Talaado, November 11, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa dalka Aljeeriya, Cabdulmajiid Tabbuun, ayaa maanta goobjoog ka ahaa munaasabad lagu kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo u dhexeeya labada dal.
Heshiisyada waxaa kala saxiixday wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha, iyo Batroolka, kuwaas oo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, beeraha, xoolaha, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, iyo sidoo kale fududeynta socdaalka diblomaasiyiinta Soomaalida, kuwaas oo heli doona fiiso dal-ku-gal ah marka ay gaaraan dalka Aljeeriya.
newsinsideMunaasabadda saxiixa kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiisyadani ay dhidibada u taagayaan iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacab ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Madaxweynuhu wuxuu uga mahad celiyay Madaxweynaha iyo shacabka Aljeeriya soo dhoweynta iyo taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta muuqata ee Aljeeriya ka ciyaarto difaaca danaha qaaradda Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhiggiisa Aljeeriya deeq waxbarasho oo gaaraysa 500 arday, kuwaas oo ay ka faa’iideysan doonaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan takhasusyada muhiimka ah ee la xiriira beeraha, kalluumeysiga iyo shidaalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ammaanay hoggaanka Madaxweyne Tabbuun ee ku aaddan hirgelinta “Sanduuqa Iskaashiga iyo Midnimada Afrika,” isagoo tilmaamay in uu yahay hindise aragti fog leh oo xoojinaya wadajirka iyo horumarka qaaradda Afrika, islamarkaana Soomaaliya ay rajeynayso inay ka mid noqoto dalalka ka faa’iideysta sanduuqan.