5/15/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2025
Shariif Sheekh Axmed oo si adag uga falceliyay go'aanadiii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Qaranka
 

Jimco, May 9, 2025 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo go'aanadii kasoo baxay shirkii Wadatashiga ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn uga digay madaxweyne Xasan Sheekh isku dayada ciidanka xoogga loogu adeegsanayo danaha siyaasadeed, isagoona sheegay in dowladda ay horey ugu fashilantay duulaankii ay ku qaaday Jubbaland.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dowladda Fedaraalka in wax waliba ay ku dhameeyaan wadahadal, taasina lagu gaari karo midnimo iyo wadajir.

“Waxaan dowladda ugu baaqayaa in maanta la joogo waqtigii aad dadka isugu yeeri lahaydeen oo aad talo dhagaysan lahaydeen. Waan aragnaa meesha dalka ay dhigtay talo xumadiina oo meel aadan gacanta ku haynin, aadan talo ku laheyn, inaad tiraahdaan maamul ayaan kasoo dhisaa waa nasiib darro"ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu sidoo tilmaamay Shariif Sheekh Axmed in shirkii Wadatashiga natiijada kasoo baxday ay noqotay mid aanan la fileyn, islamarkaana madaxdu kaliya ku balameen dhismaha Xisbi weyn.

"Waad la socotaan shirkii wadatashiga waxa kasoo baxay iney ahayeen wax umada sii kala geynaya sida Kaambeyn iyo  u xuubsiibashada dhismaha Xisbi weyn, taasina waxay muujineysa aragti gaabni" ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed

Shariif ayaa ugu dambeybtii bogaadiyay ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka, isagoona madaxda dowladda Fedaraalka ku dhaliilay ineysan ciidanku siin taageeradii ay uga baahnayeen.