Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday iney gargaar deg deg ah gaarsiineyso ku dhawaad 100,000 oo qof oo Soomaali ah

Axad, November 30, 2025 (HOL) - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah uga soo jawaabta codsiga dhawaan ay jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadana gurmadka deg degg ah lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee wajahaya abaaro aad u ba'an.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdishi ku qaabilay Mr. Yaziid Cabdalla Xamuud oo ah maamulaha Hay’adda Xarunta Boqor Salmaan ee Laanta Afrika.

Labada masuul ayaa Kulankooda diiradda ku saaray xaaladda abaareed ee dalka iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay ee ku nool qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Maamulaha Hay’adda Xarunta Boqor Salmaan ee Laanta Afrika Mr. Yaziid Cabdalla Xamuud ayaa balan qaaday in Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya inay gargaar caawinaad ah gaarsiin doonto ku dhawaad 100,000 oo qof.

"Intii kulanku uu socday, waxaa lagu shaaciyay in Boqortooyada Sacuudiga ay oggolaatay gargaar degdeg ah oo lagu caawinayo ku dhowaad 100,000 oo qof, kuwaas oo ka mid ah dadka ugu nugul ee ay abaartu sida adag u saamaysay" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Hay’adda SoDMA. 

Wuxuu sidoo kale sheegay Maamulaha Hay’adda Xarunta Boqor Salmaan ee Laanta Afrika in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay mar walba garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka go’an tahay iney sii wadaan taageerada bini’aadantinnimadda ee dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool Soomaaliya.

Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya talabadan deg dega ah iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoona xusay in gurmadkani uu qayb ka noqonayo dadaalada lagu xoojinayo u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.