Khamiis, November 13, 2025 (HOL) - Taliyaha qeybta guud ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho..
Shirka oo ka qabsoomay xarunta taliska guud ee Booliiska gobolka ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiisha sare ee ka howl gala gudaha magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta amniga degmooyinka gobolka Banaadir iyo u diyaar garowga doorashada goleyaasha deegaanka ee lagu wado in la qabto dhamaadka bishan November.
newsinsideTaliyaha qeybta guud ee Booliiska Banaadir ayaa ugu horreyn warbixin ka dhageystay taliyeyaasha Saldhigyada kala duwan ee degmooyinka Banaadir, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda amni ee goobaha ay ka taliyaan iyo nabad galyadooda.
Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in Booliiska gobolka Banaadir ay si buuxda uga go’an tahay inay sugaan amniga goobaha cod bixinta iyo xarumaha doorashooyinka ka dhici doonaan, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan jawi nabdoon oo ay kusoo doortaan wakiiladooda deegaanka.
Taliyaha ayaa sidoo kale faray saraakiisha iyo ciidamada Booliiska iney si dhow ula shaqeeyaan bulshada, gaar ahaan dadka nugul sida haweenka, dhalinyarada iyo dadka naafada ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in amaanka Muqdisho uu ku xiran yahay wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada.
Shirkan ayaa imaanaya, iyadoo doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir lagu wado in la qabto 30-ka bishan November ee 2025, waxaana weli socda diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan dhinacyada maamulka, amniga iyo farsamada, si ay u hirgasho qabashada doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir.