Axad, November 2, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ayaa laga helaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo Xalay ka dhacay deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud, kadib markii Xalay halkaas lagu dilay Hooyo 80 jir aheyd laguna dhaawacay wiilkeeda.
Dilka Hooyada 80 jirka aheyd iyo dhaawaca wiilkeeda kadib waxaa deegaankaas ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray dableyda dilka geysatay iyo maleeshiyaad kale oo ku heyb ahaa Hooyada la dilay.
newsinsideDagaalka dhexmaray labada maleeshiyo ayaa sababay dhisamada 4 ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawac 9 ruux oo kale oo ay ka mid yihiin dad rayid ah, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan deegaankaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee saakay ka imaanaya deegaanka ayaa sheegaya in Odoyaal dhaqameedka deegaanka ah iney bilaabeen abaabul lagu daminaayo xiisadan culus ee ka taagan deegaanka Guudoole.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka iyo dilalka aanooyinka qabiil la xiriira ee Xalay ka dhacay deegaanka Guudoole oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Ugu dambeyntii xaalad kacsanaan ah ayaa wali laga dareemaya deegaanka Guudoole iyo deegaanada ku dhadhaw, waxaana arimahani kusoo aadayaan, iyadoo gobolada Galgaduud iyo Mudug ay si weyn ugu soo laablaabteen dilalka iyo dagaalada salka ku haaya aanooyinka qabiilka ee sababa dhacdooyinka argagax badan.