Garsoore Cumar Cabdulkadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika 2025


Arbaco, November 19, 2025 (HOL) - Garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalamiga ah, Omar Abdulkadir Cartan, ayaa sanadkan 2025 ku guuleystay abaalmarinta garsooraha Ugu Fiican Qaaradda Afrika, taasoo uu soo bandhigay Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).

Doorashadan oo lagu saleeyay waxqabadka garsoorayaasha Afrika sanadkii la soo dhaafay ayaa ahayd mid uu tartan adag u galay, maaddaama garsoore Cumar Cartan uu tartan kula jiray laba garsoore oo kale oo ka kala yimid South Africa iyo Mauritius.

Si kastaba ha ahaatee, guddiga abaalmarinta CAF ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in garsooraha Soomaaliyeed uu yahay musharraxa ugu habboon ee guuleysanaya, isagoo ka sarreeyay labada garsoore ee kale ee la magacaabay.

newsinsideGuusha Cumar Abdulkadir Artan waxay qeyb ka tahay safar dheer oo uu ku yagleelay sumcad weyn oo garsoorinimo ah, taasoo bilowgeedu ka soo unkantay gudaha Soomaaliya. Wuxuu noqday garsoore heer FIFA ah tan iyo 2018. Muddo kooban gudaheed ayuu ku tallaabsaday heerar muhiim ah oo aan hore loogu arag garsoorayaasha Soomaaliyeed, taasoo ka dhigtay mid si gaar ah loogu xuso kubadda cagta Afrika.

Cartan wuxuu taariikh ka galay garsoorayaasha Soomaaliya markii uu noqday garsoorihii ugu horreeyay ee ka shaqeeya African Cup of Nations (AFCON), taas oo ahayd guul weyn. Tan iyo markaas, wuxuu si joogto ah uga muuqday kulamo heer sare ah oo Africa iyo caalamka ah, isagoo dhowr jeer  garsooray ciyaaraha CAF Champions League oo ay ku jiraan kulamo muhiim ah oo final ah.

Garsooristiisa hufan ayaa lagu ammaanay deganaan, go'aan qaadasho sax ah, iyo awood uu u leeyahay inuu maareeyo cadaadiska kulamada waaweyn.

Sanadihii u dambeeyay, sumcadda garsoore Cumar Cartan ayaa gaartay heer caalami, kadib markii uu CAF u xushay inuu ka mid noqdo garsoorayaasha u shaqeynaya tartanka FIFA U-20 World Cup 2025, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee garsoore Soomaali ah lagu daro liiska garsoorayaasha FIFA ee tartankaas. Sidoo kale, wuxuu hoggaamiyay koox garsoorayaal Soomaaliyeed ah oo mar ka shaqeeyay kulan isreeb-reebka Koobka Adduunka, taasoo ahayd tallaabo kale oo muujisay in garsoorayaasha Soomaaliyeed ay heleen kalsooni ay caalamku u yeeshaan.

Mas’uuliyiinta kubadda cagta, khubarada falanqeeya ciyaaraha, iyo garsoorayaal caalami ahba waxay ku amaaneen Cumar kartidiisa iyo anshaxa uu ku maamulo garsoorka. Madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya waxay ku tilmaameen inuu yahay garsoore daacad u ah shaqadiisa, isla markaana tilmaam qurux badan u ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee raba inay ka mid noqdaan garsoorayaasha heer caalami.