhexmari doona degmooyinka Warshiikh iyo Howlwadaag iney goobjoog ka noqdaan.
Ciyaartaan aadka u adag ee galabta dhici doonta waxaa garsooraya garsooraha Soomaaliyeed ee caanka ka ah caalamka Cumar Cabdulqaadir Cartan .
Ugu dambeyntii Taliska Qeybta Booliiska gobolka Banaadir ayaa dhawaan amar ku bixiyay inaan hub lala soo gali karin garoonka Stadium Muqdisho, islamarkaana cidii lagu arko waxyaabo amniga wax u dhimaya laga qaadi doono talaabo adag oo sharci ah.