Talaado, November 4, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil naxdin leh oo maanta ka dhacay magaalada gudaha magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shilka ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah uu jiiray sadex darawal oo ka mid ah wadayaasha mootada labada lugood leh ee loo yaqaan Fekon, waxaana isla goobta ku geeriyooday laba darawal, iyadoo midka sadaxaadna uu soo gaaray dhaawac culus.
newsinsideDarwalka dhaawacmay ayaa loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, waxaana shilkan naxdinta leh uu si gaar ah uga dhacay wadada loo yaqaan 21-ka October ee degmada Waaberi.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in darwalkii waday gaariga Xamuulka ah ee jiiray darawalada Moto Fekonta ah inuu goobta isaga baxsaday, waxaana shilkaan uu sababay in mudo kooban uu xirmo dhaqdhaqaaqii isku socodka wadadaas.
Ugu dambeyntii shilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu eedeeyaa darawalada qaar oo aan khibrad wanaagsan u laheyn kaxeynta gaadiidka iyo kuwa qaar oo si xad dhaaf ah u kaxeeya gaadiidka, taasoo keenta inay lumiyaan xakamaynta gaariga marka ay wajahaan xaalado halis ah.