Cilad Ka dhalatay Cloudflare oo saameysay Hiiraan Online iyo adeegyo caalami ah

 

Talaado, November 18, 2025 (HOL) - Shabakada wararka ee Hiiraan Online iyo dhowr adeeg oo ku shaqeeya adeega Dijitaalka ayaa maanta oo Talaadado ah muddo saacado ah cilladi ku timid adeeggoodii, kaddib markii cillad ay guud soo wajahday Cloudflare oo ah shirkad hormuud u ah kaabayaasha internet-ka caalamiga ah oo maamusha boqolaal milyan oo shabakado ah maalintii.

Ciladdu waxay ka soo bilaabatay abaare 11:20 a.m. UTC, iyadoo Cloudflare ay ku warrantay inay aragtay booqdayaasha oo  si aan caadi ahayn u kordhay, taas oo sababtay dhibaatooyin ku yimid isku-xirka iyo muuqaalka fariimaha 500 error ee goobaha kala duwan ka soo baxay.

Saameyntan ayaa gaartay mareegaha, baraha bulshada, adeegyada ganacsiga iyo apps badan ay ka mid yihiin X, Canva, Dropbox, Shopify, Coinbase iyo Down detector. Qaar ka mid ah akhristayaasha Hiiraan Online ayaa soo sheegay in mareegta ay ka dareemeen cilad ku timid.

newsinsideSi ay u xasiliyaan adeegyada, injineerada shirkadda Cloudflare waxay ku-meel-gaar u joojiyeen adeegga WARP ee dhinaca amniga, gaar ahaan isticmaalayaasha ku sugan London iyo magaalooyin kale oo saameyntu ka muuqday.

Cloudflare ayaa gelinkii dambe sheegay in kooxda farsamadu ay si buuxda ugu maqan yihiin soo celinta adeegyada, isla markaana qaar ka mid ah nidaamyadu ay bilaabeen inay ku soo noqdaan sidii caadiga ahayd. Shirkaddu waxay sidoo kale sheegay in baaritaan dhamaystiran la fulin doono marka xaaladda la xasiliyo, hase yeeshee aysan weli hubin in dhibaatooyinku ay ka dhasheen weerar cyber ah, qalad farsamo oo gudaha ah ama hawlo dayactir oo aan qorshaysnayn.

Khubarada tiknoolajiyadda ayaa tilmaamay in arrintan ay muujisay sida internet-ku ugu tiirsan yahay shirkado yar oo maamula adeegyada laf-dhabarta u ah mareegaha dunida. Prof. Alan Woodward oo ka tirsan Jaamacadda Surrey ayaa sheegay in ciladaha noocan ahi ay muujiyaan sida ay dhib u yeelan karto marka hal adeeg oo waaweyn uu istaago, maaddaama saamayntu ay gaarto adeegyo badan oo isku xiran.

Qiimaha saamiga Cloudflare ayaa ku dhowaaday inuu shan boqolkiiba hoos u dhaco suuqa New York kaddib markii ciladdu soo baxday.

Dhacdadan ayaa timid wax yar uun ka dib markii Amazon Web Services (AWS) ay la kulantay cilad la mid ah, taas oo saameysay adeegyo badan oo laga isticmaalo Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, oo ay ku jiraan Snapchat iyo qaar ka mid ah hay’adaha adeegyada maaliyadeed.