Dowladda Fedaraalka oo shaacisay in dalka ka hirgalineyso adeeg Koronto oo wax ku ool ah


Jimco, November 28, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan dalka ka hirgelin doonaan adeeg koronto oo wax ku ool ah.

Wasir Bidhaan ayaa sheegay in Waraaddiisa ay ku howlan tahay bixinta adeeg koronto oo gaaraya ilaa 600 oo xarumood oo isugu jira goobo Caafimaad iyo kuwo Waxbarasho.

newsinsideWuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiirka in haatan gacanta ku hayaan abaabulka mashruuc koronto oo laga hirgalinaayo gudaha dalka, kuwaas oo loogu talagalay iney shaqeeyaan maalin iyo habeen.

"Qorshaha Dowladda Soomaaliya waa in dalka oo dhan laga helo koronta qiimaheedu hooseeyo, maadaama dowladdu diyaar u tahay inay taageerto shirkadaha koronta bixiya" ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Cabdullaahi Bidhaan Warsame. 

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa sidoo kale xusay in shirkadaha gudaha ee bixiya adeega korontada iyo biyaha ay kala shaqeyn doonaan sidii dhankooda ay u bixin lahayeen adeeg tayadoodu sareeyo.

"Waxan wadnaa dadaal la doonayo in lagu qalabeeyo shirkadaha qabilsan bixinta adeegyada bulshada, si kor loogu qaado tayada adeegyadaas" ayuu yiri Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee  Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan. 

Qorshahaan ay wado Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo adeegysada koronto iyo biyaha ee dalka ay bixiyaan shirkado gaar loo leeyahay, kuwaas oo aanan si buuxdo u haqabtiri karin baahida bulshada ee dhanka Korontada iyo Biyaha.