Warbixin Qaramada Midoodey loo gudbiyay oo muujisay inuu xoogeystay xiriirka Al shabaab iyo Xuutiyiinta


Isniin, November 3, 2025 (HOL) - Warbixin cusub oo ay soo saareen kooxda khubarada caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Yemen ayaa shaacisay in uu weli socdo xiriir iyo iskaashi qarsoon oo u dhexeeya Kooxaha Xuutiyiinta,  Al-Qaacida iyo Al shabaab.

Sida ku xusan warbixinta oo loo gudbiyey Xoghayaha Guud ee QM António Guterres, khubaradu waxay sheegeen in hoggaamiyeyaal ka tirsan dhinacyadani ay si joogto ah isu weydaarsadaan xog, isla markaana ay iska kaashadaan howlaha sirdoonka iyo dhaqdhaqaaqyada militari.

newsinsideWarbixinta ayaa intaas ku dartay in labo xubnood oo ka tirsan Al-Qaacida ay si toos ah ula shaqeeyeen hay’adaha amniga iyo sirdoonka Xuutiyiinta, taasoo keentay in labada dhinac ay ka helaan faa’iidooyin istaraatiiji ah iyo dhaqaale.

Sida ay sheegeen ilo sir ah iyo kuwo rasmi ah, iskaashigaasi wuxuu muhiimad gaar ah siinayaa tababarka dagaalyahannada, bixinta daryeel caafimaad, iyo wadaagga agabka dagaalka ee lagu sameeyo meelaha ay Xuutiyiintu maamulaan.

Warbixintu sidoo kale waxay ku eedeysay Xuutiyiinta inay noqdeen il muhiim ah oo maalgelin u ah ganacsiyada sharci darrada ah, gaar ahaan ka ganacsiga iyo tahriibinta hubka iyo badeecooyinka mamnuuca ah, taas oo ay la wadaagaan Al-Qaacida, Al-Shabaab iyo shabakado kale oo tahriibin.

Dhanka kale, kooxda khubaradu waxay xuseen in xiriirka Xuutiyiinta iyo Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya uu si weyn u ballaaranayo, Waxaa la sheegay in Xuutiyiintu usoo direen Soomaaliya injineerro iyo farsamayaqaanno si ay ugu tababaraan xubno ka tirsan Al-Shabaab sameynta bambaanooyinka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado weerarada.

Isla warbixinta ayaa sheegtay in ku dhowaad 400 dhalinyaro Soomaaliyeed loo qaaday Yemen si ay halkaas ugu soo tababartaan dhinacyo militari iyo fikir diimeed.