Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo guul taariikhi ah ka gaaray Bahrain

 

Isniin, November 17, 2025 (HOL) - Xulka qaranka Soomaaliya ayaa soo afjaray muddo dheer oo guul la’aan ah, kadib markii ay  2–1 kaga adkaadeen xulka Bahrain ciyaar saaxiibtinimo oo loogu diyaar garoobayay isreeb-reebka Koobka Carabta FIFA 2025. 

Guudhaan ayaa waxay noqotay guushii ugu horreysay ee Ocean Stars gaaraan tan iyo 2019-kii, markaas oo ay ka badiyeen Burundi tartanka CECAFA.

newsinsideKooxda uu hoggaamiyo Yusuf Cali Nuuri ayaa kulankan u galay iyagoo kasoo baxay kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026, halkaas oo ay lumiyeen shan kulan oo xiriir ah. Bahrain ayaa goolka hore dhalisay, balse Soomaaliya ayaa soo laabatay. Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybta hore, Mohamed Omar ayaa dhaliyay goolka barbardhaca kaddib kubbad uu si qurux badan u diyaariyay ciyaaryahan Hassan Sak. Daqiiqaddii 80-aad, Essa Adan ayaa shabaqa ku hubsaday goolka guusha ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ku heshay afar barbaro, waxaana natiijadoodii ugu fiicnayd ay ahayd barbaro ay ka heleen Guinea. 

Hase yeeshee, guushan ay ka gaareen Bahrain oo ka sarreeya qiimeynta FIFA waxay Soomaaliya u tahay horumar muuqda in xulka Soomaaliya ay ka soo kabanayaan guul darrooyinkii hore.

Ocean Stars ayaa wajahaya Oman 26-ka November, kulanka koowaad ee isreeb-reebka Koobka Carabta. Guushan ayaa siinaysa kalsooni ay ku galaan wajiga xiga ee tartanka, iyadoo taageerayaashu ay si weyn u soo dhaweeyeen soo laabashadan taariikhiga ah.