Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo faahfaahiyay dadaallada lagu fududeynayo dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed

 

Sabti, November 1, 2025 (HOL) - Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjiire Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallada ay safaaraddu wado ee lagu taageerayo dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen, Isagoo la hadlayay warbaahinta Qaranka, ayuu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Sanca ay door weyn ka qaadaneyso fududeynta soo laabashada qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda ku noqdaan si nabad ah iyo si nidaamsan.

Danjiiraha ayaa tilmaamay in safaaraddu ay si dhow ula shaqeyso hay’adaha kala duwan ee dowladda Yemen iyo kuwa caalamiga ah si loo fududeeyo nidaamka “Go Home” ee dadka dib loogu celinayo, isagoo sheegay in ay jiraan horumar la taaban karo oo dhinaca isu-dubaridka iyo diiwaangelinta.

newsinsideSafiir Cabdixakiin ayaa sheegay in uu kulamo wadatashi la yeeshay mas’uuliyiinta dowladda Yemen si ay uga wada hadlaan cabashooyinka iyo caqabadaha haysta qaxootiga Soomaaliyeed, kuwaas oo badankood la xiriira dhaqdhaqaaqa, dukumentiyada iyo jinsiyadda.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu safiirku sheegay in safaaradda ay booqasho rasmi ah ku tagtay xerada qaxootiga Soomaaliyeed ee Al Qaraz, taas oo ah tan ugu weyn ee ay Soomaalidu ku sugan yihiin gudaha Yemen, Halkaas ayey safaaraddu kula kulantay guddi matalaya qaxootiga, kuwaas oo ay kala hadleen dhibaatooyinka iyo baahiyaha ay qabaan.

Danjiire Cabdixakiin ayaa sidoo kale sheegay in uu wasiirka arrimaha gudaha ee Yemen la wadaagay cabashooyinkaasi, isla markaana uu wasiirku muujiyay diyaar u ahaansho lagu xallinayo caqabadaha hortaagan isu-socodka iyo helitaanka dukumentiyada rasmiga ah.

Safiirka ayaa ugu dambeyn ku celiyay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safaaradda Yemen uga go’an tahay inay sii wadaan dadaallada lagu daryeelayo qaxootiga Soomaaliyeed iyo in la abuuro hab nabdoon oo ay ku laaban karaan dalkooda hooyo.