Jimco, November 21, 2025 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta shaaciyay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayay Xisbiga Horumar iyo Midnimo Qaran.
Qoraal uu soo saaray ayuu Mursal ku sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso doonistiisa ah inuu yeesho xorriyad buuxda oo uu si madax-bannaan ugu muujiyo aragtidiisa siyaasadeed. Wuxuu tilmaamay in mustaqbalka siyaasadeed ee uu damacsan yahay u baahan yahay inuusan ku xirneyn xisbiga uu ka tirsanaa.
newsinside“Anigoo tixgelinaya mabaa'di'da xisbiga oo aan ii oggolaanayn inaan ka shaqeeyo tallaabooyin siyaasadeed oo ka soo horjeeda aragtida iyo go'aannada xisbiga, iyo duruufahayga gaarka ah ee aan ii saamaxaynin inaan si buuxda uga shaqeeyo howlaha siyaasadeed ee waafaqsan himilada iyo ujeeddooyinka xisbiga, waxaan go'aansaday inaan iska casilo xilka Guddoomiye-ku-xigeenka iyo xubinimada Xisbiga,” ayuu yiri Mursal.
Go'aankiisa ayaa kusoo beegmaya xilli dalka ay ka socdaan abaabullo siyaasadeed iyo isu diyaar-garoow cusub oo ay siyaasiyiintu dib ugu eegayaan mowqifyadooda, xulafadooda iyo doorkooda ku aaddan tartamada siyaasadeed ee soo socda.