Shil gaari oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay bartamaha magaalada Garowe

 

Talaado, November 25, 2025 (HOL) - Hal askari oo ka tirsan Booliska Puntland iyo darawal mooto bajaaj ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garowe.

Shilka ayaa dhacay kadib markii gaari uu watay askari ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la sheegay inuu qaraabo dhow la yahay madaxweynaha Puntland uu ku dhacay mooto bajaaj abbaare 11: 00pm habeenimo ee xalay.

newsinsideWar kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in askariga geeriyooday, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed, uu ka mid ahaa dhalinyarada dhawaan ku soo biiray ciidanka.

Askariga sababay shilka oo la sheegay inuu cabsanaa maandooriye, islamarkaasna hubaysnaa ayaa markii falka dhacay kaddib isku dayay inuu baxsado, isagoo iska caabiyay ciidamo kusoo baxay, taasoo keentay in dhaawac fudud loo geysto ka hor inta aan la qaban.

Laanta CID-da ayaa bilaabay baaritaanka rasmi ah oo ku aaddan sababta shilkaan ka dambeysay.

Inkastoo isbeddel lagu sameeyay ciidanka Booliiska si loo yareeyo falalka amni darrada ah, haddana weli dadka isticmaala maandooriyaha oo u badan ciidamada amniga ayaa safka hore uga jira shilalka nuucaan oo kale oo Puntland kusoo badanaya.