Soomaaliya oo markii ugu horreysay Safiir u magacowday dalka Uzbekistan

 

Khamiis, November 27, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Uzbekistan, Bakhtiyor Saidov, ayaa maanta si rasmi ah u guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospite, oo noqday safiirkii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Uzbekistan.

Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tashkent ayaa muujisay bog cusub oo u furmay xiriirka labada dal, iyadoo safarka Danjire Ospite uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay ku xoojinayso ballaarinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dalalka Aasiyada Dhexe.

newsinsideIntii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ayaa isku raacay inay xoojiyaan iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi, iyo arrimaha bini’aadantinimo, iyadoo la abuuri doono fursado cusub oo labada dal u horseeda guul wadaag ah.

Wasiir Saidov ayaa uga mahadceliyay Danjiraha kalgacalka iyo himilada uu u leeyahay horumarinta xiriirka labada dowladood, isaga oo tilmaamay in Tashkent ay diyaar u tahay inay la shaqeyso Soomaaliya si loo dhiso is-afgarad miro dhal ah.

Dhanka kale, Danjire Fatxudin Cali Maxamed Ospite ayaa uga mahadceliyay dowladda Uzbekistan soo dhawaynta iyo diyaar u ahaanshaha ay u muujisay Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriirka cusub ee diblomaasiyadeed uu yahay talaabo muhiim ah oo u gogol xaaraysa iskaashi mug leh oo mustaqbalka labada dal ka dhexeeya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Uzbekistan waxaa si rasmi ah loo aas-aasay 5-tii Febraayo 2024, kadib markii labada dal ku kala saxiixdeen New York Heshiiska Wadaxaajoodka ee dhismaha xiriirka diblomaasiyadeed, waxaana dukumentiga saxiixay Safiirrada Labada Dal uga wakiilka ah Qaramada Midoobey, Amb. Ulugbek Lapasov iyo Amb. Abukar Dahir Osman.

Soomaaliya waxay noqotay dalka 157-aad ee Uzbekistan la yeelato xiriir diblomaasiyadeed, iyadoo sanadkii 2024 keliya ay Uzbekistan xiriir cusub la sameysay 12 dal oo ku kala yaalla Afrika, Ameerika iyo Yurub.