Hiiraan Online
11/9/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Wararka Maanta- Sabti, Nov 1 , 2025
Ciidamada Puntland oo qabtay xubin ajaanib ah oo ka tirsan Daacish
Sabti, November 1, 2025 (HOL) - Ciidamada ammaanka Puntland ayaa gacanta gacanta ku dhigay dagaalame ajaanib ah oo u dhashay dalka Sacuudiga oo ka tirsan ururka Daacish.
Qabashadan xubintan ayaa ku timid howlgal ballaaran oo ka dhacay inta uu dhaxaysa deegaanka Carabi iyo Marraagade buuraleyda Calmaskaad.
Saraakiisha howlgalka ka dhanka ah Daacish ayaa sheegay, in howlgalka ka socda togga Baallade uu marayo heer gabagabo ah, iyagoo sheegay in tiro Daacish horey loogu qabtay iyagoo nool.
Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya gobolka Bari.
Madaxweyne Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay in lagu guulaystay in lasoo afjaro awooddii Ciidan iyo dhaqaale ee Daacishtii tobanaanka sano gabbaad ka dhiganaysay buuralayda Calmiskaad.